Shaqaalaha G. Banaadir oo Baadhis lagu Bilaabay Kadib Dilkii Eng. Yariisow

Muqdisho ( kalshaale ) Tobaneeyo kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa shalay markii ugu horreysay maray nidaamka hubinta shaqaalaha dowladda ee ka badqabka Alshabaab iyo urur diimeeyada kale ee dalka ka jira.

Qaybta amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa shalay lagu bilaabay hubinta waxaana shaqadaas qabanayay hay’adaha amaanka ee gobalka Banaadir, iyadoo wareysiyada ay qaadaan isla maalintaas u gudbinyay hay’adda NISA oo hubin kale ku marsiineysay Godka Jilacow.

Su’aalo isku mid ah ayaa la weydiinayay shaqaalaha waxaana tirada su’aalaha lagu sheegay in ka badan 20 su’aalo oo qaarkood isku soo noqnaya si qofka looga helo jawaabo aan is waafaqsaneen, waxaana kamid ah su’aalihii dadka la waydiiyey.

1) – Qofka shaqaalaha waxaa la weydiinayaa qabiilkiisa ilaa 3 heer ama ilaa jufo hoosaadka.

2) – Sidoo kale waxaa la weydiinayaa Yaa waaye Xildhibaankaaga, Nabadoonkaaga ka diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

3) – Maxaa qaban jirtay ka hor inta aadnan dowladda u shaqa bilaabin.

4)  Maka mid noqotay Al-Shabaab, Daacish ama urur diimeed kale sida Xisbul Islaam, Maxkamadihii iyo kuwa kale.

5)  – Qof kamid ah qoyskaaga maka tirsanyahay Al-Shabaab, hore ma uga mid noqday, xataa qof aad daris aheydeen.

6) – Imisa Xaas ayaa leedahay, Caruurtaada waa imisa, Imise guur ayaa soo martay.

7) – Iskuulkee ka soo baxday, maxuu ahaa luqadaada waxbarashada ma Carabi mise English, Jaamacadee ka baxday/dhigataa iyo su’aalo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dedaalo lagu hubinayo shaqaalaha dowladda oo dhan, waxaana hadda socda hubinta guud ahaan shaqaalaha dowladda, waxaana la filayaa in la hubiyo shaqaalaha qaybta arrimaha bulshada ee Gobalka Banaadir.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Garqaad says:

    Mudane iska ilaali.

    Finish gareen in aad noqoto.

  2. Mr BaHaL says:

    Duqa Muqdisho guul ayaan u rajaynayaa.
    Waa inuu – xataa isagu is-baadhaa bal in jeebka wax loogu riday.

    Dalmida

  3. Dabshid says:

    Awalba waa la baari/baadhi jirey/jidhey eebow/Boowe

    Scan dadka baaro Waaka horeeyey even Eng Yariisow

  4. farxiyo says:

    Waraabe adhi raacso,waa cumar filish.
    Waa adduunyo manjaha loo taagey oo madaxa Ku soconeysa.

  5. Mr BaHaL says:

    Cumar Filish,waaa nuu dawladiidka shaqo ka qabtaa.Nin fashilmay iyo Alshabaab isbarkan Muqdisho ayay gabaad ka dhigteen.Waa in laga sifeeyaa.

    Dadka Somaliyeed way bogsan lahaayeen caasimadu u caafimaado.Madaxa ayaa wada xanuunaya.

    Dalmida

  6. Jabhad says:

    qodobka 4 aad wuxuu halis ku yahay beel dhan wa

    In buuga naxariista iyo cadaalada dib loogu noqdaa

  7. Dabshid says:

    Jabhad

    Kkkk

    Walaahi waa runtaa lkn waxaan ku ceymanaynaa. FARMAAJO IYO KHEYRE waxay ahaayen maxaakiimtii ayaguba




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!