Guul Taariikhiya oo Soomaaliya ay maanta ka gaadhay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexe

Muqdisho ( kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hanananka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Nabiil says:

    Mashalaaah alow noo adke dowladayada cadowgeedana canta hoosteda geli iyo adeegayasha cadowga sida damerka ina shakuur




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!