Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?

Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October uu ka dhaco shirka heerka sare ee daneeyayaasha Soomaaliya, Dowladda Federaalka ah iyo maamulada xubnaha ka ah.

Shirkan oo Sanadle ah waxaa looga hadlayaa waxyaabaha u qabsoomay Dowladda Federaalka ah sanadkii la soo dhaafay iyo ajendaha iyo Qorshe howleedka sanadka soo socda.

Su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo ayaa ah cidda Maamul Goboleedka Jubaland ku matali doonta shirka Heerka sare ee Somali Partnership Forum.

Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Jubaland ayaa xilligan aad u kala fog,waxaana arrintaasi ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe ee dhacday 22kii August sanadkan, Iyadoo sidoo kale lala doortay Laba Madaxwayne oo kale.

Doorashadaas waxaa natiijadeeda waxba kama jiraan ka soo qaadday DF Soomaaliya oo sheegtay in ay ahayd mid aan loo dhameyn.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa iyaduna sheegtay in doorashada ka dhacday Magaalada Kismaayo ahayd mid aan loo marin habraaca saxda ah ee doorashada waxaana ay ku baaqday in la qabto doorasho loo dhanyahay.

Intaas kaddib dowladda Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Jubaland ku soo rogtay xayiraad dhinaca diyaaradaha ah oo waxaa ay Laanta socdaalku sheegtay in diyaaradaha tagaya Kismaayo ama ka baxaya ay qasab tahay in ay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Fulinta go’aankaas waxaa ku gacan galay Wasiirkii amniga Jubaland C/Rashiid Janan, kaas oo Ciidanka Boolisku ay ku xireen Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Booliska ayaa wasiir Janan ku eedeeyay dambiyo dhimaba Bani’adanimada ah oo uu galay,waxaana xariggiisa soo dhaweyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International.

Haddaba yuu noqonayaa qofka Jubaland ku matalaya shirka heerka sare ee Soomaaliya ee ka dhacaya Muqdisho, mise Jubaland oo ka maqan ayaa la qaban doonaa?

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Mr BaHaL says:

    Inkasta oo ayna Somalidu dhaqan u lahayn dawladnimada,hadana wixii yaraa ee ay barteen guumaystah way iska iloobeen oo waxay dib ugu noqdeen dhaqankodii cawaanka ahaa ee dilka iyo dhaca fasaxayay.

    Way ku saaqideen inay wax ka bartaan Gaalkii muuda dheer maamulayay dhulkooda.

    Haatan,Oday Axmed wuxuu ku dagaalamayaa Kismaayo.Inuu xoog ku haysto ayuu rabaa kkk
    Kismaayo ma aha hanti aad leedahay.Waa dhul dadka degaanka ka dhexeeya.Ninka ay rabaan ha doortaan iska soco ayuu garanwaayay.

    Waayo?

    Dawladnimada ayuuna fahansanayn.Waxaa dhcikarta in Axmed Madoobe la xidho oo dambiyo lagu soo oogo.

    Waar dadkan Somaliyeed waa in la baraa faraqa u dhxeeya waxa uu iska leeyahay iyo waxa aanu isagu lahayn.Haa iyo maya.

    In lagu qanco ama aad qanacdid hadii lagu yidhaa,maya.Oday wayn oo qorista,wata ciidan Mooryaan waa wax laga yaabo.

    Waar Odaygu muu iska nasto maxaa wareeriyay?

    Waa lagu maqan yahay in la soo qabto.
    Dalmida

  2. Ali Zubeer says:

    Waa in Murashaxiiinta oo dhan ay matalaan Jubbaland ama kursigeeda bannaanaada

    kkkkkkkkkkkkk

    Kaftan.com

    LOP

    Waxaan cisho dhowayd arkayay adigoo leh Suldaan Ali Zubeer wuxuu rabaa inuu dhiigga ummadda ku daadiyo mucaaridnimada Axmad Dhuxulayste

    LOP waad ogtahay inuu Suldaanku qabiil ka xoroobay oo dhiigga ummadda daadinteed marnaba oggolaan karin.

    Keliya ninka Dhuxulayste inaan dhaafinno weeye Jubbaland ee Daaroodnimada ka daaya dibjirkan dhuxulayste doonaya inuu xasuuqo masaakiinta askarta u ah.

    Mayla socotaa jaalle

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




Ciidanka Danab oo Gacanta ku dhigay Xubno Shabaab ah iyo Howlgalo ay Qaadeen
- Feb 23, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamo ka tirsan kuwa kumaan dhooska dowlada ee Danab ayaa ...
DAAWO: Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka hadlay Dheeman ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada Amniga DFS
- Feb 23, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka hadlay Dheeman ay Gacanta ku dhigeen ...
XOG CUSUB+AKHRISO: Turkiga oo shaaciyey Heshiis 5-Sanno ah oo lagu Sahaminayo Khayraadka Soomaliya
- Feb 23, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Turkiga oo xidhiidh dhow la leh Soomaaliya waxa ay dadaal ...
Dawladda Itoobiya oo War Cusub kasoo Saartay Raaligelintii MD. Farmaajo ee Somaliland
- Feb 23, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee ...
Axmed Madoobe oo Bilaabay Qorshe uu kaga Hortegayo Dhaq-dhaqaa Ciidamada DFS
- Feb 23, 2020
Dhoobley ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!