DAAWO: Khudbad Xiiso leh oo Khayre ka Jeediyey Midowga Jarmalka iyo Waxa Somalia ka baran karto

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalintii ay jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan.

HALKAN KA DAAWO VDIEO

October 3, 1990, ayaa jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen dowaldda federaalka Jarmalka, waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa gudaha dalka Germany iyo safaaradaha ay adduunyada ku leeyahay, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu Jarmalka ugu hambalyeeyey soddonka sano oo midnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adagtahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gubo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Dowladaha Soomaaliya ayaa xidhiidh iyo iskaasho xooggan oo soo jireen waxa ay la leedahay dowladda Germany oo kamid deeq bixiyaasha taageera dowladda, sidoo kalana dalkeeda kusoo dhaweysay kumannaan qoysas Soomaaliyeed ah oo dalka ka tegay xilligii ay xumeyd.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 22)

  1. Laalays says:

    kkk

    Khudbad qiimo leh, Khudbad cajiiba, bla,bla,bla!kkk

    Bal meel hakaga waramo maamulkii Galmudug oo inta la xaqiijay burburintiisa $5 milyan uu ku bixiyay. Isagoo kale midaw inuu ka hadlo maaha.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Kani caqli Xumada wuxuu ku darsaday Xaasidnimo ILAAHOW RABBIYOW shartiisa na hareer mari. °Tolow Somali iska Daaye mala hubaa inuu Islaamnimo sheegto? °Sharttisu XIJAABAN. WBT

  2. Guulwade says:

    Cadanka. Madawga. Amison. Africa. Waan istusi karaa dhamaan somali. Jegaanta muqfsho puntlabd galmudug. Laakiin gudaha waxa kajira laandhere iyi gaalo jacayl heeso faan been suut tay .shirar. din isu dagaal dib u heshiis iin kayano looma dhanna. Dawlad lawada leeyahay cali Khaliif halqabsi. Xasn sheekh kismaayo maxaa kajira. Sheekh shariif kismaayo maxa kajira waa Meshii uu maxaakiimtii Uga cararay kk

  3. Nabiil says:

    Mashalaah rasalwasare nojoog oo na hogaami dalkaga iyo dadkaguba waa kuu mahad naqayaan shaqadada iyo kartidada iyo cod karnimadadaba ilaahay haydinka qabto cadowga gudaha iyo cadowga dibadaba aad baanu hadaanu nahay inta wanaga jecel iyo horumarka aanu ula dhacsanahay howshaad umada uhaysan ALLE HAYDINL garab galo AAAMIIN

  4. Nabiil says:

    Laaleys
    Waad ka xuntahay nolosha iyo horumarka koonfurka hanaqaaday xaasid baatahay horumarka waxaad tahay faysal cali waraabe 2 hadad isaaq tihiin waad ka xuntin guusha dowlada somaliyed adiga galmudug iyo kismaanyo midna howl idiin talmaha tiina kahadla iyo halkaad aduunka karaci lahaydeen

  5. farxiyo says:

    Reysalwasaare.
    Maxaa inaga Haley jarmal midoobey,inagiiba midba jiho u jedaa.
    @laaleys Dee markaad midnimo maqasho baad higootaa.
    Maafish ictiraaf.

  6. farxiyo says:

    Sixid
    Haley== galey

  7. mingistume soo Dag says:

    Maxaa horyaallo ra’iisul wasaaraha
    Xaafada Dayniile…..(Xasan khayre)?…
    ——————————————
    Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah la siiyo xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre.
    ————————————-

  8. xaange says:

    “Maxaa iiga gidhiisha Jarmal iiga gidhiishoo
    Europe iiga gidhiisoo maraykan iiga gidhiishoo
    Ha goosteen gargaarkooda
    Ma gaajaan arakayaa
    Garweyntaan inta qaato
    Maan dhulkayga garaacdo
    Gocoso kol aan ka helana”

  9. xaange says:

    Bal maxaa ka qusaaye Jarmal?
    Ummad ka waalan weligey ma arag.
    Meel caalamka laga xusayo waxan ay ka hadlayaan ma arag.
    Waa dad la yaab leh soomaalidu kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Xaange adeer, waxaan malaynay inaad intaa dhaantee U Degtayaa Dabaqi hoose ee LAALAYS!!!. °Adeer kolba Dagaal daba dheeraan baa naga dhexeeye is ururi Waa maxay?; “Bal maxaa ka qusaaye Jarmal?” haddaba ma Qalloocan geel Meyracan baa laga hadlilahaa Mise waalaalo kala maqnaa dibu-midowgood?. °Xaangow, kuwo badan oo barxadda Kalshaale.ca ka booda baad dhaantaaye ee adigu hays jillaafin. °Sammi ka gabo tafaasha. °Adeer geel ma raacday abidkaa? Tafaal waxaa la yiraa LAANTA jilcaan ee neefka aad daba socoto kugu soo daayo/sayro. WBT

  10. Dabshid says:

    Anigu sifiican uma fahmine

    Madaxweyne Kheyre ( sorry Rasalwasaare Kheyre ) ma wuxuu Xaflad u dhigey Germany mise Safaarad Germany leedahay ayaa Xamar Xaflad ku qabatey.

    Shaqo la’aanta ayaa u keentay Axsan inuu Dhalinyarada Banooni kula soo dheelo BEERTA NABADDA. MARKII UGU HOREYSAY OO XAMAR banooni lagu dheelo.

  11. Garqaad says:

    Hhhhhhh.

    Kawarama kuwa xuso qowmiyadaha itoobiya.

    Malaha kuwaas walbo riyaaqi lahaa.

  12. Dabshid says:

    Garqaad

    Maanta Duq Finish Xaflad ayuu dhigtee miyaad wacday,

    Ninka wac oo Tabliiqi

  13. Garqaad says:

    Dabshid.

    Markii la magacaabay ayaan u hambalyeeyay. Laakiin kadib lama hadal. Waayoo nin la keenay rejada aan ka leeyahay ayaa iska yar tahay.

    Imaam midna waan kugu darayaa. Yarisoow waa ka xaniinya badan yahay.

    Berigii yarisoow waxaa degmooyinka xamar lagu abuuray dad loogu magac daray wadanayiinta farmaajo. Oo si toos ah madaxtoyada hoos tago. Dadkaasu wey ka amar sareyeen gudoomiyaha degmada.

    Cumar finish dadkaas waa diiday waana wax yaabaha ilaa hadda la isku haayo.

    Alla maxaan wariiri farqaha gashanay.

  14. Jabhad says:

    Qabyalda waa waxaad dalkiini ku dumiseen waaa

    Waxa idin baday inay qadadwayntii AMISOM idin

    Ilaaliso qabyalada waxay idin baday inaad kenya iyo

    Kuukuyo diyarad ay ku jebinayso sharciga dalkiina

    Aad inta nairobi tagtan iska soo buxisan war hooy

    Somalaay waad saqideen ee is daba qabta yaa

    Xukumi kara dad wada qabysladiste ah oo hadana

    Wada jaajuusin ah war ama dalka badbaadsada

    Ama ha la idiin badbadiyee adeeca dowladiina

  15. Dabshid says:

    Garqaad

    Kkkkk. WARIIRI

    Feysal Waraabe wuxuu dhahey –
    Wariiri maryahaa lagu dilaa, haddii kale kolba meel ayuu kaa qaniini.

    @ Adeer Ahmed Somali ayaa u xabaaqsan Guddoomiyeyaasha Xamar noogu qeybiya 4.5
    Si uu wiil uga keensado BUUHOODLE

    – Ama KUDARSO ama KADARSO.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      HABOOW, Dabshid WAAD ku mahadsantahay inaad na soo xusuusiday AWOOD qaysiga CAASIMADDA weliba waxaan ka codsan G/domiye Cumar Finish inuu si degdega uu degmada Hodan u magacaabo Ruux Isaaqa-Dhulbahante-Gadabuursi mikood, Shingaani Reer Xamar, CadiCasiis Jaaji (farsamo cay ma aha-iskaashato), Dayniile Murusade, Xamar Jajab MJ, Xamar Weyne reer Mattaan INTA kale siday beeluhu ugu kala badanyihiin ma aqaan (dabaday wax badan baa iska bedele). °Jaalle Cumar, WAA soo dedejin isku dumid Ummada Somali ee LA TASHO laakiin haw xirnaan Farmaajo/Khayre. °§*Doc ka yeerti Barxadda ma joogaan MISE Annagaa fiican bay weli ku jiraan?. °Kuwii gubadlaha looga guuray iga DHEH!. WBT

  16. Dabshid says:

    Jabhad

    Kkkkk

    Sxb GOORMUU DENI XAMAR TAGI.

    * Yaa eedeeyay dadkale iyo jeeb kale

  17. farxiyo says:

    Dabshid iyo garqaad.
    Waxad u xuubsiibateen cuqdad iyo naceyb ad u qabtaan daarood,balse cid aad waxyeeli kartaan ma jirto.
    24/7, sun baad qaybineysaan.
    Waanu idin eegaynaa habarwacashada,iyo tolaa’layda,halkaad Ku gaadhaan.

  18. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Daanyeer ra’iisalwasaare Kheeyre, tuug Wardhiigleey mooska ka xadi jirray sia uu land of punt dhahay. In uu ninkaan weeyn daanyeer yahay bal arka waxa uu waqtiga ku dhuminaya. Daanyeerkaan iyo kuwa badan oo Somalida horbooda caqligooga iyo camal la’aantooda waxyaabahaan oo kale ayaa noo sheegaya in eey daanyeero yahiin.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!