MUUQAAL: Khudbadii Madaxwayne Farmaajo uu jeediyey maanta iyo Arimaha uu ka hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wuxuuna ka hadlay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

“Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Xaange says:

    1 Musuq maasuq iyo lacago xasnadda
    maaliyada lagala baxay oo la dhunsaday.
    2 Lacaga Cash ahaa oo Sucuudi iyo Turki
    wadama ay ka midyihiin bixiyeen oon
    khasnadda dowlada laba soo marin
    3 Kuwa lagu shibtay shirakado been been ah
    oo shidiaalka baara Khasnado ay
    leeyihiin.
    4 Ciidamo been been ah oo mushar lagu
    qaato.
    5 Hub iyo dirayska ciidanka oo aan la
    aqoon cida qaadata qaarna shabaab loo
    sii gudbiyey.
    6 Raashin dhacay oo ciidanka la siiyo.

    7 Daynta cafintii oo qiil qiil ku’jidha

    Waa Reuter caddadkii maanta

    https://www.reuters.com/article/us-somalia-auditor/somalia-auditor-general-slams-government-finances-idUSKBN1WO285

  2. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Xaange, inta aad nala wadaagtay ee Reuters sheegtayba waan aaminsanahay in eey dhaceen. Waad mahadsantahay in aad nala wadaagto xogtaan.

    Madaxweeyne Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare Kheeyre, walaahi baan ku dhaartee waa ka musuqmaasuq badanyahiin madaxdii hore ee dalka Somaliya soo martay oo dhan. Waana ka karti xunyahiin. Dib ayeeyna Somaliya u celiyeen. Waana qorsho iyagana ogolyahiin, laguna keenayba Meesha, in argagixisada alshbaaab soo noqoto, soo xoogeeysato. Iyaguna tuuganimo iyo lacag ayeey si qaldan u isticmaalayaan.

    Koox guulwadayaal ah, iyo dad caqli xun ayaa kaliya been iyo waa duushay, iyo dhalanteed ku haya. Kooxdaas waxeey qaldi karraan kaliya dadka caqliga daanyeerka ah leh, iyo kuwa musuqmaasuqa iyo xatooya eey iskula shirkoobeen.
    Dalmida .
    God bless Somalia.

  3. xaange says:

    Cadaado
    WCS bro.Adaa mudan.
    Kolley wax cusub oo aynaan ogeyn Reuter kuma qorneyn. Laakiin waxaa igu cusbaa middaan lacagaha lagu dhacayo magaca shirkadaha shidaalka ku magacaaban.
    Koley Som oil oo khayre iyo tuugo kale wada leeyihiin weeye sidaan fialayo

  4. Laalays says:

    xaange

    Odayga Bayle ma qarin in lacag Sucuudiga bixiyay $50 milyan in aanay ku soo dhicin wasaarada dhaqaalaha iyo Bangiga dhexe midna. Lacagtaa si cad buu masuuliyadeeda isaga dul qaaday. lacagta Qadar & Turkey bixiyaan system ay maraan ma jirto. Daasad dawarsada-yaasha ayaa loogu ridaa maangaabta khiyaaliga ku nool ee villa wardhiigley!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. Laalays says:

    Anigu Xaarmaajo lama yaabin. Doolarmaanka sida xoolaa mara la xaraynayo marna ooda laga qaadayo ayaan ka sii yaabay. Waxa u hadhsan keliya inay heestii aabo siyaad u qaadaan.kkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Laalays says:

    Xaange,

    Mooryaanta Villa Wardhiiglay, maankooda gaaban wuxuu siiyay in ay Maamulka Puntland khakhal ka dhex abuuraan. Gobolka Boosaaso ayay ka heleen dad u nugol beesadaa ay is leeyihiin awood ku iibsada. Ka feejignaada taa!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. xaange says:

    Laalays
    Aad iyo aad.
    Waa tuug dhabrku muuqdo oo dhuundhuumanaysa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. xaange says:

    Khadbadan waxaa ka dhex muuqatay isku dhex yaac,kalsooni darro,hanjabaad,baqdin , calaacal iyo hadalo aan duluc lahayn.
    Qaalli huurshe waxa uu la aamusnaa waan ogaa inaanay xikmad iyo caqli ahayn.
    Laakiin wallaahi intaa inuu ka caqli roonyahay baan moodayey.
    Weligaa haddaa aragto qof muuqaalkiisa mashquul ku noqday kalsooni darro iyo maangaabnimo kama ag foga.
    Waa ninka isagoo 60 jir ah Timo samaystay oo ku kalsoonaan waayey muqaalkiisa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Kalsame says:

    Xaange

    Waa markaan Xaange iyo Laalays kala garan waayi jiray. Waar horta Tukaraq ma ku heshiiseen iyo Baran?. Hadda habaar bay hawshu maraysaa, waa jiiqdii u danbaysay iyo dhuunyeeris. Alloow Alle. Farmaajo ii geeyana waan sugayaa kol dhow. kkkk

  10. Mr BaHaL says:

    Madaxwaynaha Somaliya ee haatan,Mr Formaajo waxaa sheegidoonta Taariikhda.

    Wuxuu badalay Jawgii siyaasada ee Somaliya.

    Raysal wasaare shaqadiisa wata.Wasiiro shaqadooda wata iyo kala daadinta maamuladii qabiilka ee iska biqlayn jiray.

    Diiwaangalinta ciidanka,munshaharka shaqaalaha oo toos loo qaato iyo nidaamka maaliyada oo isku duwan.

    Haybadii dawladnimada Somaliya oo soo noqtay.

    Arimaha masiiriga ah ee Somaliyeed oo uu go’aano fiican ka qaatay.

    Unta oo si tuus ah u daba fadhiistay dawlada Somaliya.
    No Adis
    No Nairobi.

    Hadiiba Dugaagii Somaliyeeed fahmi waayaan wanaaga oo dib u dooran waayaan Mr Formaajo,wuxuu ka tagayaa yagleel fiican iyo meel wax laga soo dhaqaajiyo.

    Taariikh fiican iyo xasuusna wuu ka tagayaa.

    Ninkii biqleeynayaa hayska biqleeyo e dawlad noocan ah Somaliya may soo marin 30-kk sano ee u daymbaysay lama arag.
    4 sano haloo kordhiyo.

    Imdhaha ayuu u furay Somaliya.

    Dalmida




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!