MUUQAAL: Wafdigii DF-Soomaliya oo ka hadlay Waxay kala Kulmeen Siciid DENI iyo Safarkii Puntland

Muqdisho ( kalshaale ) Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka Warbixiyey Safarkii ay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ku tageen magaalada Boosaaso, Halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Cawad ayaa Ayaa sheegay in Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwaare Xasan Cali Khayre ay Fareen Sidii la isugu soo dhowaan lahaa, Islamarkaana  looga Shaqayn lahaa Xasilooni Siyaasadeed oo dalku uu helo, Wuxuuna sheegay inay u arkaan Safarkaasi inuu guul kusoo dhamaaday.

“Waxaanu Filaynaa inaanu Guul fiican kasoo gaadhnay,  Wuxuuna siciid deni naga balan qaaday Yaraynta khilaafaadka, iyo Abuurida kalsooni dhexmarta maamulka Puntland iyo DF Soomaaliya, Khilaaf Joogto ah waa dib u dhac joogto ah”. Ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Wuxuu sidoo kale u mahad naqay soo dhowayntii ay kala kulmeen Madaxwaynaha iyo Waxgaradka Puntland. Isagoo xusay inay dadku hada u bisil yihiin Dawladnimo iyo Wadajir, islamarkaana aanu Khilaafku dan u ahayn Ummadda Soomaaliyeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Ninkaan wasiirka arrimaha dibadda, iyo labadda kaleba sidaan horay u sheegay waxeey aheeyd in la raacdeeyo. Maadaama eey ku guuldareeysteen qabiilkooda in eey ka dhaadhiciyaan in eey dowladda dhexe wax kusoo biiriyaan, lacag, amaba askar amaba uGu yaraan iyaga oo ka daaya qaska iyo qalalaasaha. Intaba waa eey ku fashilmeen, sidaas owgeed, waxyaabahaas waxaa lagaari lahaa, hadii laraacdeeyn lahaa nimankaan.

    Laakiin, daanyeernimada iyo caqlixumada Somalida ku dhaqanto ayaa keenaya in qof/qabiil aanan wax mucaarad ah maahanee wax kale kusoo kordhin dowladda dhexe, iyo qabiil/qof taageero ciidan u dhinta dowladda dhexe, canshuur iyo ar Farmaajo ii geeya ku haya, isku si loola dhaqmo. Waxa kaliya oo aan ku tilmaami karro dhaqankaas waa daanyeernimo.
    Dalmida .
    God bless Somalia.

  2. xaange says:

    Cadaado
    Waxaa Deni dhaaftay inuu jeebbeeyo raggan lacagta loo soo dhiibay ka qaato

  3. Cadaado says:

    Xaange,
    Maya, ma waxuu u xirri nimankaan tolkiis. Anniga waxaan aaminsanahay in eeyba isaga u shaqeeyaan oo eey warbixin siiyeen.
    Majeerteenku waa ka horeeyaa cali baasteenka Hawiyaha iyo Mareexaanka ilkayarta ah, iyo agoonta kale ee kacaanka. Ar Farmaajo ii geeya! lols
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. xaange says:

    Cadaado
    3 sano iyagoo danta Puntland wada ama u doodaya ma aanaan arag. Laakiin markii dano isku dir iyo laaluush ah ay wadaan ayay noo yimaadaan.
    Ninkan Cawad ah waxaa noogu dambaysey xiligii doorashada inta geedka lagu xiray laga soo deyn jirey marka ay dhammatay.
    Ragga kale waaban arkay iyagoo xoogaa hadlaya ama soo booqanaya Puntland




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!