Madaxwayne Farmaajo oo Furay Kalfadhiga Baaralamanka iyo Khudbad uu Jeediyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, si uu u furo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, halka Ciidanka Baambayduna ay garaacayeen Heesaha Astamaaha Qaran.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa oo gundhig u ah aasaasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taaba gasha. Shuruucda aan saxiixay iyo kuwa kale ee idin horyaalaba waxay muhiim u yihiin taaba-gelinta qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda.
Hadal Jeedinta Madaxweynaha ee furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabageboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul goboleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool goboladaas.


Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Mr BaHaL says:

    Huul Somaliya.Waxaa da’aya Gu’gii guusha Somaliya.Maansha Allaah.

    No Gabre,no Tegree,no Dabadhilif iyo kaba qaad.

    Somaliya oo kabaheedii gashatay.Dawladnimada Caasimada ayaa mihiim u ah.

    Dalmida

  2. Mr BaHaL says:

    Guul ayaan

    Dalmida

  3. Jabhad says:

    Masha allah waa guul somaliyeed madaxwayne

    Mahadsanid kol hadaad runta u sheegtay kuwa hor

    Taagan in QARANKA dhaqaaqo madaxwaynaha

    Wuxuu yiri waa dhamaday waqtigii dadkan xoog lagu

    Xukumi jiray iyo awr kacsi … yacni waqtigii qabiilka

    Iyo jaha wareerka somaliya way ka baxday guul

    Waxaan hamblyo u dirayaa wadaniyiinta somaliyed

    Waxaan fariin u dirayaa kuwa federalka sida qaldan

    Uqaatay …. dadkiina u Tura oo dowladiina garab

    Is taaga

  4. Laalays says:

    Waa xoolo marna la xaraynayo mara ooda laga qaadayo.kkk




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!