Cumar Filish oo la Kulmay Xubno ku Caanbaxay Maqaam Raadinta Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada uu la kulmay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu kamid ahaa Cabdiqaadir Cosoble ayaa ku caan baxay raadinta Maqaam gaar ah ee yeelato magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo siyaasiyiinta ayaana la shaacin waxyaabihii looga hadlay, waxaana xubno ka qeyb galay kulanka laga soo xigtay in uu ahaa mid iswareysi ah sidoo kale wax la iska weediiyay sida lagu heli karo Maqaamka Muqdisho.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadira ayaa la sheegay in Siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in kulamo kale yeelan doonaan iminkana uusan ka hadlin karin maqaamka Muqdisho iyo arimo la xadhiidha maadaama uu wali cusub yahay.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble iyo Xildhibaanada wehliyay qaarkood ayaa dadaal badan ugu jira in magaalada Muqdisho yeelato Maqaam gaar ah , waxaana raadinta Maqaamka Muqdisho soo socotay sanado badan iyadoona aysan wali suurto galin arintaasi.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u Arka in magaalada Muqdisho ay Haysato Caasimadii dalka oo wax ka mudan oo magaalo hesho aanu Jirin, Sidoo kale ay ka Howlgalaan dhamaan Xarumuhiii Dawladda, Hay’adii oo kal duwan iyo Safaraadihii Caalamka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Garqaad says:

    Warka toosi. Wuxuu la kulmay dadkii raadinaayay xuquuqda dadka lagu Wada dul nool yahay.

    Horta kalshaale yaa qoro.

    Marmar ayaan isdhahaa MA axmed somali. Iyo jabhad ayaa jabsaday.

    • Mo says:

      Garqaad

      Waxaad tahay ma gudbe jaahil ah oon fahamsanayn
      magaalo madax micnaheeda.

      waxaan ku talin lahaa in caasimadda laga wareejiyo muqdisho oo magaalo kale oo laysku raacsan yahay laga dhigo, haddii la doono magaalo cusub la dhiso sida dalal badani sameeyeen. kadibna daayeeradan ku qarwaya maqaamka la yiraa wataase orda oo xaarka iskaga tira oo dammeeraha ku xeraysta.

      fucking morons.

  2. Mr BaHaL says:

    Kuwani waa Alshabaab.Waa kuwa hoobiyaha ku soo rida Madaxtooyada.

    Hadayna alshabaab ahayn waxay ka hadlilahaaeen sidii magaalada nabad looga dhigilahaa.

    Maqaamka Muqdisho ayaa wata Alshabaab.

    Waa qaab ay alshabaab dadka iyo dawlada iskaga hurkeento.

    Qaabka labaadna e ay Alshaab adeegsataana sidatan:,”Cashuurtii Muqdisho ayaa lagu wada noolyahay”.

    “Meel kale cashuur lagama keeno”.

    Labadaa qaab ayay alshabaab adeegsadaan si dawlada loogu kaco.

    Reer Muqdisho waa inay dhagax ku dilaan dadkan maalinba waji u soo xidha oo nolsha u diiday 30 kii sano ee u dambeeyay.

    Dalmida

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Garqaad adeer, been kudu sheegimaaye qosolki aan qoslay SIGAARKINE ku sixday. °Adeer dadkaan moriyaanta-Jaahilinta WAXAAD ku tira; “Maqaamka Xamar Dastuurki 1961di ayyuu ku cadyahe Doonta. WBT

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    LOP SAAXIB, 1967di waxaan damcay inaan Bug ka qoro tariikhda Somali Maadaama AAN ku qanciwaayay sheekada AFKA laysigu gudbio. °§*Nin sahay U sitay sarar aan dhamman oo Doon sabbaynaysa watay baa ka soo degay xeebaha Waqooyi. °Wuxuu degay Meel uu degganaa qooys ka kooban; oday (Dir) Wiil (Hawiye) iyo Gabar Doombiro (Dad kale baabah?). °Gabadha waxaa dhalay Dir, Wiilka yaa dhalay? Adba. °Ninki Badmaaxa ahaa Aaqirki wuxuu guursaday gabadhi Doombiro. °Waxay u dhashay; Kablalax, Ciise, Sade, Laylkase iyo Awrtable. °LOP saaxib, waxaan aamin-sanahay inaysan Barxadda Kalshaale soo gelin Cid iga Dà weyn ANNA sidaa baan maqli jiray ilaa carruur-nimadaydi mana Aamininin mana rumaysan . °Saaxib anigu waxaan qabaa inay Laba mid tahay. °1.INAAN nahay Dadkii ugu horreey ee degganaa Bariga Afrika; Yaman, Masar, Suudaan, Eritreya iyo Somalia intuu dhulku isku dheggana. °2. INAAN nahay ummad laga gòoyay ama ka gòday dhulkaan loo yaqaan Arabiya. °LOP saaxib ummaddaan ka hadla waa; Suudaan Subxeed, Eritreya, Itobiya iyo Somalia oo aan qabo inay hal qowmiyad yihiin. °§*=°§*LOP saaxib Irir iyo Daarood waa LABA sanam oo dadka lagu shaqshaqdo Hadduu mid jiro kan kalana waa jira. °LOP saaxib, 1986?/1987?/1988? mid kood BAY Maamada carruurta i weydiisay Lacag WAXAAN iri Maxaad ku fali? waxay tiri awoowe baa lagu xusi. *Markaan arrinteedi u yeelay baan saxibaday arrinti u sheegay WAXAY igu dheheen waan la soconaa. °Waxaan goosanay inaan baajino durbaanka Qabiil. °Waxaan yeelnay Hoteladi ugu waaweyna Xamar; Jubba, Taleex, Shabeelle, Las Vegas iyo kiwi kalaba intoon ku wareegnay ayyaan iska dhigna dad sheekaysana Annagoo ku dadaalayna inay dhega kalana na maqlaan waxaan LEENAHAY; “WAR ma maqasheen waxa ka dhacay Ceelbuur?” Maye maxaa dhacay? Nin macallim dugsi ah ayyaa yiri; Anoo gurigayga u socda ayyaa waxaa iga horyimid nin dhuuban (xayeesiya) oo boor miirana oo Qayd kaliya guntan. °Markaan salaanti Muslimba is dhaafsanay Ayyaan iri ADEER rafaad baa kaa muuqde Maxaan kuu qabta?. °Wuxuu yiri Anigu waxaan ahay Hawiye ee waxaad faracayga u sheegta inay i dayyaceen oo aysan i soo siyaaran. °Wadaadki dhexduu duubtay oo magaaladi Ceelbuur dhexgalay oo dadki wada gaarsiiyay wuxuu la kulmay. °§*Filimki aan dhignay markuu Magaaladi XAMAR galay! Siyaaradi Daaroodna waa la baajiyay. °War Xaangow, Cadaadow, Zakiyow ANNAGU dad lakala fogaynay ayyaan daawo u heelne Idinku meel hoose iyo TOOQ qabiil ku jira. WBT

  5. Garqaad says:

    Axmed somali.

    80 jir sigaara cabo. Qaadkana cuno. Sidaana wax u qoro MA dhabaa.

    Ilaahey cafimaadka haku siiyo. Lafweyn in aad tahay ayaan marqaati ka ahay.

    Adeer hadii dastuur yahay kii 1960kii dood iyo dacwo jiri meyso. Laakiin hadii dalku federaal yahay. Waa in gobal walbo xuquuqdiisa qaataa.

  6. Cadaado says:

    Garqaad,
    Adiga waad u duceeyn odaygaan Ahmed Somali, annigana waxaan dhihi “no comment” about 80 jir +Qaad + Sigaar!
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Sheikh Umal oo Kulan Balaadhan kula Hadlaya Shacabka Muqdiso iyo Dad kasoo Horjeestay !
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh  Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ...
MUUQAAL: Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii Gaalkacyo oo Xukun lagu riday
- Nov 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Waxaa Xukun lagu riday Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii ...
Daawo Muuqaal: Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
- Nov 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
MUUQAAL: Taliyaha ciidanka Booliska oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman [Daawo]
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maalintii shalay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay ...
Axmed Xuseen oo Mar kale kasoo Muuqday Golaha Wasiirada ee dalka Canada
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!