Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha geystey ee ay Alshabaab ka fuliyeen degaanka Gololeey ee Gobolka Shabeellaha dhexe, Wuxuunta tacsi u diray Ehellada askartii ka socotay Burundi ee ku dhintay weerarka.

Musa ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uusan niyad jebineynin weerarrada noocaas ah sidoo kalena aysan ka jeesan doonin taageerada dowladda Soomaaliya ilaa ay Soomaaliya nabad ka noqoto.

Musa Faki Maxamed ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay ka qeybqaataan islamarkaana xoojiyaan taageeradooda AMISOM si looga adkaado A-shabaab.

Waxaa uu sheegay in taageero muuqata laga doonayo Alshabaab oo uu sheegay in ay sare u qaadeen howlgalladooda ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Mr Faki ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Burundi oo ay Ciidamadeeda ku jiraan howlgalka isaga oo ku tilmaamay in howlgal naf hurnimo leh u joogaan Dalka Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa qiratay in sabtigii todobaadkan 12 Askari uga dhinteen weerar ay AL-shabaab ku qaadeen kolonyo ka mid ahaa Ciidanka Burundi oo marayay tuulada Gololey ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!