Wasiiro ka socday DF Soomaaliya iyo Waxa kala Qabsaday Madaxweynaha Puntland iyo Kulankii Boosaaso !

Boosaaso ( Kalshaale ) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo  gaadhay magaalada Boosaaso, waxaa wafdiga Wasiirada ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed iyo Wasiirka Kalluumeysiga Cabdilaahi Bidhaan.

Wasiiradii ka socday DF Soomaaliya ayaa caawa Madaxtoyada Boosaaso kulan kula qaatay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa Waftiga federaalku waxaa ay Puntland u soo jeediyeen ay la xaliyo khilaafka federaalka kala dhaxeeya isla markaasna Madaxwayne Deni ka baaqdo caleema saarka madaxwaynaha Jubaland.

Puntland waxaa ay soo dhawaysay wada hadalka oo ay sheegtay in ay diyaar u tahay mar walba waxaa madaxwayne Deni iyo Xukuumadiisu u sheegeen in ay ka qayb galayaan Caleema saarka Axmed Madoobe oo dhowr jeer dib u dhacay, Islamarkaana  aysan ka baaqan doonin .

Wasiiradii ka socda Federaalka ayaa Berri subax dib ugu laaban doona Muqdisho iyaga oo aan ku guulaysan in ay Madaxwaynaha Puntland ay ka baajiyaan ka qayb galka caleema saarka Axmed Madoobe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 27)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Sadexdaan wasiirba aduunka caadiga ah waa la raacdeeyn lahaa amaba marka horeba shaqadaan ma heleen. Sababtoo ah, maxeey kusoo kordhiyaan dowladda dhexe (oo aan ka’aheeyn their own personal talent) oo aan ka’aheeyn kartidooda iyo xirfadooda shaqo. Personal talent, xirfad shaqsiyan dowladda dhexe ee Somaliya Kuma dhisna. Dowladda dhexe ee Somaliya waxeey ku disan tahay 4.5, yacni qabiil. Markaa waa daanyeernimo dad aanan waxba kusoo kordhin, amaba qabiiladooda eeysan dowlada dhexe taageersaneeyn xag ciidan, xag dhaqaalo iyo xag siyaasad in laga qeeyb kaliya in eey xubno ka noqdaan dowladda dhexe.

    Tanni waxeey cadeeyn u tahay daanyeernimada fashilaya mararwalba dowlad dhisdida Somaliya. Dowlad, waa wax dadka ka dhaxeeya, oo eey kawada qeeybyahiin dadka oo dhan. Dowlad macnaheeda maahan, in gobolada qaarkood ee dal eey kataliso, amaba dad ka taageersanyahiin, gobolada qaarkoodna eey dad kasoo horjeedaan. Sidaas oo eeytahayna, eey dowladda isku si, isku mid ula macaamiltanto dadka taageersan iyo dadka kasoo horjeeda.

    Waa caqliga daanyeernimada. Hadii lajoojin lahaa caqli daanyeernimadaas, waxaa dhici laheeyd, in dadka iyo gobolada eey contribution, wax kusoo darsadaan dowladda dhexe. Laakiin, sida daaneyernimada ah ee ilaa hadeer wax kusocdaan iyo status quo, maxaa ku kalifaya qof/dad in eey gooni waxooda u cunaan, waxa dadka kalena la cunaan?
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. leopon says:

    DANI iyo axmed madoobe spoiler faroole ayaa maskaxda kahaysta Dani maalintii ladhaariyay wuxuu yidhi waalayla dardaarmay oo ragii xaafiiska iiga horeeyay waxay iyidhaahdeen siyaasadayadii kushaqee. Taas oo ah negative.xaga caqliga ma, uunan oran waxaan kushaqaynayaa rabitaanka dadka reer puntland.iyo maslaxda qaranimada Somalia.

    • xaange says:

      leopon
      Puntland hadaf,siyaasad iyo yool ay hiigsanayso ayay leedahay.
      Waana sababta qof kasta oo yimaada aan wax isaga badelin xagga siyaasada Villa wardhiigley ku aadan.
      Hadafkaa waxaa bud-dhig u ah nidaamka federaalka ah.
      Ninkasta oo Villada yimaada qolo uu doono iyo deegaanka uu doona haka soo jeedee haddii uu gees maro nidaamkaa federaalkaa lama shaqayn doonto.

      • leopon says:

        @xaange wadan waxaad joogtaa Sharci kajiro oo aad ilaaliso nidaamka sharciga adoo kabaqaya inlagu ciqaabo hadaad jabiso sharciga wadankaagii hooyona umarabtid nidaam iyo Sharci inuu ka hirgali nasiib daro.com.only waxaad tageersantahay kooxda aaranjaaan.ee kama fakaraysid caruurtaada iyo caruurta reer puntland.waxaad iisheegta Dani maka warhayaa waxa ka dhacaya xeebaha puntland.badda.iyo barriga. Dooxadii dharoor ee faroole kakireeyay koox Arabi ah oo say udaganaayeen hamayn kaguuray qof of majiro waxaa lagusameeyay dooxadaas ilaa lahelo qaran somaaliyeed oo awood leg masunbay ku aaseen ma device.bay ku aaseen ay wax kabasaasaan ma macdan bay gurteen,nobody knows.

        • xaange says:

          leopo
          Aaran jaan waa daalimiin Deni waa daalin kale.
          N&N waa malaa’ig Farmaajo waa rasuul samada laga soo diray.
          Puntland xeebaheedu waa la dhacay
          Xaraashka kaluunka ee China loogu fasaxay xeebaha soomaaliya oo dhan inay jariifto oo Farmaajo u saxiixay waa xalaal.
          Dooxada Dharoor baa shirkad shidaal ka baadhay oo xaaraan bay ahayd.
          Spectrum iyo shirkado tuugaa ayaa xeebaha koofureed shidaalka ku jira qandaraas been ah ku qaaray oo waa xalaal.
          Orad munaafaqnimadaa ciddii kaa dhagaysanaysa ula tag

  3. xaange says:

    Horta wasiiradan waxaa soo diray Farmaajo oo cadaadis iyo wejigabax kala kulmay shirkii maalinkii dhaweyd ay qabteen.
    Kadib markii ay meesha ka waayeen maamuladii muuqdey ee muctarifka ahaa balse meesha la keenay kuwii nacamlayaasha ahaa ee magac u yaalka ahaa.
    Waliba Xaaf ku sigtay inuu ka baaqdo laakiin xoogaa xantoobsi ah iyo beerlaxawsi khayre darteed meesha ku tagey.
    Farmaajo isagoo doonaya in cadaadiskaa iska yareeyo ayuu is tusay Puntland iyo Jubbaland kala reeb oo Deni la heshii.
    Haddii uu diido taageerada Jubbaland ugu yaraan in uu ka baaqdo in caleema saarka uu ka baaqdo.
    Waxaa Deni lagu dayey lacag iyo beer laxawsi qabiileed ee Daaroodnimo iyo bla bla aan jirin iyo munaafaqad been ah.
    Laakiin Deni dhammaan wixii ay ula tageen wuu ku gacan saydhay.
    Wuxuuna u sheegay lacag iyo qabyaalad inay Puntland qadiyaddeeda iyo hadafkeeda siyaasadeed ka weynyahay waxa ay ku gorgorinayaan.
    Waxaana loo sheegay wasiirada inay u Farmaajo u sheegaan inuu ku dhaqmo nidaamka iyo dastuurka. Jubbaland arinteedana faraha kala baxo isuna diyaariyo doorasho xalaal ah.
    Halkaa ayaana sheekadu ku dhammaatay caawa.

  4. leopon says:

    Dawlada Somalia siiba wasaaradda difaaca iyo maamuladaba. waa inay ciidanka ukeenaan qalabka miina baadhka oo looga hortagikaro miinada lagu waxyeeleeyo ciidanka. waa inay utababaraan dad khaasa.dhiiga ciidanku waa qaali waxkasta oo lagu bad baadinkaro waa muhiim. Inlasameeyo.

  5. mingistume soo Dag says:

    Puntland State of Somalia
    Capital: Garowe (administrative), Bosasso (commercial)
    Population 2.4 million

    Major languages Somali, Arabic

    Major religion Islam

    Life expectancy n/a

    Currency Somali shilling

    Puntland government..
    ————————————–
    1)Puntlandstate is the longest coastline
    the two largest seas of the world (redsea) are the world’s trade routes and the world’s largest shipping lanes
    ————————————–
    1)India Ocean…

    2)Red Sea….
    ————————————-

  6. xaange says:

    Cadaado
    Wasiiradu waa dad shaqaysanata sida Farmaajo iyo Khayraba u xammaalanayaan.
    Villada ninkasta oo yimaada wuxuu ku shaqeeyaa siyaasad shisheeye iyo mid shakhsiyadeed iyo danaysi.Marka maxaad ugu diidi kuweena ha iska xamaasheen iyanee? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Dabshid says:

    Ninaan Canshuur awoodin
    Hadana Cadkaa rabo
    Hadana shisheeye rabo
    Hadana Wadani aheyn
    Sidee loola dhaqmaa

  8. Mr BaHaL says:

    Caleemo-saar iyo sheeko gaaban ayaa la buunbuuninayaa kkkk

    Axmed Madoobe way uga dhamaatay Ksimaayo.
    Diyaarad ay raacaanba ma haystaan kkkkkk

    Maad aragteen shirarkii ay maamugoboleedado iskugu tagi jireen?

    Maad aragteen sheekadii Beeeesha caalamka ee Nairobi?

    Deni,muxuu raacayaa?

    kkkk

    Ma Dameerbuu u raacayaa Kismaayo?

    Axmed Madoobe ma sii joogayo Ksimaayo.
    Ha dhigto Muqdarad ama hayska daayo.
    Libaaxbaa daba socda.

    Dalmida

  9. Dabshid says:

    Sedexdaan wasiir maxaad ka rabtaan Mashruuca KADARSO ayey qodooda ka dhuuqiye

    Faroole iyo Jurile soo adeero uma ahan.

    – Waliba waa eed iyo Xamar lama qada lahan haddii lala xisaabtamo.

    Lkn waxaan umaleyn iney AQRISTEEN FIGRADAHA la isku dhaafsado KALSHAALE COM, iskuna YAXYAXEEN, sidaasna isku caraadiyeen INEY XAAFADOODA XAABO KA KEENAAN.

    * Bal aan sugno Caruurtii DHADHAAB DHAANKOODII Dowladda Dalka Puntland ee Dalka Soomaaliya.

  10. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Horta Faroole maas see erideen?

    Baryahan Garoowe ayaan ku arkaan isaga oo dhaldhalaalkii aanu ka muuqan.

    Maad soo erideen?

    Waar niyow Odayyaasha xanaaneyakk

    Mr Deni qushiisa markaa gaboobo Muqdisho ayuu isma imandoonaa .

    Dalmida

  11. Jabhad says:

    arinta ah maxay dadkan dowlada ku darsadeen

    Waxas si fiican uga hadlay wasiir BEYLE wasiirka

    Wuxuu yiri weli waxaa qabyo ah qabaynta guud ee

    Canshuuraha dalka dhamaan mamulada dalka ka

    Jirana waxaa wax laga siiya kalmada dibada laga

    Helo …. wixii ay mamulda helaana waxay ku bixiyan

    Amniga iyo waxbarashada ….. federalka hadaad

    Difaacayso maxaad puntland ku diidan tahay..???

    Waxan xasuusta iyadoo somali badan didan tahay

    Dalka inuu federaal noqdo maantana waxaan arkaa

    Dadka inta badan oo federaalka si adag u difaacaya

    ma markii horaa daanyeer la aha mise maanta ayaa

    Korow la noqday

  12. Kalsame says:

    Farmaajo waxaan is lahaa Hargaysa ha ka degee ma Boosaaso iyo Kismaayo ayuu ergo u dirsaday?.

    Wallaahi haddaan isaga ahaan lahaa meeshii tabasho ka timaaddaba inta kaligay diyaarad qaato ayaan bil iyo intay qaadataba ag fidhiisan lahaa. War ninkani ninkii aan aqaannay miyaanu ahayn?.

    Anoo og in laga gardaranyahay haddana cuddurdaar uma hayo ninkaa kari la` inuu dadkiisa u tago oo loo kala turjumayo. War naga tag dheh.

  13. farxiyo says:

    Dabshid.
    Adduunweynuhu wuxu Ina siiyo caawimo,waxa lagu cunaa muqdisho.
    18kii gobol ee soomaaliya ,ma jirto hal gobol oo dhaqaale ka helaa dawlada.
    Cid idin kula murmeysaana ma jirto.
    Walaahi hadii caasimada muqdisho laga rari lahaa,inaad is duban laheydeen
    Dabshid,xasuuso boqolkii badanaayey.
    Waar ninyahow intaad ilbaxdeen oo addunyadii LA jaanqaadeen,baa fidhikhtankiini laga jogi waayey.
    Allow alle.

  14. farxiyo says:

    Kalsame
    Dad masuul ahoo lala hadli karaa ma joogaan goboladaa,waa jabhado Ku mamay lacagta xaaraanta ah.
    Waa raggii wadankoo nabad ah dab Ku qabtey.
    Farmaajo weligiis uma tegayo harimcadyada
    Macashu weynaatey.

  15. Mr BaHaL says:

    Kalsame

    Ma magacaagii ayaa la jabsaday?
    Mise waxaa kaa batay Mucaaridkii kkk

    Waar ragani waxay meesha u tageen yaa huba?

    Aayaan dhawyd ayuu calaacalayay Mr Deni.
    Wxuu lahaa,wadahadal ayaan rabnaa,diyaar ayaan nahay.Dawladu way aamusan tahay.Maxaa aamusiiyay.

    Waxaas ayuu ku hadaaqayay.
    Deee malaha war cusubaa loo wadaa.

    Dalmida

  16. xaange says:

    1 Soomali wixii ay hanti guud iyo mid gaar ah lahayd ee Xamar la galinayey qarniyaal waxaa Xamar ku haysta Hawiye.
    2 Xamar waxaa lagu cunaa wax kasta oo magaca soomaaliyeed lagu soo qaado.
    3 Lacagta mushaarka ah ee 2 aqal qaataan ee caalamku bixiyo waxay gashaa Xamar.
    4 Mooryaantii hawiye oo dhan waxaa loo qoray mushaar waxaana lagu magacaabay ciidan qaran macal kuwii gobolada hawiye deganaa joogey.
    5 Xamar mooyee meel kale oo hawiye dego mushaar lagama qaado.
    6 kala dhicintooda iyo isku dirkooda ayaa malaayiin doolar oo magaca soomaali lagu soo qaatay lagu kala laaluushaa oo lagu kharash gareeyaa.
    7 Qolada Villada joogtaa Jowhar ,Xamar,Beled Weyn iyo Dhuusamareeb Dayuurado ayay u kala raacaan lagu kharsh gareeyey hanti qaran.

    Muxuu yahay marka waxaas oo kharasha oo ku maqan iyaga canshuurta ay ka hadlayaan deegaanada dulman ee magacooda lagu qaraabto

  17. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Kk

    Faroole hadaan ceyrino wuxuu aadi Addis Ababa ama Nairobi, marka intuu ku meeraysan lahaa ADDIS IYO NAIROBI

    Kharashkiisa, Faan qaawan iyo Cey aan Amaal laheyn waan u dul qaadaneynaa.

    – walaalkaa oo shisheeye biyo ka dabo wado waxaa dhaanto inaad ugu dulqaadato Cey iyo Cad.

    * Cabdi Xoosh oo taajir ahaa ayaa XAMAR DHISAY OO HANTIDIISII GALIYEY.

  18. Dabshid says:

    Kalsame

    Kkk BRAVO

    Haddaad ku soo dhacday DOODI SIYAASADDA SOOMAALIDA CUSUB.

    WALIBA kudarsoo,
    Jufadaan YAR EE saxaraha Garowe degto – waa dad u maseyrsan kursigiisa (oo nin naagtaada u jeedo gabadheyda/inantayda qaado kaama yeelo, sidoo kalena maleh, DHUL IYO DAD LA MAALO (DHUL FAQRI AH IYO DAD FAQRI AH waaye)

    Lkn waxaa xaqiiq ah hadduu saliga dhigan lahaa Kismaayo Mr Farmaajo oo uu Axmed Cadde Garmadoobe dhihilahaa Adeer anigoo wiilkaadii ah, ayaa GREATER BANAADUR FADHIYO, adigoo Adeerkay ahna waxaad fadhidaa Greater Jubba Jilib iyo Jamaamena waan ku hoos keeni EE ILA SHAQEE OO ODEY II NOQO, oo NIN TOL LEH IGA DHIG -.

    Dhulkii Max’ed Siyaad iyo raggii ka horeeyey Xukumijireen HARGEYSA ummaa naga maqan ee ila RIIX TRAINKA.

    Kadibna hadduu rabo odaga SABAAXAD HA U DHIGO.

    AAWEY HEE LEADERSHIO, ileen waa nin ay soo TAHRIIBIYEEN WALAALAHA GALMUDUG.

    Nina Villada deeqdo, nina Koofur iyo Waqooyibaa deeqo.

  19. Kalsame says:

    MR BaHal

    May laygama jabsane waanigii.

    Ugaas waxaan isu kay qaban la` ninkan Farmaajo aan qurbaha meelo badan ku kulannay dhiirranaantii hal adaygnimadii aan ku arkay iyo gobol ka mid ah dalkii uu M/weynaha u ahaa buu tagi waayay.

    Maxaa si ah?.

    Kala fogaanshaha waxaa sii adkaynaya waa aammusnaanta iyo danayn la`aanta. Qofka hoggaamiyaha ah waa inuu mawqif cadna leeyahay kuna dhiirran karaa inuu lama galaanka galo, lama taabtaanka taabto, maslaxo ama garnaqsi tay doonto ha ku tagee horta geedka ha tago asagoo kitaabkiisa wata.

    Maxaa dhici lahaa baad u malayn hadduu inta kaligii dayaarad qaato Kismaayo iyo Garoowe ka dagi lahaa ama Hargaysa?.

  20. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    kkkk asxaabta ragga iyo Farxiya Xamxamle, ee keeynta kasoowada baxay markaan soo jeediyay in 3daan wasiir laraacdeeyo maadaama qabiiladooda eeysan waxba ku darsan dowladda dhexe, wax contribution ahna u sameeyn dowladda dhexe, horta cadaaladda hoos u fiiriya, oo Ilaaheey kabaqa, oo waxa aan sheegayo in eey run tahay qirta.

    Tusaale, hadii aan dukaan yar anniga iyo adinka wada leenahay, oo aanan dukaanka wax saacaddo ah ka shaqeeyn, oo adinka kaliya furtaan, xirtaan, wax ka gadaan, waxa lagadayo usoo iibisaan, oo aadna ilaalisaan, ma suurtagal baa in aan anniga iyo adinka isku lacag kaqaadano faa’iidada dukaanka? Come on, guys. Maba ahan in wax la’iga siiya dukaankaas!

    Now, Xaange, qodobada dhowrka ah ee aad qortay, brother, horta arrinka macaawinada iyo waxa lasoo barya ayaa Xamar lagu cunaa ayaad dhahday. Taas waxoogaa run ah waa ka jirraan, oo dadkaan 4.5ka Xamar ku’imaaday, meesha eey joogaaan ayeey qarashkooda ku cunayaan. Qodobka ah, in dowladda dhexe ee taagta darran eey Afgooye iyo Balcad iyo Xamar eey diyaarada ku tagto, iska dhaaf meel kale oo fog’e, taasan 100 percent waa runtaa, oo waan kugu raacsanahay. Laakiin, inta kale 5ta qodob ee kale, waad igula qaldantahay.

    Markale, Sadexdaan wasiir waa in la raacdeeyaa, waa hadii larabbo in dowladnimada Somaliya eey xoogeeysatto, hadii laraba in la fashilmana, gobol/qabiil mucaarad ah, iyo gobol/qabiil taageera ah isku si wax haloogu qeeybiyo waa daanyeernimo aanan shaqeeyn doonin.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  21. xaange says:

    Cadaado
    Miyaan la qaramayn oo mushaar loo qorin suufiyadii?
    Miyaan dhaqaalaha caalamku bixiyo oo dhan xamar lagu cunin?

  22. Idoor Liqe says:

    Sadexda wasiir waa reer puntland , waana Majeerteen, dhulbahante iyo warsangeli .

    Makhaayada puntland waxaa isteerinka u haya naakhuda aan Bad mar aheyn , waana la degi doonta mr Zanzibar denni

  23. Cadaado says:

    Xaange, horta waan kusalamaay.
    Qodobkaagaan 4aad ee aad kusoo celisay, ee mooryaanta suufiyada ee Dhuusamareen in mushaar loo qoray oo laqarameeyay, horta waa guur daanyeernimo ah waxa ka dhaxeeyaa madaxda dowladda dhexe iyo suufiyada, waana munaafaqnimo waxa eey iskula shirshiraan, waxaana cadeeyn u ah daanyeernimada heshiisyadooda, wax ka shaqeeya malahan. Markii horeba ayeey dowladda dhexe qalad u aheeyd in qolyaha suufiyada oo isbaariistayaal dowladnimo ah eey la heshiiso. Tani waxeey lamidtahay isla caqli daanyeernimada eey sameeynayaan dowladda dhexe oo eey uga daba ordaan kuwa kasoo horjeeda iyaga oo dayaca kuwa taageera.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!