Kenya oo War Cusub kasoo Saartay Muranka Badda Soomaaliya

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay wadahadal kula dhameyneyso Soomaaliya muranka dhinaca Badda ah ee ay Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa shalay magaalada Nairobi uga dhawaaqday in ay rajo weyn ka qabaan in muranka labada dal u dhaxeeya lagu dhameeyo meel aan ahayn Maxkamadda ICJ.

Hadalka Monica Juma ayaa ku soo aadaya todobaad kaddib markii Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay dhegeysiga kiiskan oo la dhegeysan lahaa 9kii Bishan shalayna la soo gaba gabeyn lahaa.

Dowladda Kenya ayaa xoog badan isugu geysay sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkamadda ICJ ahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana ku adkeysatay in meel aan Maxkamadda ahayn aysan ku qanacsaneyn.

Kenya ayaa dalbatay in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo kiiska Badda dhegeysigiisa, taas dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diidday,waxaana Maxkamadda ICJ qaadatay go’aan u gaar ah iyada oo dib u dhigtay muddo 2 bilood ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay in dhegeysiga kiiskaan ku beeganyahay 4ta Bisha November,waxaana la soo gaba gabeynayaa 8dda bishan Novermber.

Baarlamaanka Kenya ayaa dhawaan gudbiyay mooshin ciidan lagu geynayo biyaha Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso.

Baarlamaanka Soomaaliya xubmo ka mid ah ayaa iyana ku dhawaaqay in ay mooshin kaas la mid ah gudbinayaan marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka 27ka Bishan September.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. RAAMALEEY says:

    Hamoodina INAY kiinya soo debecday WAA gal gal siyasadeed OO hor leh ? KOW waxay katahay Khudbada haweenaydan MAANTA Cusub WAA talo gelyooyinkii ay Deg dega uga Heshay saaxiibada Keenya EE shisheeye iyo Kuwii sokeeye EE dawladii GFG iyo shirkadihii Shiidaalka EE Doonayey INAY Nuugaan ceelashaas maxay Adiga kulatahay all my brothers Somali wadani

  2. NuurkaNederland says:

    WAR DAANYEERADAAN MADOW WAXAY RABBTAA IFISO,TRESSO,&CASHARADII AANU BIXIN JIREY 1977-78.MA SAWAXILI BAA MAANTA BADDEENII INAGULA MURMAYA…ADUUNYO..WIXII DHIIG LAHOOW KACA WALAHAY BARQAYNU NAIROBI QABSAN KARNAA INAGOO AK47 SIDANA & KENYAATIGOO KAARAYAAL SAARAN…
    NFD WE NEVER FOR GET!!.




MUUQAAL: Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo soo Muuqday
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo ...
Daawo: Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey “Muqdisho 2019 Guryo lagu kala haysan maayo”
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey "Muqdisho 2019 Guryo lagu kala ...
DHEGAYSO: Puntland oo War Cusub kasoo saartay Ciidankii Galay Boosaaso iyo Sida looga saaray [Waraysi]
- Nov 17, 2019
Garoowe  ( Kalshaale )  Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso ...
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si adag uga Hadlay Hadalkii Sheikh Shariif iyo Xaalada Soomaaliya
- Nov 17, 2019
Qaahira ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay sida ...
MUUQAAL: Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan
- Nov 17, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!