DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya

Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ah ku yeeshay caasimada Turkiga ee Ankara ayaa sheegay inay ku heshiiyeen dadar gelinta xali u helida dagaalka ka socda wadanka Siiriya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayey ayaa ahaa sidii loo dhisi lahaa Guddiga Dib u qorista Dastuurka Siiriya oo ay horey isugu khilaafeen sadexdan dowladooda oo kala taageera Xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad iyo kooxaha mucaaridka Siiriya.

Ruushka iyo Iran oo taageera Bashar Al Assad ayaa ogolaaday in guddigan qori doona Dastuurka ay ka koobnaadaan xubno ay soo xuleen dowlada Bashar Al Assad iyo xoogaga Mucaaridka ah oo iyagu taageerada ka helaya Turkiga.

Qodobkan ayaa ah mid caqabad ku noqday inay sii socdaan shirarkii ka socday magaalada Geneva ee lagu dhex dhexaadinayey Dowlada Bashar Al Assad iyo Mucaaridka, sida uu sheegay Madaxweynaha Ruushka Putin.

Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa dhankiisa sheegay in uu rajeenayo in doorasho guud ay ka dhacdo dalka Siiriya sanadka soo socda 2020 ama 2021.

Sadexdan dowladooda ayaa shirkoodan ahaa kii shanaad oo ay ka yeeshaan xaalada dalka Siiriya, waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la qaboojiyo dagaalada ka socday gobalka Idlib oo ah gobalka ugu danbeeyey oo ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka, gobalkaasi ayey bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ka dhaceen dagaalo waaweyn.

Turkiga ayaa olole xoogan ugu jira in la xasiliyo gobalada Siiriya ee saaran xadka ay dalkaasi la wadaagaan si mustaqbalka dhaw ay halkaasi xeryo uga dhisto dadka qaxootiga ah ee reer Siiriya oo culeys weyn ku haya, halka dhinaca kale ay dooneyso in ay xaduudeeda ka fogeyso xoogaga Kurdida Siiriya ee taageerada ka hela Maraykanka.

Ruushka iyo Iran ayaa iyaguna doonaya in dalka Siiriya laga saaro ciidamada Maraykanka oo gacan militari siinaya xoogaga Kurdida Waqooyiga Siiriya kuwaasi oo la dagaalamaya kooxda Daacish iyo waliba ciidamada dowlada Bashar Al Assad.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. NuurkaNederland says:

    SAAMAYNTA MARAYKAN EE BARIGA DHEXE BAY ISKA KAASHADAAN,SUURIYANA WAA GAROONKII CIYAARRTA SIYAASADEED POLITICAL GAME.




SAWIRRO+VIDEO: Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Dhuusamareeb
- Feb 16, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ...
Gudoomiyaha Golaha Guurtida S.land oo Xaqiijiyey Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa [Muuqaal]
- Feb 16, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay ...
Xasan Daahir Aways oo Ka hadlay Go’aankii Madaxwayne Farmaajo ee Raalligelinta Somaliland !
- Feb 16, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah Muqdisho ...
MUUQAAL: Kaftanka Siyaasadda, Go’aankii Puntland, Gedo, Kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo Arimo Xiiso leh
- Feb 16, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Kaftanka Siyaasadda oo Arimo Xiiso leh lagu soo qaatay ...
Maxaa kasoo Kordhay Wadahadalkii u dhexeeyay Dalka Qatar iyo Sucuudiga oo Xayiraad saaray ?
- Feb 16, 2020
Doha ( Kalshaale ) Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Dalka Qatar ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!