Musharax Odowaa “Anniga Ma Rabo inuu Farmaajo iga dhigo Gudoomiye Gobol”

Muqdisho ( Kalshaale ) Musharaxa Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay waqtigii la soo magacaabi jiray Guddoomiye Gobol.

Musharax Odawaa oo xalay ka hadlayay Kulanka Aqoonyahanka Galmudug oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan uu Dastuurka caddeeyay.

“Soomaaliya waa ka soo gudubtay waqtigii la magacaabayay Guddoomiye Gobol, dowlad goboleedyo ayaa la sameeyay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan dastuurka ayaa sheegay, cid cid u baahan ma jirto oo leh kulama shaqeynayo, wada shaqeynta ma ahan jaceyl iyo naceyb, waa arrin dastuuri ah, cidii ku xadgudubka dastuurka ayaa gardaran haddii ay tahay dowladda federaalka iyo haddii dowlad goboleedyada”ayuu yiri Musharax Odawaa.

Musharax Odawaa ayaa soo hadal qaaday hadal heyn maalmahan jirtay oo ahaa in aanay isaga rabin dowladda Federaalka oo aanay taageersaneyn Musharaxnimadiisa, isagoo xusay in isagaba cida uu taageerada ka rabo ay tahay reer Galmudug, oo aanu dooneyn inuu noqdo nin raadsaday in loo magacaabo. Guddoomiye Gobol

“Beryahan waxaa arkay ayadoo la leeyahay dowladda Federaalka kuma rabto, anigaba maba rabo inay i magacawdo, dowladda Federaalka cod kama rabo, codkiina ayaa rabaa idinka in aad ii codeysaan, aniga Farmaajo inuu Guddoomiye Gobol iga dhigo kama raadsan, ma rabo”ayuu yidhi Musharax Odawaa

Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, Wuxuuna xidhiidh dhow la leeyahay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Mr BaHaL says:

    Dadkiiba uqdad ayay wada qaadeen kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Aduunka madaxda hal wadan way isku baahan yhiinkkkk

    Iyagu iskuma baahna laakiin shaqada wadanka loo hayo ayaa isku xidha madaxda uu wadan leeyahay.

    Dadkani Somaliyeed Hogaamintiiba wax u fahmeen in lays jikaaro.

    Dalmida

  2. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Ninkaan xildhibaan Odawaa, inkasta oo marar badan faltered, uu qalad ku dhacay [mararka uu la’is istaago daanyeer Ahmed Macalin Fiqi, Abdriahmaan Abdishakuur, iyo oday Xaaf] hadanna, marwalba waa uu isa soo qabanayay, oo isa saxayay.

    Hadeer waa markale oo uu kufay, kadib markii uu tagay hal jeer kabadan Dhuusamareen, oo ah meel lagu karkarinaya wax aanan dan u aheeyn Galmudug, amaba Somaliya guud ahaan, iyo dowladnimo Somaliyeed. Waxa Dhuusamareen lagu hayo ee lagu abaalmarinayo balanqaadyo been ah suufiyada ah kuwii isbaarada u dhigtay maamulka Galmudug waa qalad in qeeyb laga noqda.

    Sidaas darteed, xildhibaan Odawaa waa daanyeer markii uu tagay Dhuusamareen, isaga oo og in beeshiisa oo qalad weeyn iyo balan kabaxyo badan eey kusameeysay Dowladda dhexe. Marka, taas waxeey tilmaameeysaa in uusan ninkaan daanyeerka ee xildhibaan Odawaa uusan danta qabiilkiisa waddin, danna ka laheeyn. Nin aanan dan ka laheeyn qabiilkisia, oo ah waxa Somaliya isku heeysatana, dan kama lahaan karro qabiilo kale.

    Therefore, daanyeerkaan waxa uu u hadlyaaa, u ordayaa waa danno shaqsi. Marka, dadka caqliga leh ee beesha uu sheegto in uu kasoo jeedo, iyo Somalida nadiifka ah, waa in eeysan taageerin, soona dhaweeyn daanyeerkaan u ordaya danno shaqsi. Waxa uu Dhuusamareen u tagay waa isaga oo calcaluation, xisaab daanyeernimo ah sameeyay, oo ah in maadaama dambi, iyo qaladaad badan oo ula kac ah lagu sameeyay beesha Saleebaan, lagu qancinayo in qof aanan iyaga aheeyn uusan hogaamin doonin dowladda beenta ah oo loo dhisayo Galmudug, fikirkaasna waa daanyeernimo. Sidaas owgeed, ayuu is dhahay fursad ayaad heeysataa. Daanyeer.
    Dalmida.
    God bless Somalia




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!