Daawo: Ciidanka Turkiga oo Suuriya ku Qaaday Howlgalkii ugu Cuslaa, Kadib markii Maraykanku ka baxay

Ankara  ( Kalshaale ) Ciidamada Dawladda Turkiga ayaa billaabay howl-galkii militari ee muddada la qorsheynayey ee Waqooyiga Suuriya, si looga sifeeyo ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeedhaan argagixisada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay billowga howl-galka, oo uu ugu yeeray “Guga Nabadeed”, waxaana uu sheegay in looga dan leeyahay cirib-tirka halista argagixsada ee ka dhanka ah Turkey, Waxaana deegaanada la Xoraynayo la Qorsheeyay in dib u dejin loogu sameeyo Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Gudaha Turkiga.

Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee Kurdish-ka ay hoggaamiyaan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay garaacayaan goobo shacab,  Wuxuuna Howlgalkan militari ayaa billowday maalmo kadib markii Aqalka Cad ee Mareykanka uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan gobolka, si ay dhabbaha ugu xaaraan howlgalka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa weli difaacaya go’aankiisa, xilli aad looga dhalleeceeyey gudaha Mareykanka, isaga oo yidhi “Dagaalladeenna aan dhammaadka lahayn ee doqomeed, waa ay dhammaanayaan”

“Dagaallo u dhaxeeya kooxo badan oo kala duwan oo socday muddo dheer Mareykanka marnaba ma ahayn inuu joogo Bariga Dhexe. Waan la baxnay askarteena. Turkey waa inay la wareegaan dagaalyahannada Daacish ee la qabtay ee Yurub ay diiday inay dib ugu laabtaan” ayuu yidhi Trump.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!