DF-Somalia oo ku dhowaaqday Gudiga Dhismaha Galmudug iyo XAAF oo War kasoo saaray [Akhriso]

Muqdisho  ( Kashaale ) Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya.

Guddiga ayaa ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha Soomaaliyeed ee daga deegaanada maamulka Galmudug, waxaana guddigu iska dhex dooran doonaa guddoomiye, kadibna waxa uu guda geli doonaan howlaha shaqo ee loo igmaday, waxaana laga dalbaday reer Galmudug in lala shaqeeyo xubnaha guddigaasi.

Dowladda federaalka ayaa gadhwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah, iyadoona dhowaan la guda geli doono arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.

Dhinaca kale  Madaxweynaha Galmudug ee Wakhtigiisu dhamaaday Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo guddigaasi oo ka kooban illaa 13 xubnood oo matalaya beelaha maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay inuu la shaqeyn doono guddiga farsamada, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay.

Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyeen guddiga, si looga mira dhaliyo dadaallada lagu doonayo Galmudug oo mid ah, wuxuuna ka dalbaday xubnaha guddiga ee la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Dabshid says:

    Dhamaan Ganacsatada degan maamulada
    Galmudug
    K.Galbeed
    Hirshabeele
    Banaadir State

    Waxaa lagu canshuuraa oo wax kala soo degaan Dekadda Muqdisho

    Canshuurtaas oo xad dhaaf ah, sanadkiina labo mar la kordhiyo,

    – Kiishka Bariiskaa ee Xamar ka soo dego markuu Tago Bakaaraha WUXUU KA KHARASH BADANYAHEY,

    Kiish Bariis ah oo isla ninkaas uu ka soo degsado BOOSAASO OO UU BAABUUR SOO SAARO, OO UU JIDKA DHEER KHARASH IYO ISBAARO KU SOO DHIIBO, wali markuu Bakaaraha yimaado wuu ka kharash yaryahey midka Ka soo degay dekedda Kismaayo

    – Xagee lagu kharash gareeyaa canshuurtaas xad dhaafkaa ee laga qaado MA QAXAYAASHA MUQDISHO

    1. 275 Xildhibaan oo 4.5 ku jiifo Hotelada Xanar

    2. 30,000 ka badan oo wasiiro ilaa shaqaale hoose 4.5 lagu keebay

    3. 6 maamul ee ka dhisan dhulkii Italian colony

    4. IYO 50% OO AY DIBADDA KU SHUBTAAN MASUULIYIINTA LOO XILSAAREY ( tusaale lacagtii ka soo xaroodeen HAWADA DUULISTA 2018 ma soo gaarin ama laguma soo shubin QASNADDA DHEXE, Masuulka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hawaduna wuxuu ku doodey ” Anagaa dib u isticmaalney, hadde horeyna WASAARADDA MAALIYADDA AYAA MIISAANIYAD uga qoondeysay Canshuurta xad dhaafkaa ee laga qaado dadka dego 4 maamul ee XAMAR IYO XAMAR DAYE.

    * KUDARSO ama KADARSO

  2. Dabshid says:

    Oday Xaaf wax kastuu sheego hadana wuu tagaa shirkii Xamar uu ku qabtey Madaxweyne Kheyre (sorry Rasalwasaare Kheyre )

    Waliba Oday Xaaf wuxuu shirka ku dhex anaaney Mr Kheyre siduu u yahey Masuul 3 bilood soo jiifey QURACA GALGADUUD.

    – Libaax la didey Daanyeero ka didey Codkiisa, waa la xakameyn.

    * Qaran doon mise Guno doon

  3. farxiyo says:

    Dabshid.
    Shaley baad turubka baratey markaasaasd raani iyo qulaan,dhigeysaa,markaasaanu jookar Ku dul dhignay,wixiiba waanu isku fuuqsaney,alleylehe rag xamar waa Ku naaxey.
    Dabshid canshuurtaa idiin room,waar alxamdulilaah dheh hadaanan bacdii idinku xidhin.
    Garqaad ilaa shaley lama hayee,ma jiiraduu
    Qori kula jiraaa?
    Kaftan.com.

  4. RAAMALEEY says:

    War yaadha reer GALMUDUG iska JIRA JEEGAANTA shaydaanka ushaqaysa EE kornayl Caare iyo odayadiisii Woodhaqda ubixiyey ina BIIXI IYO jeegaantiisii walee WAA kabexeen reer GALMUDUG OO israacay waayo WAXAA soodha naya SOOMALI dhamays tiran kkkmkm WELIGOOD ba SHABAAB IYO Khaniisyo reer GALBEED AH MEEL HA KU wada HA yeen VIVA ALL GALMUDUG

  5. Dabshid says:

    Farxiyo

    Kkk

    C/rashiid Sharma’arke ayaan abtinimo u aaminey 1967, markaas baad canshuur la Musuq maasuqo iyo dil madaxweyne bilowdeen.

    narkaan seedigeen iyo Canshuurteena iyo Caasimadeena MARIMAHAYAAN dariiqii la marsiiyey Sharma’arke.

    – Markaan Waa inan layaal, iyo Toosh toban qaad ah

  6. Kalsame says:

    Dabshid

    * CANSHUURTEENNA IYO CAASUMADDEENNA*

    GOOFKEENNANA MAXAAD UGA REEBTAY. kkkkk

    Xamar waxaa lagu dhisay dhididkii iyo dheecaankii shanta Soomaaliya, waxay caasuma u tahay shanta Soomaaliya, beel iyo jufo laga leeyahay ma jirto, waxaa ha ku xiiqin sxb. Haddadan aan joogno canshuurtaa aad sheegayso waxaa laga qaada Ganacsatadii soomaaliweyn oo wada deggan.

    Imminka waxaaba socda in shacabka Kenya naga jooga la soo wada raro ay hantidooda keenaan Caasumadda Soomaaliweyn, adna waxaad la soo taagantahay GOOFKEENNA. kkkkk

    Waa la doogiye yaan dacaroon.

    Dalmida.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!