Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, Waxaana ciidankan laga soo sagootiyay Saldhigga Gobolka Oregon  ee dalka Mareykanka.

Ciidamadan oo tiradooda gaadhayso ilaa 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, Waxaana laga dejin doonaa dalka Jabuuti waxaana kaddib loo soo wareejin doonaa Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin guutada 186aad ee Ciidanka lugta dalka Mareykanka, Waxana  qeyb ka noqonayaan howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado Soomaaliya.

Paula Adams , oo ka mid ah Waaliddiinta Askarta ka loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay howlgalka uu ku biiray wiilkiisa,waxaa kale oo uu rajo wanaag u muujiyay Ciidamada qeybta ka ah howlgalkaas.

Tobanka bilood ee soo socota ayey ka howlgeli doonaan Soomaaliya waxaana beddelaya qeyb kale oo uu Mareykanka u diyaariyay Afrika.

Al-shabaab ayaa 30kii September weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ciidamada Mareykanka ah ay ku leeyihiin saldhiggooda ugu weyn kuna tababaraan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya, Iyadoo dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay sheegeen  in ay fashiliyeen weerarkaas islamarkaana ku dileen 10 ka mid ah Alshabaab.  

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Ciid kasta oo u timaad Somalia inay na caawinto WAXAAN leenahay Qalbi iyo Gacmoo furan ku soo dhawoow MIDNA waan uga digayna INAYSAN ku kicin Wax kasta oo liddi ku ah DIINTA Muslimka iyo Ku dhaqankeeda HADDII kale lakala teg. °Qodobkaasi waa MUQADIS. °Paese che vai usanze che Trovi. WBT

  2. Dabshid says:

    Halkaad Martey 19gii ayaad haddana maridoonta haddaad u socon weydo sidii Ajnabi joogo Dhul shisheeye.

    LABO SUPER POWER ma wada joogikaraan Koofur Soomaaliya – USC iyo USA.




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!