Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]

Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca Wayn, Kuna dhaqan magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa ka hadlay Xaalada dalka iyo Xafladii Caleemo saarka Madaxwaynaha Jubbaland ee Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sheikh Daheeye ayaa sheegay inuu Siyaasiyinta Ku shiray Kismaayo u Arko inay kasoo horjeedaan Dawladnimada Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inay dalka u wadaa Halkii uu Joogay 1991-dii, Markii ay Jabhaduhu Dumiyeen Dawladii dhexe, Taasi oo dhibaatadii ka dhalatay laga soo Kaban waayey Muddo ku dhow 30-sano.

Wuxuu Fariin u diray madaxwayneyaashii Hore ee dalka, iyo Siyaasiyiinta ka Qayb galay Caleemosaarkaasi, Wuxuuna sheegay inay muujiyeen Wadaniyad la’aan, Kadib markii uu halkaasi sharci daro ku yimid aadan Barre ducaale iyo Xubno ka socday Kenya.

Sheikh Xasan Daheeye Wuxuu Fariin u diray Madaxwaynaha Puntland, Wuxuuna sheegay inuu Taariikhda ka geli doono Baal-madow, Isagoo xusay in Dekedda , Garoonkii iyo Ilihii dhaqaalle ee Gobolka barri imaaraadku uu Boobayo.

Ugu dambayntii Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u istaagaan Sidii ay u dhisan lahaayeen, una Ilaashan lahaayeen Dawlad dalka Midaysa, Soona Celisa Sharaftii Iyo Karaamadii ay Soomaali lahayd, oo ka hanaqaada magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Sheekhu muxu ka yaabay qaran dumiska la saftay cadowga umada somaliyed
    Waa dagaal oogayaal
    Waa qabqableyaale
    Waa argagixiso
    Waa alshabaab
    Waa dal xarasheyaal
    Waa bad xaraasheyaal
    Waa gabdho xaraashayaal
    Waa mayd kukuyo u sujuudayaal
    Waa damu jadiid
    Waa qayaaladeyste yaal
    Waa diig miirteyaal
    Waa tuug
    Waa mooryaan
    Waa xaaraan quutayaal
    Iyo qaarkalo badan kkkkkkkkkkk
    Iyo taagera yaashoda WBT

  2. Khalil says:

    Hhhh war wadaadku warkiisa ma fahmine ma dadka masaakiinta ah ee rajada ka qaba in Farmajo uu maalin un xoreendoono miyuu ka mid yahay toloow?

    Adeer kismaayo iyo koonfur toona waxba idinka ka galine caadi iska dhiga oo dowladiina barakaysan aamisada aayarkoo kkkkkkkk

    Ahmed samatar baa quustay

  3. Jabhad says:

    Sheikh allaha ku xafido somali horay iyo hadaba si

    Fiican baad ula hadashay 1991 halkay dowladii

    Somaliyeed ka joogeen ayey 2019 na ka joogaan

    Yacni weli waxaa ls isku qaldaya dowlad iyo dal

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Sheekh Xasan ALLE SWT haku xafido Adduunyo iyo Aakhiraba. WBT

  5. Dabshid says:

    Shiikha haloo sheego ninkii Waqooyi iyo Koofur isku soo celinlahaa Hadda ma joogo Villada Xamar.

    Wadahadal ay furaan Xoogagii soo celiyey Qarankii Qabiiloobey ayaa lagu gaarikaraa, QARAN BUUXO oo kakooban Lavaddii Region ee midoobey 1960.

    -BANAADIR STATE iyo Inan layaalkoodu ma soo gaaran Borame Shiikhey.

  6. Garqaad says:

    Axmed Somali asc.

    Waxaan wada ognahay. In aadan Dan kalahayn dal iyo dad somaliyeed.

    Waan ognahay in aadan kheyre Dan aadan ka laheyn.

    Kaliya waxaad rabtaa farmaajo oo dalkaan maamulo. Waxaa kugu qufulan berigii aad heli jirtay guri aadan laheyn. Xoolo aadan lahayn.

    Axmadoow iska naso walleey ka tahay in aadan dib danbe u arag daanyeer ilkayar oo kaligii talisnimo dal ku maamulo.

    Raggii kula soo dagaalamay ee xuduudka ku dhaafiyay ayaa golaha joogo. Markaa ayaad ku fikireysaa wixii kugu kalifay adigoo 80 jir ah in aad qurbaha ku aaqiro seegto.

    Farmaajo iyo kheyre dad ka musuq maasuq badan dalkaan sooma marin.

    Meeyay barlamaanki.
    Meeyay maxkamadii sare.
    Meeyay maamul gobaleedyadii.
    Meeyay gudoomiyihii barlamaanka.

    Farmaajo iyo kheyre. Wexey wadaan isku dir shacabka iyo qabiilada somaliyeed.

    U jeedada farmaajo iyo kheyre. Maaha dal iyo u daneyn ee kaliya waa sideey 2 sano ugu darsan lahayeen ama ay dib ugu soo laaban lahayeen 2021ka.

    Mooge farmaajo sumcad iyo tariikh wanaagsan waxaa ugu dhaw in uu doorasha qabto waqtigii loogu tala galay.

    Madaxweynayaashii ka horeeyay macaan iyo qaraar labada wey lahayeen. Laakiin wexey tariikh iyo dhaxal galka u gashay in ay doorasha qabteen. Nabadna xilka uga degeen.

    Dabcaseyr ayaa yaabay.

  7. xaange says:

    1. Farmaajo wuxuu dhiibay Qalbi Dhagax, wuu ku fashilmay.
    2. Saraakiil Itoobiyaan ah ayuu u soo diray Kismaayo, si doorashada dib loogu dhigo, wuu ku fashilmay.
    3. Diyaarad ay ka buuxaan ciidamo komaandoos ah oo Itoobiyaan ah, kana baxsan AMISOM, ayuu u soo diray Kismaayo, wuu ku fashilmay.
    4. Hawada Jubbaland ayuu ka mamnuucay diyaaradaha, wuu ku fashilmay.
    5. Madaxweyne Sh.Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu isku dayay inaaney ka qeyb gelin caleema saarka Axmed Madoobe, wuu ku fashilmay.
    6. Madaxweynaha Puntland ayuu ka codsaday inaanu tagin Kismaayo, wuu ku fashilmay.
    7. Xafladda caleema-saarka Axmed Madoobe ayuu damcay inuu fashiliyo, wuu ku fashilmay.

    Haddii uu sidan ku sii socda, waxaa laga yaabaa in maah-maahdii Adan Barre Ducaale mid ka xanuun badan uga timaado dhinaca Jigjiga!

  8. Ahmed says:

    Xaange Ethiopian baa Ahmed madoobe meesha keensaday(gabre)800 oo askari ayuu keenay markii dagaalkii ceelcada dhacay baardheere way qabteen taariikhda nina been kama sheegi karo si aan marixaan Kismaayo kenya uga xorayn ilaa hada ayey joogaan marka saaxiib Kismaayo Somali baa leh. Jubaland kenya maha,Ethiopian maha waana la xoraynayaa,qalbi dhagax jaajuus Ethiopian ah buu ahaa haddii uusan ahayn ragii baraxley ka soo qabsaday waa isaga la qadeeya ee la dabaal daga ee hargaysa oo ahayd meeshii ganacsiga qabiilkiisu ka bilowday tagay xoghayaha xisbiga xasan sheik waa shanbalooshe qalbi dhagaxna xisbigaa buu ka tirsanyahay.

  9. sOmalilander says:

    Jeelka ayuu ku hor ciyaarayaa sheekhu, wuxu rabaa liin dhananatii jeelka lagu cabaayaay.

    Mujaahid Muuse Hawshaadaa qabso!!

    God bless Somaliland.

  10. sOmalilander says:

    Khalil

    KKK sheekhu wuxu ku jiraa kuwa sugayaa in maruun ISAAQAA laga dul qaado oo dawlad ka dulqaadaa soo noqoto.

    Miskiin yaroo dhiban allah ISAAQA kaa dul qaadaad leedahay.

    God bless Somaliland.

  11. Mr BaHaL says:

    Khaliil iyo Somalilander

    Waar waxba ha biqina.sigaar tutada laggaa bakhtiiyo way soo dhamaatay.Somalidu taasi wayka gudubtay.

    Baqinta Daarood ayaa cidlo la fadhiyaa kk

    Waxba Hawiye iyo Irir haku meeraysan,walee inaanad meel kale tagin.saa 30 sano iyo hiin ayaad la soo fadhidaan.

    Sheekhu waa wadani somaliyeed oo jooga Awdal Aka the land of heroes.

    Dalmida

  12. Mr BaHaL says:

    Xaanje

    Ayaad uga waramaysaa waxan aad qordhay?

    Qofka wax eedanaynayaa inuu ahaado qof jidha,saw maaha?

    Bal nooga waran maalintii Faroole lahaa,Ogaadeen Somali maahee,waa dad Afka Somaliga bartay kk

    Bal nooga waran 1600 oo Ogaadeen ah oo maamulka Garoowe u dhiibay Ethopiya.

    Xaagagga Somali Nationalism recordka ay hayaan wuu ka duwan yahay kan aad hayso.

    Qalbi dhagax waxaa dhiibay,Muucaard ku jiray dawlada oo diidan qaranimada Somaliyeed.

    Ilaa haatan qaran dawladiid ayaa ku jira dawlada.

    Waan ka guulaysan doonaa,Dawladiid iyo alshabaab isbarkan.

    Dalmida – Dadmida

  13. Hiilqaran says:

    Kkkk xaange waxkale maheysaa oo aan ka aheen inoow farmaajo dhiibey qalbi dhagax

  14. Somalijecel says:

    Soomaalida waxaa ugu quuqlaysan mooryaan guriga dadow soo gatay yurub kusoo galay,mid been lagu soo habay qabtaalad dilootay,mid ay dhibayso nidaam inuu yimaado inta qaylinaysaa waa intii Xasan sheikh ka daba qaylinaysa mid kale hadduu imaado isma bedelayaan waadna ogaan doontaan waqtigi Xasan sheikh sidan bay ahaayeen nidaamka ayaa dhiba.




MUUQAAL: Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif
- Nov 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo ...
MUUQAAL: Faysal C. Waraabe oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi [Daawo]
- Nov 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada ...
Puntland oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub iyo Gaas oo ka hadlay !
- Nov 14, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland ...
MUUQAAL: “Muuse Biixi inuu Tolkii maamuli kari waayo cidna ka yeeli mayso, Halka Abiye qaatay Bilad”
- Nov 14, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare iyo dagaalkii Boosaaso, Xog Ku saabsan Xiisada ka Taagan iyo Sida wax u dhaceen !
- Nov 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa Guray dagaalkii ka ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!