DHEGAYSO VOA : Maxaad ka Ogtahay Kiiska C.waaxid Khaliif, + Soomaliya iyo Kenya Siday uga hadleen [Warbixin]

Muqdisho  ( Kalshaale ) 28-kii September Booliska Kenya ayaa bartooda twitter-ka ku qoray in dalkooda uu soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun.

HALKAN KA DHEGAYSO

Booliska ayaa sheegay in Cabdiwaaxid oo ah muwaadin Soomaaliyeed uu horey uga tirsanaa amniyaatka kooxda Alshabaab.

Maalmo kadib dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Cabdiwaaxid uu soo dhameystay xabsi lagu xukumay, sidaas darteedna uusan hadda wax dambe ah lahayn.

HALKAN KA DHEGAYSO BARNAAMIJKA

Haddaba maxaan ka ognahay Cabdiwaaxid, Barnaamijka Galka Baadhista oo la hadlay dhinacyo kala duwan ayaa soo bandhigaya xogta Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi,  Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Isha VOA-Somali

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Mo says:

    Way iska caddahay in dowladda fadhiidka ahi ay shabaab gacan saar la leedahay!! say ku dhacday in nin shabaab ah lagu xukumo xabsi 2 sano ah.
    1week kama soo wareegin xasuuqii ay u gaysteen urur ka mid ah ciidanka xoogga iyagoo qabsaday xeradoodii kana rartay dhammaan wixii hub yaallay.

    Bal caqli xumada meesha taalla fiiri, shabaab xabsi laga sii daayey!!! nikii dhabaab sii daaya micnihu waa shabaab buu ka tirsanyahay.

    waa dowlad wada shabaab ah!!!!

  2. Mr BaHaL says:

    Alshabaab waa Somali.Waa Adeerkaa iyo Walaashaa.Maxaa lagu garanayaa qofkii IIna hebel ahaa ahaa,oo sita cardkii qabiilka.

    Xildhibaanada ayay ku jiraan,ganacsatada ayay ku jiraan,masaakiinta ayay ku jira.
    Alshaab maaha wax loo dhasho e waa wax aad markasta ka mid noqonkatid.

    Laakiin ninka dawlada ku eedaynayaa alshabaab miyay dalka ka garato waa nin Dameer ah oo meel gaaban ka fikiraya.
    Qofbaa la soo qabtay.Waxaa lagu soo eedayay waa alshabaab.Wuu iska dafirayaa,Adeerkii ayaa imanaya,Abbihii ayaa imanaya.Intuba waxay ku dhaaranayaan in ninkai anuu alshabaab ahayn,laakiin runtii ninkani waa alshahaab.

    Sida loga adkaadaa wakhti iyo juhdi badan ayay qaadan doontaa.
    Fakhriga oo yaraada,qabiilka oo dawlada taageera.Dadka oo wacyi ahaan isbadala.

    In la ogaado inuu qofku alshabaab yahay,waxaa ka dhibyar in la ogaado qofka qabiilkiisa.

    Mida kale ee arinka ka sii dhigaysa wax aad u culus- ayaa ah inuu nidaamkani inagu cusub yahay.Ma garannayno sida looola tacaalo.Gabi ahaanba waa wax innagu cusub,qabiilka ku cusub,qoyska ku cusub,Diinta ku cusub oo Bulsho ahaanba innagu cusub.
    Sidee looola dagaalamaa nin xaafadaa fadhiya oo ku dilayaa,misana aad moodaysay walaalkaa.
    Seedigaa.

    Yaab com

    Dalmida




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!