MUUQAAL: Boqorka Sucuudiga oo ka hadlay Weerarkii Badhida Dhulka ugu dhuftay dalkiisa

Laascaanod ( Kalshaale ) Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray “weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma aysan yaboohin wax caddeymo ah oo taageereeya sheegashadeeda.

Hadalka boqorka ayaa waafaqsan kii madaxweynaha Donald Trump uu isniintii ku sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay weerarka.

Golaha wasiirada Sacuudiga ayaa sheegay in weerkii sabtidii uu halis geliyey ammaanka dunida iyo qeybinta tamarta dunida.

Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka.

Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.

“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yiri. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NuurkaNederland says:

    WE ARE SUNNI,BUT,WE ARE IRAN.
    ‘MAANDHOOW CAYAAYIRKA IGA DHAAF CARABI WAA NAAGE’.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!