QM iyo Midowga Afrika oo Heshiis ka gaadhay Qorshe Howleedka Somalia ee 2020/2021

Muqdisho ( Kalshaale ) Wakiillo ka kala socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaay Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir muddo shan maalmood ah u socday kaas oo ay kaga hadlayeen shaqooyinkooda Soomaaliya.

Madaxda labada dhinac ayaa isku raacay tubta qorshaha kala guurka Soomaaliya,waxyaabaha la qabananayo, dhaqaalaha lagu qabanayo iyo habka loo qabanayo.

Madaxa Injineerrada AMISOM sidoo kalena ah isku xiraha shirarka AMISOM Andrew Alele, ayaa sheegay in shirkooda ay xoogga ku saareen sidii loo dar dargelin lahaa qorshaha kala guurka islamarkaana hab loo qorsheeyay loo fulin lahaa.

Waxaa kale oo gabagabashada shirkaas ka hadlay Simon Mulongo,oo ah ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,waxaana uu sheegay in waxa ugu badan ee uu ka walwalsanyahay ay tahay in dhaqaale xumo darteed aysan u qabsoomin howlaha AMISOM ee Soomaaliya.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in qorshahan sida loo dejiyay u dhaqangeli doono, isaga oo dhinacyada ugu baaqay in si taxadar leh u gutaan howlaha horyaalla.

Clark Toes oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee taageerada Soomaaliya UNSOS ayaa isaguna rajo wanaagsan ka muujiyay in qorshan guul ku dhamaan doono islamarkaana  howsha ugu weyn tahay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab, furidda waddooyinka iyo sahay gaarsiinta Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu dhamaan daneeyayaasha Howlgalka AMISOM ugu baaqay in ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si uu howlgalka guul ugu dhamaado.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!