Madaxwaynaha Puntland oo Kismaayo ku wajahan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Garoowe  ( kalshaale )  Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inay u duulaan magaalada Kismaayo, waxayna Wafdigu ka Qayb gelayaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe taasoo ay ka taagan tahay muran ku aadan inay ku qanacsaneyn Dowladda Dhexe.

Diyaaradda ayaa la filayaa inay si toos ah ugu duusho Magaalada Kismaayo iyadoo aysan sii marin Magaalada Muqdisho,  waxaana sidoo kale  Saacadaha soo socda ay halkaas ka bixi doonaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa shalay ilaa maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka, waxaana la sheegay in Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba laashay doorashadii ka shacday Jubaland waxayna sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadaas, sidoo kalena waxay ku dhawaaqday in ay dib ugu celin doonaan doorashada jubalanad iyadoo soo bandhigtay hab-raaca doorashada Jubaland.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Magaalada Kismaayo gaareen wafdi ay hoggaaminayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey usoo kala noqday madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

SAFARKA SICIID DENI AYAA DIB U DHACAY, WAXAANA LA SHEEGAY INUU BERRI U SAFRI DOONA HALKAASI.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 35)

  1. Dabshid says:

    Caruurtii DHADHAAB Xaabo kama keenin Xaafadoodii Bari.

    Bal yaa ii sheegikaro waxey ka hayaan Goof Wacbuudhan, Kharash iyo Qiyaano.

    – Dadkale Eedeyn ogaa, Jeeb kale eedayn ogaa.

  2. Dabshid says:

    Kheyre wuxuu Kismaayo ka xayirey Shiikh Shariif, Farmaajo iyo Qurbo-joogtiisii Xanaaqsaneyd WAXEY DENI ka joojin waayeen XAFLADDA MAAMULKA KUUKUUYO ka sameysay Kismaayo.

    Tolkaa waa ninkii ku Tiirsho oo ku Taakuleeyo, oo Kursi ku saaro.

  3. Garqaad says:

    Madaxeyne farmaajo Xeerintii tolkii sidaan ayey dhashay.

    Weliba wasiir ayuu u diray in uusan dani ka qeyb gelin isku caana shubka axmed madoobe.

    Tani wexey Cadeyn u tahay in meshaas lagu kala adkaaday.

    Hawiye inteey islahayeen SEEDIGIIN yoow idinka sheegan ayaa lagu dilay habar dubno.

    Kaliya waxaa noo furan in aan u sacabtunaa damashaadka labada daarood.

    Haay haay haay weligaa haay.

    Rog cadaagii soo rogaal celi. Mayla socotaa farxiyooy.

  4. Dabshid says:

    Waa maalintii RUNTA LAGA QAXI JIREY,

    HAYE @ JABHAD

    HELLO GUULWADE SOOL

    Haddi la arko Ninkii Gogosha dhigey, ee sooryada keenay, ee Faraxalka keenay, ee istiraashada ku darey ASAGOO LEH GOGOSHA YAAN RAASHINKA LAGU DAADIN.

    Waawareey, Waa Naceybey,Waa Col iyo kala tagey.

    – Nimaan Canshuur Awoodin
    – Haddana Kaalmo Kaarabo
    – Hadana Shisheeye Rabo
    – oon Wadani aheyn
    “” SEE LOOGU DULQAATA.

    * Dadkale eedeyn ogaa, Jeebkale eedayn ogaa.

  5. Barwaaqo says:

    Koonfuria goormay wareerka ka bixi?

    • Sargaalka says:

      Guul Jubaland.
      Guul jubaland.
      Guul Jubalad.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      USHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.

  6. Dabshid says:

    Barwaaqo

    Markii sida Isaaq, AYUUTO CAASIMAD LOO SAMEEYO DAAROOD.

    Koofuri degimeyso ilaa HUURKA laga kala yareeyo Caasimadda
    (accod. Mr BaHal )

    • Sargaalka says:

      Guul Jubaland.
      Guul jubaland.
      Guul Jubalad.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      USHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.

  7. Idoor Liqe says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Diyaaradan yar ee kismaanyo ka duuleysa dhulka ma la soo Dhigiwaayey !!!!!

    Puntland waxaa haysta koox la dhaho Aaran Jaan , waana Kooxda Puntland burburin doonta .

    Gudoomiyaha Baarlamaanka ee puntland waa lagu dhegan yahay, isaguna koox xildhibaano ah ayuu la Goosan, Ahmed Karaash isna koox wasiiro buu la Goosan. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Denni Zanzibar caqligu Caloosha weyn buu kaga jira

    • Sargaalka says:

      Guul Jubaland.
      Guul jubaland.
      Guul Jubalad.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      USHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.

  8. Zaki says:

    Somalia kama jirto wax Dawlad lagu sheegaa ee may riyada iska dayso,oo Go’aamada nacasnimada ah ee aanay awoodda u lahayn hir-gelintooda ee adduunka uun tusaya tamar darradeeda iyo qaab darradeeda ka fiirsato.

    Hawaanu la wareegnay,
    Waanu xidhnay
    Codi ma mari karto,diyaaraddii ku xad-gudubta go’aankaas tallaabo ayaa laga qaadayaa!!!!
    Oo maxaaba gacan kuugu jira cidlaad ka qaylinaysaayee.

    WAA SIDAY XOOLAHAYAGA JIDDAH UGULASII FADHIISTEEN ISBAARADA EE SUCUUDIGII INTU KA YAABAY KU YIDHI:
    “XOOLAHA MAAD DALIINII KUSOO CANSHUURTAAN HADAAD KA TALISAAN INTAYDIN HALKAN (JIDDAH) JAQAFADDA LA FADHIDAAN”?!
    Ma wax ay Ku hadlaan bay hayaan oo aan indho-taag ahayn!!!!!!!
    kkkk

    Farmaajo waxa seegtay inuu Deni u wakiisho dhex-dhexaadinta isaga iyo Madoobe,si uu isna uga qayb-galo caleemo-saarka heshiisna u gaadhaan.

    Maadda Villa Somalia qosol badanaa
    kkkkkkkkkkkkkk.kkkkkkk.kkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkk.kkkk kkkk.kkkkkkkkkkk

    • Sargaalka says:

      Guul Jubaland.
      Guul jubaland.
      Guul Jubalad.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      USHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.

  9. Zaki says:

    Dalkiinii ayaan u jeedaa

  10. Dabshid says:

    Faroole xitaa wuu socdaa, Bisha m arkey Dhamaatana XAMAR ayuu u soo doonan $3,000

    – HADDII LOO DIIDANA ADDIS ABABA ayuu u doonan.

    Bal adigu dadkaas DAL IYO DOWLAD LA SAMEYSO, oo Waliba CANSHUUR LAGA RABIN, XISAABTANNA haba sheegin. Oo maxaad GARAB SAGAARO KA QAADI ama Ka xisaabin.

    Dabato iga dheh

    • Sargaalka says:

      Guul Jubaland.
      Guul jubaland.
      Guul Jubalad.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      Guul Madaxweyne Sayid Axmed.
      USHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.
      ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO.

  11. Idoor Liqe says:

    Hawiye isdajiya , Ahmed madoobe kursigan ku sii Fadhiyimaayo , diyaradan yarna waan soo afjareyna . Lkn Muqdisho cid ka dhoofeysa ma jirto oo kismaanyo aadeysa warkaas waa cadyahay Baan filaya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Muqdisho anukuu leh kkkkk

  12. Dabshid says:

    Zaki

    Maanta diidi meyno in VILLA XAMAR Only MAAMUSHO DHULKA HAWIYE.

    Inkastoo Jilib iyo Jamaame SHABAAB MAAMULO,

    Waxaase balan ah inaan KURTUN DAMBE LAGU MASLAXEYN VILLA XAMAR

    – Tolkaa Dhaqaale hala keenin ee Taageero ka keen ninkii awoodi waayey MAGEEYO XORIYO.

  13. Zaki says:

    Dabshid
    Kkkk
    Warkaan Allsanaag ka aqriyay ee ay lahaayeen Odayga magac-u-yaal baa laga dhigay oo Khayre iyo Hag ayaa xil-wareejiyay ayaa malaha wax ka jiraan
    kkkkkkkkk
    Inaadeerkii Deni inuu arrinka gal yidhaahdo ayay malaha Ku habboonayd

    • Sargaalka says:

      OGEYSIIN.
      Qaar badan oo Kalshaale wax ku soo qora ayaa iska dhiga ineey Xukuumada Villa Wardhiigley taageersanyihiin, laakiinse arintu sidaa ma aha waxay ku taageerayaan nacayb aay u qabaan qabiil Soomaalieed, waana wax aduunka ka dhaca tusaale ahaan doorashadii Maraykanka dad badan ayaa taageeray Madaxweynaha hada talada Maraykanka haya ayagoo aan isaga jecleyn, laakiinse waxay diidanaayeen haweeneydii isaga la tartameeysay, markaa kuwiinan is qarinaya waan idinla soconaa kkk maqal ma jiraa reer fadhi ku dirir?

  14. Dabshid says:

    Zaki

    Sida Xaqiiqdaa oo siyaasadu ku jirto, waxey aheyd inuu DENI ADEEGSADO hadduu Tolkiis u talin waayey.

    Lkn Iidaa Seedigeen Sanadka wuu Nala joogi kadibna Turkey ayaan Qasri ka dajineynaa.

    Kheyre marhore ayuu dareemay inuusan Farmaajo tagikarin Kismaayo,

    Inuu Kheyre soo seexdo Galmudug 3 bilood waxey ahey ‘ CAR FARMAAJOW HAL HABEEN SOO SEEXO AFMADOOW.

    – Villa Xamar iyo Farmaajo maanta ayey LOXODKA SOO TAANTEEN.

  15. Jabhad says:

    Kkkkkk waryaa dabshid. sidee wax kaa yihiin ilaa

    Xalay waad isku dhex yacday arinta DENI waxa loo

    Xilsaray inuu xaliyo khilafka kismayo iyo federalka

    kismayo waa qayb ka mida somaliya ninkii raba inuu

    Riixo laga yeeli maa howsheeda waxaa si hoose u

    Xalinaya dad somaliyeed oo qabyalada ka doortay

    Qaranimo

  16. Dabshid says:

    TAABTEEN

  17. Dabshid says:

    Jabhad

    Kkkkkkk

    Wlh si run ah ayaan u qosley

    Maxaad Tiri ?

    Farmaajo ayaa Deni u direy Kismaayo si uu Madoobe uga reebo Kuukuuyo.

    – Ninkii Fooxa Jabhad ku uunsanow Wakaas @ Jabhad

    Horaan u sheegay in @ Xaange iyo Land of Punt warkoodu Cadyahey oo sida INDHAHA QURAANJADA QARSOONEYN.

    – Sxb Jabhad wali waxaad heleysaa Reer Qurac Tabeelaha beentaa idiin qaado.

    @Khaatumo hanoolaato ma ila socotaa – Nafaqo Daarood

  18. Mr BaHaL says:

    Waad samaantihiin dhamaanttii.

    Horta xaqbaa loogu leeyahay in la yidhaa”waar ninkaasi ha tagin caleemo saarkiisa,ileen lama aqoonsana Gudoomiye Goboleed e”.laakiin qasab looguma laha in lagu qasbo oo laga joojiyo.Tagitaankiisu waxba ka badali maayo siyaasada dawlada ee ku wajahan Kismaayo.

    Midna ogaada.

    Waxa jira wax la yidhaa “Comlexe d’infiriorite”.

    Dadka ama qofka oo Uqdadka qaba inuu Bulshada kale si caadi ah ula noolaado.Waxa laga hadlayo maahee,wax kale ayuu ka shikiyaa.
    In la yaraysanyo u qaata.Is-faac joogto ahIs-adkee,iska diid wixii la yidhaa,inuu dadka la simanyahay ayuu shiki ka galaa qofkaasi ama bulshaaasi.Qofka qaba xanuunkaasi ma yeelo ama kuma qanco in Madax loo noqda – xataa shaqada kuma raago.Hadii wax loo diro wuxuu moodaa in isaga loo jeedo oo la yaraysanayo.Waxaa ku badan dhaqamaasi,anigu ma ihi qof wax loo sheego,aniga ayaa la ii jeeda,anuu xorbaan ahay.Laakiin wax isaga u gaar ah oo looma jeedo.

    Ilaa sheekh shariif iyo Faroole ayaan arkayay dhaqankan xanuunsanaya.

    Laakiin wixii lacag ah eeyar ayay iska qaataan kkkkk

    Hadal kama yimaado qaadashada lacagta.

    Mr Deni ma soo noqonin Madaxwayne Somaliyeed.Waa Misgiin GUmdoomiye ka ah Gobol Mahabr ah.

    Meeshii ay dawlada Somaliyeed isdiidaan ayay Reer Garoowe la biqleeyaan.

    Waxba soo kordhin mayso inuu tago iyo inuu ka joogo,saa Axmed Madoobe Libaaxbaa daba socda.

    Nin Libaax daba socdo iyo xaalkiisa waad fahmikartaan.

    Dalmida

  19. Jabhad says:

    Kkkkk

    Dabshid. adiga … miyaad ku farxaysaa darood isla

    Hadlay oo dan QARAN ka wada hadlay war ragaan

    Dan somaliyed ayaa isku haysa …. hororka qabilka

    Raba inuu ku arsadana waan aragnaa waan u jedna

    kkkkkkkkkk

  20. xaange says:

    Dabshid & Garqaad
    Maxaad la waal waalanaysaan?
    Ma awalbaa Deni,Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sinnaayeen?
    Waar Deni waa nin xora oo meeshuu doono u dhoofaya cidina ma hor istaagi kadho.
    Ma waxaad moodeen sida Sheekh Sariif in wiilal yay yar oo muqlaysan ay hor istaagi karaan.
    Xamar shabaab,Amisom iyo caddaanka xalane fadhiya keliyata in laga xoreeya uma baahna ee xuurtada ay nn ku haysato in laga xoreeyo ayay u baahantahay.
    Soomaaliya waxa yaali waa ninkii xooglaa xaajo u toostaa sida Deni.
    Haddii kale yuuska meel nagala fadhiista

  21. Mr BaHaL says:

    Waar anuu maalinta ay RGaroowe iska diidan in wax la siiyo ayaan rag u aqaanaa kkkkkkkkkkkkkk

    Ninka raga ahi waa ninka yidhaa,anuu wax la i siiyo ma qaato”.Waxa kale waa”,kaalay oo ila moran”,iyo qalyo aan loo baahnayn”.

    Hal ayaan dhaway ayaa la siiyay Reer Garoowe hal milyan oo Dollard,eeyar ayay aamus ku qaateen kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Dalmida

  22. xaange says:

    Mr Bahal
    Meyd maxaa ugu dambeeyey baa a yiri saa laye kaa lasii sido.
    Shalay oo u dambeysey ayaanu 20 malyan diidney in sharafta,damiirka,hadafka iyo karaamada reer Puntland iyo mida soomaali oo dhan lagu iibsado.
    Ma diidmaa dhhimman kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  23. Mr BaHaL says:

    Xaange

    20 milyan kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Taasi maba jirto.,Mid iyohal milyan ayaa la siiyay ilaa Axmed Madoobe kkk

    Sxb,taasi u sheeg Reer Garoowe.

    Beenta yar oo lagu qulaamiyo.

    Reer Hargeisa ayaa idaacdaha ka sheegay in ay diideen lacagtii Muqdisho ugu deeqday Berbera. Mashruucii Enjineer Yariisw.

    Dadkii Reer Hargeisa ayaa warkaasi la maqashiiyay.2 usbuuc kadib lacagtii Berbera ayay soo gaadhay kkkkk

    Dalmida

  24. Ubax ismail says:

    Ascww
    Allaa ilehe maanta runtii ayey tagtay oo ah RAG WALAALOW WUXUU KU DHAAMO WAAYEY, kismaayo waa dhul ilaah wuxuuna ku beeray soomaali hadana waa nabad dadkuna wax yaraan ma ahee sida kale Alle mahadii ayey qabaan, wax kasta oo ay soo martayna hada waxey joogtaa caleema saarkii madaxweyne Ahmed madoobe, marka waxaa wax lala yaabo ah wasaarada arimaha guduhu xaashidaan ay hada soo saartay, war mar hadii magaaladii ay nabad tahay asiise maamul iyo kala danbeyni ay ka jirto wasaaradu maxey rabtaa, ninkii ay iyada isla xulafada ahaayeen miyey rabtaa dadkaas masaakiinta ah oo guryahooda nabada u jooga in ay dartii u barakiciso oo hadda iyo kow ay ka soo bilaabaan, aniga waxey iila muuqataa wasaaradu in ay dib ula noqoto xaashideeda arintana nabad iyo WALAALOW lagu dhameeyo. Wadankan laga daayo car iyo car.

  25. Jabhad says:

    Mr Bahal

    Waa runta oo xogta waxaa na siiyey wasiir BEYLE

    lakiin dadba waxay ku washeen in shilinkii la helaba

    Iyaga lee yihiin lacagta hada lagu dhisayo degmada

    berbera ma canshurdii baa mise waa kalmo somaliyed ???

    shalay waxaa magalada berbera laga dahfuray

    Mshrucii degmoyinka ee EN yarisow waa sadkodiye

    Yaan kaga daba qaylin

  26. Zaki says:

    Bahal lacagta gaalada ee magaca Marxuumka lala jeclaaday in loogu magac darona wuxu u haystaa inay tahay canshuurtoodii
    kkkkkkkkk
    Lacagta Eu-dana annakaa leh oo Ku magacaabayna wiilashayada!!!

    Dee wixii dhulkaaga laga fulinayo ugu magac dar dadkaaga,lkn halla caashaqin taageerada beesha caalamka inaad siyaasadayso oo igu sawir iyo siyaasigaaga la jeclaato inaad magac uga dhigto sidii masaajid uu dhisay!!

    Somaliland iyo Eu ayaa arrintaa ka heshiiyay,waxana la isla gartay in mashruucaas laga fuliyo Berbera isagoon magac cid gaara wadan.

    Waar Marxuumka afka hannoo gelin waad u jeeddaa caqli xumada hogaamiyayaasha Somaliyee
    Alle ha u naxariisto Marxuumka.

  27. Mr BaHaL says:

    Jabhad
    Isku dara Hawiyaha fashilmay iyo Daaroodka fashilmay.

  28. Mr BaHaL says:

    Sorry waa laga boobay wixii qorayay.

    Jabhad

    Isku dara Hawiyaha fashilmay iyo Daaroodka Fashilan.

    Intaasi waa isku bah.

    Reer Garoowe,Axmed Madoobe iyo xertiisa iyo Xisbiyo ku sheega Reer Muqdisho waa isku Baho-shaydaan.Taageerayaashoodu waa isku mid,laakiin inteena u taagan qaranimada Somaliyeed,Caasimadeeno waa Muqdisho,wadankeenu waa Somaliya,Madaxwaynaheeno waa Formaajo,Raysal wasaaraheenu waa khayre,calankeenu waa kaasi Buluuga ah.
    Cadow.

    Dalmida

  29. Jabhad says:

    MR BAHAl

    Waa saas wixii QARANKAN inuu dhaqaqo rabin oo

    U niikinaya kenya iyo shideeye waa cadow aan loo

    Bahnayn wax kasta oo kala aragti duwanansho ah

    Waa la xalin karaa laakiin in dowladnimada dalkaan

    godkii laga soo saaray lagu celiyo cid laga yelayo

    Ma jirto ….. wadaniyiinta somaliyeed aad baan u

    Salamayaa guulaysta goor iyo ayaan




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!