Ilhan Cumar oo si Rasmi ah Maxkamad ugu Gudbisay Dacwadda Furiin-keeda

Muqdisho ( kalshaale ) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi, Waxayna maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhaan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xiriir jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xiriirka uu la leeyahay Ilhaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 20)

  1. Dabshid says:

    Weel eey galey iga dheh

  2. Land of Punt says:

    Walaahi waan ka xumay, in ay kala tagaan…
    Singel mother waa laga fiican yahay.
    Somalidii qurbaha furitaan ku waasheen.

  3. Dabshid says:

    Yaa gaalkaan Caruurta ka ilaalin,

    Nin raga hadduu yahey caruurta Guriceel ha geysto.

    – Tan ayaa ka marqaatiya iney naagtu Gurigeeda joogto.

  4. Dabshid says:

    Farxiyo FISKA iyo Ninkeedii hore ee ay caruurta u dhashey waxey isla ahaayeen ARDAYDII ASLAAX.

    Aroos ka heesid ayey London ku baratey, oo farxiyooy waadba cod qurxantahey ee maad HEESAHA BARATID ( Sheydaan ayaa kula taliyey)

    Furdug, ninkii wadaadka ahaa ALLE AYAA TALADA HALEELSIIYEY, Wuxuu dhahey Heeso iyo Duurwareeg miyaad dooratey – Haa

    Suulka saar inaadan Caruurtaan Masuul ka aheyn, ok

    – sidaas ayuu CEELBUUR u geystay

    Waxaan kaloo aqaan oo London nala joogto AYADOO DEPRESSION KU DHACEY

    Naag lagu qabi jirey Nairobi Kenya, nin Cadaan ah ayey ku baratey Kenya, ninkii ayuu ka furey, caruurtii ayuu isku qorey inuu Aabe u noqdo maadaama uu hooyadood qabo,

    London ayuu keenay, naag 30 jir Qamri ku baratey miyaa maskax geyso – waxaa lagu SHABADEEYEY CARUUR ISKA DAAYE INEYSAN NAFTEEDA MASUUL KA NOQON KARIN.

  5. mohamuud says:

    idinku tiina daryeela ,intaad shaqsiyaad ku neefsanaysaan ,sababtoo ah qof walba naftiisaa la raaciyey, mid baa ilaa dabi iyo dacal wuxuu kaaga waramayaa qof iyo nin isguursadey oo hadana kala tegey adigu meel walba mala taagnayd mise shaqadaada ayaaba ah inaad ogaato wixii is fura ,waar dadkani waa waasheen oo miyaydaan ogayn in somalia 50% is furaan oo weliba koonfurtu u badan tahay, furiin lee maa hoo iyaga waa biyo iyo caano ayay latahay waa lakala duwan yahay aad iyo aad marka laga hadlayo furiinka soomaalida

  6. sOmalilander says:

    My husband dumbed me for ilhan omar.

    DC mom says in diforce fille!

    Naaagtii ay ninka cadaan ka ah ka qaaday baa sidaas kaga hor calaacashay The divorce court!

  7. Dusha says:

    Maba dhalane dhawrtaysan ogaa ….madaxtinimadii ma in gaal naga dhex toosay keentay….waan raacsanahay in carruurtaas Guriceel iyo ka shishay la geeyo…waa haddii la aweedo….waan ka xumahay….

  8. sOmalilander says:

    Waa sexy aabaheed wasto…anigaabaa nolosha ku duban lahaa hadaan heli lahaa..iskabadaa gaal cadaan ah oo secretary u ahe..,

    DAMN MAN!!

    GOD BLESS HER ANYWAYS!!

  9. Mr BaHaL says:

    Ciyaalka maxaa loogu celinayaa Guriceel?
    Maxay ka faaiidayaan Guriceel ama Somaliya oo dhanba?

    Kuwa jooga Somaliya ee uqdada iyo qabiilka ku koraya ayaa u baahan in la geeyo maraykan si ay dad u noqdaan.

    Caruurtaasi Mustaqbal fiican ayay leeyihiin hadii Illaahy yidhaa.
    Caruurtaasi Hooyadood Ilhaan ayaa u talisay.Waxay noqondoonaan Madaxda Wadanka Maraykan,Unta ama Maalqabeeno ka tirsan shirkadaha waawwayn ee aduunka baada ka qaada.

    Waar bal kuwa Guriceel jooga nolol u sameeya.

    Ilhaan waa naag tashatay oo ogaatay in siyaasadeedo sii jirikarto haday ku xidhato Bulshada aduunkan hogaamisa.

    Ninkeedu Doqon ayuu ahaa aan waxba ka aqoonin waxa ka jira wadanka uu joogo iyo Reer Galbeedka.

    Haduu rabo inuu qooyskoodu sii jiro,wuu iska diidilahaa markii uu galay damaca Xildhibaanimo Xaaskiisa.Haday diido wuu iska furilahaa.Laakiin maan fahmin sida ay u dhacday inuu arintaasi ka ogolaado Xaaskiisa uu jecelyahay ee Cauurta u dhashay.

    Dhacdada in lagu baraarugo waa doqoniimo.

    Dalmida

  10. Wadaniboy says:

    Naaga badan oo somaliya qurbaha. Nimanka ajinabiga isu dhiba ragooda erya layaab malaha. 20 way garaan kuwa diinta. Dhaqanka somalina. Sharafta. Dumar meel Uga dhacay. Oo badan. Oo isqawiyay. Oo ilbaxnimada mooday. Madaw cadaan. Lalatunto. Oo xijasbka tuuray. Oo khamrUga iyi club yada jooga. Oo qabilo dooda raali Uga noqdaan tumashada casriga. Gaal balag leh isu dhibay. Somalidana Markay hadasha dhagaystaan. Nagaha somsli ragooda qurbaha waxay u jabiyeen ajinabiga waxa looyaqaan. Raqis .maya mayaqaanaan allaah hasoo hanuuniyo ceeb .tacal. war ilhan xijaab bat kusoo gashay. Hadana. Watas surweelka. Cadaanka xidhan. Mana sodaanta keenay kuwii dooratay. Iyo diinta islaamka way khayantay. Waa in xilka laga qaada. Ninkii qabay waa wadani somaliyeed. Alaah samir haka buuxiyo. Way khayabtay. Ajinabiga raacaday. Wa in dawlada somaliya. Jago looga magacaabo caruurta loo badbadiyo.

  11. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin,
    Anniga Mr. BaHaL ayaan ku raacsanahay in eey absolutely qalad tahay in caruurtaas eey dhaleen congresswoman Ilhaan iyo Ahmd in lageeyo Guriceel, sababtoo ah, Guriceel iyo Somalia oo dhan ayaa “shithole” ah meelaha lagu xaaro oo kale. Mustaqbal la’aan cauurtaas in ladhigo ayeey noqon hadii lageeyo Somaliya. Now, aqoonyahan Mr. BaHaL, waxaan kaga duwanahay in eey ok tahay in eey xildhibaan iyo siyaasad gasho Ilahaan, waa ok, oo wax qaldan maahan. Laakiin, waxaa qaldan in eey siyaasdaa carabta iyo Israil dhex gasho. Waxaa qaldan in eey hilmaanto danaha “constituency” dadka doortay eey rabaan.

    Now, furiinka Somaldia aduunka oo dhan wuu ku batay, eedana malahan dumarkeena, in fact, waxaa la dhihi karaa eeda badankood waxaa leh ragga Somaliyeed. Maxaa yeelay, wadankii Somaliya ayeey waxeey ku burburiyeen daanyeernimo iyo qabyaalad iyo qurun, taas oo ka dhigtay dadkeena jilcan sida dumarka, caruurta iyo waayeelka kuwa aad u dhibtooday. Dadka hadii eey dhibtoodaana, qaladaad badan ayaa ka dhaco, maadama eey nugul yahiin.
    Qeeyr ayaan qoyskaan u rajeeyn chapter ka cusub ee noloshooda.

    Dadkiinaana mowduucan ka dhigaya arrima qoys oo gaar ah, isku xishooda. Anniga siyaadadeeda gabadhaan waan kasoo horjeedaa, laakiin, kuma xadgudbi karrana, kamana hadli karro arrimaha u qaaska ah sida caruurteeda. Ixtiraami caruurtaas iyo qoyskaas arrimahooda u gaarka ah.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  12. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    Waan ka xumahay in ILHAAN CUMAR iyo AXMED XIRSI kala tagaan.

    Reer AXMED XIRSI, wuxuu noqon doonaa reer Ba’w yaa ku leh.

    Aniga BARAWAANI ahaan, eeda waxaan saaray, HABARYARTEEY ILHAAN CUMAR. Iyada ayaa reerka burburisay.

    AXMED XIRSI, waa nin qaali ah, oo soomaalinimado iyo islaanimado ku dheertahay. Wuxuuna ka soo jeeda reer wanaagsan oo qaali ku ah SOOMAALIDA oo dhan.

    Aniga AXMED XIRSI ismanaqaan, laakeen, walaalihiisa ayaan aqaan. Waa reer cajeeb ah, oo dhaqan soomaaliyeed leh.

    Sidaan maqlay, AXMED XIRSI, gaari buu wadi jidhay oo lacagta iyo sharafta ay halkaas ku gaadhay, ILAAAH KA SAKOW, waxaa iska lahaa AXMED XIRSI.

    Xataa OLALIHII doorashada waxaa soo qaban qaabiyey AXMED XIRSI..

    AXMED XIRSI, in kastoo uu ka soo jeedo CAYR, hase yeeshee, meel kasta SOOMAALIWEYN waa ka soo galaa. XUDUR, waa reer abtiyaashiish. LAASCAANOOD waa reer ayeeyihiis.

    Xagga caruurta, yaan loo biqin, awalba waxaa gacanta ku haayey AXMED XIRSI.

    ILHAAN CUMAR caruur waxba kama ogeen. Caruurta AABE wanaagsan baa soo bar-baariyey.

    AXMED XIRSI, hablaha ugu wanaagsan mid ka mid ayuu helin.

    ILHAAN CUMAR, baari-weyni miyee ka raacday, ha la arko bal waxeey ku dambeeyso.

    ILAAAHOOW ha i tusin, ILHAAN CUMAR oo dhinac dhinac u soconaysaa.. markii????

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  13. BARAWANI KING says:

    SALAAU CALEEKUM

    MR BAHAL:

    Waryaa adi SOOMAALI WEYN, maxaa ku dhex geliyey.

    Midda kale, HOOYO CAAYDII ma iska daysay. Mar dambi hadii aad hooyo caayo, adeerka LAALAYS, SOOMALILANDER, AARKA HARGEYSA aan kugu dacweynaa???

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  14. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEEKUM

    CADAADO (DABSHID)

    Adi hadba shaati cusub soo qaado.. DABSHID lee kuu naqaan.

    Adi caaydaada iska wado. Waayo, cali beesateen baa tahay.

    WAAYO, walaalnimo kuma qabato.
    WAAYO, diintiina suubani kuam qabato
    WAAYO, qabiilnimo kuma qabato
    WAAYO, Soomaalinimo kuma qabato

    WAAYO, adeerka ba ah:

    == MOORIYAAN CUSMAAN CAATO
    == MOORIYAAN SEERAAR
    == MOORIYAAN INDHA-CADDE
    == MOORIYAAN CAYDIID
    == MOORIYAAN CABDI QAYBDIID
    == MOORIYAAN GOOBAALE

    Soo ma aha, xaaraan in lagula hadlo oo wax laguu sheego.

    Qurub xaaraan ah baa tahay. Meel lagaa qaato ma lihid.

    SOOMAALIDA TIRAAHDA:

    ++++ QORI IYO GAACIIS WAA LA ISLA TUURAA++++

    SOOMAALI WEYN waxeey ku tidhi == UF-UF-UF.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  15. Wadaniboy says:

    Maraykanka. Somali muslimiinta .qabilkeeda. islamka. Ninkeda. Coruurta. Dumarka somali culimda. Gabdha xijiban. Siyasada. Africanka. Carabta. Qurbajoog. Dhaqanka. Labiska. Kudhagan. Ajinabiga la sheegi. Dadka afsomaliga kuhada. Bay meel Uga dhacday waayo. Intas oo dhan waxay kusamaysay khayano xataa galada minisota degan ee doortay. Walidkeed. Xididkeeda qaraabo. Dhamaan. Waa ninkeeda. Lasharfaa waayo dumar somali oo qurbaha tagay. Qaar waxa soo baxay. Ajinabiga madaw iyo cadaan ubah dilay raga somali Markay. Xooga dhaqaalaha helaan. Halaga sheego waxwalba qariba. Oo fadeexad sameeya. Tv caalmka soo istaga iyagoo ragooda ceebayn aya. Waxay uhaystaan inay jano ku galayaan. Ama magac ku helayaan. Hebla gaalraacday iyo helaa isqawisa y.iyo helaa la waraystay. Iyo shirbalaran ka qayb gashay. Allaah. Dadka imtixaan buu kuhayaa ismana oga. 25 way garan gabdha somali ceebeeyay ee kadhigay raqis. Oyo wax bilaa diina. Bilaa dhaqan ah .iyo kuwa cawad ooda banaanka soo dhiga.

  16. Darwiish says:

    Sawirka kore haybada. Islamka. Qurux da. Libiska. Muqaalka. Somalinimo muujimayaa.
    Sawirka hoose. Dad.wax qarsan aya. Qawanaaan. Fool xumo. Qaab daro. Yaa kamuqata qof kii caqli kujiro. Sawirada kore. Isaga jacayl kamuuqato iyada. Qosol aan hoos jirin. Iyo khayano. Mudaan arkay ay. Waligeed waxay uqosli jirtay inay .qosol ay wax khayanay so. Xataa xafladii galkacyo way ka xumayd inuu khudbeeyo. Gadal ilkacadays kawaday. Car yaadawada xafladaa. Qofta an ninka wuu jeclaa iyadaa. Wax u qarsonayeen ileen waligeed waxay rabtay ajinabiga waayo. Sawirkan ninka kale. Iyadaa wax rabta ninka wuu ka xunyahay inuu ninkeeda oo jooga mesha fadhiyo. Umalayn maayo naag somali inuu nin cadaana kuwarayo. Ama mid madoow way kasii tagaan. Markay gudaha arkaan.

  17. Guulwade says:

    35 milon oo samalah oo u hayn waynaa waxay gadoratay nin cadaana. Cadaanka caadi maha reekii dhanaa. Xoogaa lacaga hAli dii congrayska bubur. Taariikh danbe inay yeelan umayln maayo. Waayo 1bilinyan muslima baa yabay. Subxaanalaah. Waa masiibo. Xataa sheekhii boorame baa yaabay wuxuu yiri waligay ismalahayn. Inay xijibka dhigi.

  18. Nabiil says:

    Kkkkkk waa laguuyaqaan waa wadadii ayaan xirsi ay martay bay ku socota naagtii nebi GF a cayday wadadeedi ayey ku socota iyadoo iyadoo ninle in ay gaal raacdo maxay ino sheegaysa wadadii ayaan xirsi diinta waan ka baxay baa ku xigta

  19. leopon says:

    %70 taageeradeedii waxay lumisay Markay taageertay qowmuluudka (gay) somali kaliya maahee caalamka oo dhan siiba dunida muslimka oo Markii hore moodayay xidig soo baxay burburka reerkana waa suurtagal inay Taasi Sabab utahay..

  20. Ali Zubeer says:

    Ayaan darro ka wayn ma jirto in naagtan furriinkeeda mediyaha gayso weliba codsato in ilmaha meel dhexdhexaad ah lagu wada booqdo.

    Ilaan cumar waxay ku khammaaraysaa magaca Islamka iyo Soomaalida.

    Midda ah in ninkan Yuhuudda raacday waa in la iska hubiyaa. Yaan lagu dambaabin.

    Somalidii doortay naagtay waa inay diyaariyaan petition recall ah haddii ay hayaan number kale oo wax dooran kara, una diraan congress nin ka bixi kara congresska haddii uu jiro.

    Umalayn maayo inay congress ku sii jiri karto haddii ay lumiso muslimiinta MN gaar ahaa Soomalida

    viva Somaliwayn
    Down all Somali traitors




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!