Kenya oo Jawaab ka bixisay Dacwadii Somalia ka gudbisay, Kadib Diyaaradii Kismaayo ka degtay

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dacwadda ay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya u gudbisay hay’adda maamlka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa iska fogeeyay arrintaas waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay Kenya ku eedeyneyso shaqadii ay iyada ahayd in ay qabsato.

Sarkaalka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay Hawada ku qabato diyaaradaha ku xadgudba hawadeeda hayeeshee aysan ahayn in ay ku eedeyso Dowladda Kenya.

Waxaa uu intaas ku daray in Kenya ay tahay dal u hoggaansan xeerarka Caalamiga ah islamarkaana aysan shaqo ku lahayn diyaaradda ku xadgudubtay hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda ICAO gaarsiisay ashtako ka dhan ah kenya kaddib amrkii diyaarad ka soo duushay Nairobi ka dagtay Magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa dab ku sii shidday muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal oo ka dhashay ku xadgudubka Kenya ee biyaha Soomaaliya.

Arrintaas ayaa sababtay in Soomaaliya ay Maxkamadda ICJ u gudbiso dacwad ka dhan ah Kenya taas oo dhegeysigeeda loo ballansanyahay 4ta Bisha Novermber inkasta oo Kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mar saddexaad.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Kalsame says:

    Kanyaay ntaad korommada diirka Soomaalida leh haysato iska baayakh lee. Mas mas liqay baan maqli jiraye dal dal liqay ma maqasheen, waa tanoo kale.

    30kii sano een is cunaynay iyana waa na cunaysay, markay caloosheeda inagu wada ogaatay bay doobba bilawday iyo hinraag.

    Yaa sidaa noo galay?. Jabahad iyo ibnu jabhad iyo daanyeertii dalkan kursiga u dumiyay iyo dashoodii oo ka sii daray.

    Kuwii horaaba la qaataye kuwan hadda jooga waa yiciis, shimbirtii dhala cad baad wada mooddaa ee lafta cad ee anagan feenan jirtay, mid nah leh ku arki maysid. kkkk

    Qarannimo waxaan ahayn wallaan cagajuglaynta Uhuur iyo kikuuyo looga badbaadayne war ha la doono taa.

  2. Osman says:

    kuwani somali waa duleeyeen meel xun bay dhigeen. kuukuuyaddi qaaqaawanayd ee iyadu soo gurguuran jirtay ayaa faramajo iyo khayre na geyeysiiyeen in Somalia iyadu soo gurguurato !




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!