Somaliland oo Aqbashay in laga Fuliyo Mashruucii Eng. Yariisow

Berbera ( Kalshaale ) Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo maanta booqasho ku tagey magaalada Berbera, ayaa sheegay in uu la kulmay maayirka magaaladaasi Cabdishakuur Ciddin, isagoo kala hadlay sidii midowga Yurub ugu wareejin lahaa lacag 7.5 Milyan oo Yuuro ah oo loogu talogalay horumarinta degmada Berbera.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan sheegtay in ay Midowga Yurub la saxeexatay heshiis lacageed oo dhan 22.5 Milyan oo Yuuro taasi oo 7.5 Milyan ka mid ah lacagtaasi loogu talogalay degmada Berbera.

Mashruucan ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in loogu magac-daray Eng. Yariisow, hase ahaatee Somaliland ayaa war ay soo saartay wakhtigaasi ku sheegtay in mashruuca Eng. Yariisow aan laga hirgalin karin Somaliland.

Waxayna hada u muuqataa inay Somaliland Aqbashay in laga fuliyo Mashruuca  Horumarineed ee  loogu magac daray Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow Alle ha u naxariistee.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!