Dawladda Germany oo $73-Milyan ugu deeqday Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Germany ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $73 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Annett Gunther, oo ah Danjiraha Germany ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagtaasi tahay mid lagu taageero hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

lacagtaas oo ay shalay ku dhawaaqday ayaa ku soo aadday xuska midowgii labada Germany oo lagu qabya Muqdisho.

Annett Gunther, ayaa sheegtay in Germany oo xoojineysa xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya ay labada sano ee soo socota bixin doonto lacagtaas.

Lacagahaas ayey sheegtay in ay ku taageerayaan hay’adaha maaliyadda Soomaaliya si fursado loogu abuuro dhallinyarada una helaan tababarro, xirfado cusub, iyo dhismaha Waddooyinka dalka.

Waxaa ay soo dhaweysay horumarka ay sameysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sida ay sheegtay horumar weynka sameysay dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Somalijecel says:

    Lacagahaan Muqdisho masoo dhaafaan Abtigay Garqaad iyo Dabshidna lacag baa laga diraa Xamar bay nagu waaleen.
    Sx AU Eng Yariisow wuxuu igu yiri qofkii ku dhahaa canshuurta Muqdisho ayaa maamul goboleed loo diraa indhaha ka fiiri.
    Shaqaalaha dawladda kuma filno waxa ka soo baxa,sidoo kale waqtigii Xasan sheikh 15% ayaan dheereyn maamul goboleedyada group villa wardhiigley ay noogu dareen extra 5% waxa bananka laga helo waa safarkiisii u danbeeyay AU.Yaan aaminaa?




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!