SAWIRRO: Wakiilka QM oo booqday Xarunta G. Banaadir, Xili ay ugu danbaysay Maalintii la Qarxiyey !

Muqdisho ( Kalshaale ) Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa qaraxii uu ka badbaaday ka dib maanta Booqday Xarunta Gobolka Banaadir waxa uuna halkaasi kula kumay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga caasimadda, taageerada Qaramida Midoobay ee Xaqiijinta nanadgalyada Caasimadda iyo kor u qaadida dakhliga Dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Mr  Swan ayaa dhankiisa balanqaaday in ay xoojin doonaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalne uu UN ku kaalin taageero la garab taaganyahey Gobolka Banaadir.

James Swaan oo booqday Xarunta Gobolka Banaadir 24 July 2019, ayaa  waxaa halkaasi ka dhacay qarax ay ku dhinteen Maasuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Cabdiraxmaan Yariisow oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana Al shabaab oo sheegtay Masuuliyada weerarkaasi sheegeen in  bartilmaameedka Qaraxu ahaa Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Sawan oo booqday xarunta wax yar uu ka hor xiliga uu qaraxu dhacay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Dabshid says:

    Farxiyo

    Kkkkk

    Shaley waxay lahaayeen AR FARMAAJO II GEEYA

    Maantana waxey noo keeneen AR MADOOBE II GEEYA.

    – Kablalax lee ha igu dhihin ii geeya.

    Alla Maxay gabadh ku legaday BACAADKII SUUQA SIIGAALE.

    – Reer Taleex iyo Sporko iga dheh

  2. Garqaad says:

    Dabshid.

    Farxiyo. Anigaa isku xaafad aheyn. Waan is gaad gaadi jirnay. Sideetamaadkii. Macmaanka. Hhhhhhhhh.

    Imaam Dubai maka soo laabatay.




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!