DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”

Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga hadlay Xaalada Puntland, waxayna sidoo kale dhaliileen Safarkii Madaxwayne Siciid deni uu ku tagay magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inuu Siciid deni baal maray Howlihii loo doortay, Waxayna xuseen inaanu Shaqo la taaban karo qaban Mudo 9-bilood ah.

Dhinaca kale waxay ka hadleen Xadhiga loo gaystay Muuse Cali Jaamac, oo lagu xidhay Boosaaso, Waxayna sheegeen inuu yahay Xadhig aan sharci ahayn.

Shirka magaalada Kismaayo maaha mid aanu taageersanahay, Wixii kasoo baxayna waxay Noqdeen Aflagaado ee maaha Caleemo saar, Kuwii shalay Badda Soomaaliya gatay iyo kuwa duulaanka ku ah, ayaa Madaxda Qaranka Aflagaado u gaystay, Dadka ka tagay Puntland Naguma matalaan Waxa kismaayo ka dhacay”.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 15)

  1. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Dani wuxu rabay in cabdixakiim dhobo laga keno mooshin mishaan wuxu xidhiidh
    Laleyahay jamhuriyada barakaysan e somaliya armay larogata o isaga qudhisa
    Mooshin lagurida hora loyiri cagti jogsan waydaa marbay ceeb lakulantaye walee
    Waba salagle baalaga sheegay islaan masayrtay beri kudayo puntland kudayo
    WBT

  2. Garqaad says:

    Hhhhhhhhh.

    Kuwaan maxaa wareeriyay. Yaa ayaga hadalkooda dhagaysanaayo.

    Boowe maqaayada ninbaa furihiisa haysto.

    Boowe horta ma gaydaan.

  3. xaange says:

    Ninkaa madhibaan miyey talow doonayan inay xabsi geliyaan.
    Laba miina baaraa oo ciise riyoolaa aan filayo inay la shaqeeyaan Pis iyo mid lagu qurxiyey yay ku hodin wiilka horoglow kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    *****Canaan iyo Waano fayow*****.
    Xaange, NINKAAD ka hadlayso MA garan MANA aqaan LAAKIIN waxaan Ogahay IN, haddaad aragto RUUX Qabiil ku faana ISAGAA gniica (daciifa) oo dadnimo iyo raganimo iskawaayay oo hiil u baahaan (Ninkaa madhibaan). °Xaange, halkaan kugu qiyaasay baad soo degtay. °DAY, Dacdaan diiday anoo 13jira ayyaad maanta dhex galgalanaysa, Adeer QABYAALAD mustaqbil malaha!!!. °Maxaad Somalinimo ku diiday? MA ku faan Qabiil baad mooday inuu dadnimo ku siyaadin?. °§*Tan kale Axmedow HALKAY ku dambeeyeen kuwaad shalay u sacbinaysay? Kuwaaso wejikoodi runta ahaa ay Somali aragtay°. °Tuugadi is uruursatay marmarsiyo ha u raadin hana taageerin BAL ma aragtay mid kaliya oon xoolihi Qaranka ku maqnayn?. °Cali Xaraare ma ammaanin, Salaad Cali Jeelle sidoo kale REER Barine waxaan leeyahay guulaysta. WBT

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Suldaan Cali Zubeer, WAXAAN u baahanahay cid Madaxa ii salaaxda oo i caawinta Sababta oo ah niyyadaydu Dhulkay Taal. °LABA akhyaara oo ka mida kuwaan Barxadda ugu jeclahay Ayyaa midna Daad qaaday LOP midna Haffanayaa isagoo LAAN uu qabsado raadina Beeldaaje C/Raxmaan. °Akhyaartaan waxay la qabsan làyihiin wacyiga jira WAXAAN u malayn inay Qolyo badan ku hungoobeen Dabadeedna ay iska dhaadhiciyeen inay Farmaajo/Khayre la midyihiin kuwi hore. °Akhyaartu waxaysan u fiirsan inaysan Farmaajo/Khayre Laaluush qaadan BALSE ay ayyagu bixiyaan si ay Oday macangega oo Beelweyn madax u ah ay mowqifkiisa u bedelaan. °Suldan Cali, waxaan u socdaa, Hadduu Khayre yahay Taajir aan ILAAHEEN SWT mooye cidna dhaqaalo uga baahnayn oo uu Gacanti loo soo taago oo caawinad u baahanba uu wax uun ku deeqo Muxuu Dad uga baahanyahay?. °Suldaan ogi inay Dadki ka dhammaatay kalsoonidi LAAKIIN nimankaani Wakhti dheer bay nala joogaane Maxaa dembiya oon u hayna? ANIGU waxaan ka xumaaday oo kaliya siday ula dhaqmeen Jawaari “haddana waxaan is iraah Jawaariga laftiisaa Somali ka niyad jabsanaa oo is yiri KUWAANINA kuwi hore wax ma dhaamaan ee yaysan ku wareerin.”. °Suldaan, anigu waxaan qabaa in kuwaan la garab istaago MARKAY geffaanne YAC hala yiraahdo. °Fadlan, isku day inaad weydiiso Beeldaaje C/Raxmaan iyo LOP waxy N&N u taageeri-waayeen. WBT

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    WAR yaa ILAAHEEN SWT yaqaan oo nimankaan ugu yeera Gudoomiye Gobol ee ka daaya Madaxweyne. °Hadda ka hor mid baa yiri; “Farmaajo waa M/weyne Anna M/eyne baan ahay, Taasi sow kama mid aha Qodxaha Dariiqa horusocodka daadsan. °Waxaan malayn inay igu raacsan yihiin xitaa Reer Qabiil caabude; Dabshid, Xaange, Laalays iyo Garqaad. WBT.

  7. Somalijecel says:

    Kkkkkkk Waliba Puntland ma doonayso in ay ku dhaqanto nidaamka federalka kkkk wiilyaroo Iska qiiraysan baa dhihi doona waxaan ka xog ogaal sanahay MPs.
    Arragtidayda xumaan ma jirto ee waxaa isugu kaaya tagay.
    1-Dhaqan dictator nimo
    2-Qofka marka uu xil qabto isagaa ugu garasho badan.
    3-Fakarka qabaliga oo ka xoog badan kan nationalist
    4-Corruption aan dhmaad lahayn.
    5-Dastuurada baadilka oo qof kastaa siduu isagu jecel yahay u fasiranaayo.
    6-Maxkamado loo noqdo oo aan jirin.Dabada ayaa sidaan la isugu dhaganaan illaa dalka laga qabsado.

    .

  8. Jabhad says:

    Dowlada somaliyeed oo kashanaysa wadaniyiinta

    Somaliyeed waxay si adag uga jawaabi donaan

    Xad gudubkii iyo ceebti ka dhacday xafladii kismayo

    markan kor uga baxo ma gudbayalka siyasadeed

    Ee somalida ah waxa cashar lama ilawan ah loo

    Dhigi doona shuftada kenya

  9. xaange says:

    Axmed somali
    4 meeshan ka hadlaysa waan kuu sheegay waxa ay kala yihiin. Dadkaygana anaa kaa badiya.
    Laakiin haddaadan dooneyn inaadan runta iyo waaqiciga abbaarin haddee riyadaada isaga jir.
    Wallaahi baanan nin meel kale kasoo shidaal qaata aanu wax qiima ah ku dhex yeelanayn baarlamaanka Puntland cidina wax ka soo qaadayn hadalkiisa.
    Ee waxaan ku weydiiyey Qaalli Huurshe aka Farmaajo kufsigii KENYA u gaysatey miyuu la aamusay?

  10. xaange says:

    Somalijecel
    Raggaan hal hal baanu u naqaan laakiin adiga waxaa kuugu horaysa muuqaalkan.
    Puntland maaha meel la isku dhex dhuunto.
    Waa meel la yaqaan qof kasta oo MP ah asalkiisa iyo faraciisa iyo qaabka uu u fekerayo.

  11. Dabshid says:

    Ragaani waa Xisbigee, sedexda Xisbi ee ka Jirto Puntland Boowe

    1. Hagbadle

    2. Laga mudne

    3. Korjoogto

  12. Somalijecel says:

    @Xaange halka aan xiisaynayo was in Puntland federal ka saxda ah rabi taa xaqiiqdeeda nimankaan ayaan ka dhagaysanaynaa waxba lagaa qorimaayo.
    Puntland warkeedu waa la fahansan yahay.
    1-Markii nin MJ joogo wey suuxaan markii kale waa buuq.
    2-Dadka waa ugu aqli badanahay kkk aala tahay.
    3-Federal dalka aan dan ugu jirin qabaail aan kala danbayn iyo awood lahay fariintii
    Zanaawi ahaa cadowtooyo la weyn ma arag.
    Raggaas ayaa kaa xog ogaalsan waad iska qiiraysan tahay.

  13. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Xaangow adeer, durba hoos baa u dhcday; “kufsigii KENYA u gaysatey miyuu la aamusay? Waa kee? ma M/weynahaagi?. °§*Adeer waxaan malaynay inaad ka aqoon-badantahayy intaa OO aad adeegsato ereyo hufan MA u malaysa inaan kugu qaldamay?. “Dadkaygana anaa kaa badiya”. °§*Ma hubtaa mise baxsad bay kaa tahay? waxaanse ku leeyahay aqoonta reer kuma xirna inaad uu dhalatay oo kaliya ee ogow IN la dhaqana jiro. °§*Waan ka boodi ma gaan cidda laga shidaal qaadane EE BALDAY halkaad ila aaday; “Wallaahi baanan nin meel kale kasoo shidaal qaata aanu wax qiima ah ku dhex yeelanayn baarlamaanka Puntland cidina wax ka soo qaadayn hadalkiisa. °§*Adeer BAL DAY HADDANA saad Qabiil ugu nugushahay YAA ka hadlay Puntland?. °Sammiyow Waxaad isweydisa Haddu Majeerteen kaliya ka soo haro Somali SOW CAD BISIL MA AHA?. WBT

  14. xaange says:

    Somalijecel
    Dadka federaalka diidan waanu naqaan.
    Haddii farmaajo uu ogalyahay in dadku aayahooda ka tashadaan oo wixii u dan ah deegaan walba isagu garto la iskumaba dhaceen.
    Framaajo Baydhabo dad kuma laayeen oo itoobiyaan uma adeegsadeen haddii uu federaal ogolyahay.
    Hirshabeele nacamle ma geysteen.
    Galmudug lacag kuma kala laaluusheen.
    Hadda Jubbland 2 nin isku aroosa oo madaxweyne sheegta ma dheheen.
    Ceebta ku dhacday ee marna hawada xidha marna fura uu leeyahay iyo kalsooni darrada iyo jaahwareerka haystaa ma yimaadeen.
    Farmaajo 3 mid hasoo galo.
    1 In uu is casilo
    2 Inuu xoog wax ku muquuniyo
    3 Inuu dadka la tashado

  15. xaange says:

    Waan ku celinayaa qoraalkaygii hore

    Axmed Soomaali
    Adeer waan arkay qoraalka aad hoos iigu reebtay ee aad leedahay Farmaajo Kismaanyo tegi maayo Axmed oo qabqable dagaal ooge ahna kula shiri maayo una jilba jabsan maayo.
    Horta rag walaalow wax uu ku dhaamo la waa.
    Soomaaliyana maanta uma baahna madaxweyne dadka iskala sarreeya oo amar bixiya. Ee waxay u baahantahay mid aragtidiisa dhiibta oo dadka la tashada oo tala wadaag ah.
    Waynu soo aragnay madaxweyne anaa iri ku shaqeeya meesha uu ina dhigayna waanu ognahay maanta.
    Soomaaliya maanta waxay u baahantahay waa Dhakhtar daweeya qof cudur hayo oo aan la garanayn cudurka haya iyo dawadiisa.
    Waxay u baahantahat madaxweyne garanaya wadciga maanta soomaaliya yaal xaaladda ay ku sugantahay iyo kii ay soo madhay. Go’aankiisana saldhig uga dhiga aragti dheer iyo in meelo badan wax laga eego. Sidoo kale aan ku shaqayn laab la kac iyo wadcigii aynu soo marnay iyo wax laga bowsadey buugtii la qoray 1969-1991 xitaa haddii aad adigu la dhacsantahay.
    Waxaynu u baahanahay madaxweyne aan ku shaqayn nin jeclaysi, qabayaalad, eex iyo qar iska tuurnimo.
    Axmed Madoobe arintiisa haddaan usoo laabano.
    Ninkii wuu yiri waxaa day oo waxa kasii shisheeya day.
    Soomaaliya magaalooyinka ugu xasaasiyada badan waxaa ka mida magaalada Kismaanyo.
    Magaaladaa waynu ogeyn siday ahayd iyo sida maanta ay tahay.
    Waxaana alle ka sakow ka dhigay meel lagu noolaan karo oo la jaanqaadaysa magaalooyinka kale ee soomaalieed waa Axmed Madoobe.
    Doorasho xalaal ah oo loo wada jeedo ayuu galay wuuna guuleystey.
    Kaba soo qaad inaadan jeclaysan qaabka iyo natiijada uu kusoo baxay.
    Laakiin adoo ka caraysan arintaa in magaalada nabaddeedii wax loo dhimo oo fawda la geliyaa maaaha wax munaasiba.
    Waliba adoo og in Kenya oo aad Bad isku haysaan ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taaganthay si ay kuugu xumayso.
    Maxaa diidey inaad kaa soomaaligaa la heshiiso adoo eegaya Kenya oo isagana aan kusii cadaadin Kenya oo cadowgeena ah inuu isu sii dhiiboo oo xitaa hadday doonto ka dhaadhicin karta inuu noqdo gobol gooni goosad ah oo ay iyadu maamusho kharash iyo nafna dul dhigto.
    Hees baa jirey markii SSDF bilaabatay la qaaday oo ahaa ” Dad bay meeli bugtaa un waxaa iyo waxa Haynaga Baxo Dhulka Binaya Haynaga Baxo Loomaba baahnee Haynaga Baxo.
    Waa la baxay Ethiopia in la galo oo laga soo jabhadeeyo ayaana soomaali oo dhan lagu khasbay. Aakhirkiina meesha aynu naal baynu nimi iyo xeedhada salkeeda.
    Laakiin Siyaad Barre wuxuu ku fiicnaa isagu qolo kale muu aadin mana oran kaaliya soomaalida iyo Ethiopiankan wada socda iga celiya.
    Laakiin maanta Farmaajo Ethiopian iyo waliba oromo si gooniya aan isugu haysano deegaano iyo dhul buu u tagey oo yiri kaalay Axmedna ii qabo Kenyana iiga hiilliya. Oo arrintiiba wuxuu ka dhigay mid laba wadan oo kale oo aan soomaali ahayn ku hardamayso.
    Sow kama habbooneyn inaad kaaga soomaaligaa sasabto si aan dhulkaagu laba cadow ugu heshiin adoo taagan? Sheekaduna aysan kaa noqon “Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay”




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!