C.rashiid XIDIG oo Weerarkii Qalyar La Xidhiidhiyey Hadalkuu Sheegay Axmed Madoobe Maalin ka Hor !

Kismaayo ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah Madaxwayeyaashii Jubbaland ee Kismaayo lagu doortay ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland.

“Bismilaah:  Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland:

Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismaayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo:

Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa:

Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac:

Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin:

Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka:

Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada:

Amaana Alaah:

Xidig – Kismayo

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 19)

  1. Ali Zubeer says:

    Asa akhyaarta

    Shaki kuma jiro in toogashada guddoomiyaha iyo hadalkii calaacalka ahaa ee Axmad Dhuxulayste xidhiidh rasmi ah ama toos ka dhaxeeyaan.

    Dhuxulayste inta dadka dilo ayuu ku dul baroortaa.

    Si kastaba dhuxulayste waa in laga hortagaa inta uusan xasuuqin dad kale oo waxba galabsan.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Garqaad says:

    Ali zubeer asc.

    Eboow axmed madoobe. kismaayo waa baneystay. Hadalkiisii ahaa waxbaan dili donaana waa ka dhabeeyay. Marka dadka yaan la sirin. Axmed Alla how meceeyo. Faraha halooga qaado.

  3. Ali Zubeer says:

    Wcs bro Garqaad

    Ciyaar waa gelin dambe ayay Soomaalidu tidhaa. Suldaanku ninkan waxa uu yahay horaan u sheegay. Imminka dagaal sokeeye ayuu doonahayaa isaga oo Kenyaantiga ku gabbanaya.

    Daanyeernimo ka wayn ma jirto haddii Dhuxulayste waxba laga qaban waayo..

    Qarannimada Soomaaliya halis bay ku jirtay hore imminka way sii ballaadhatay waayo maamulladii Iidoor, Hgidir, iyo dhabayaco ayaa khaati laga tagnaa imminka waa cagdheer oo cunaysa calankii Soomaaliya.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

    • Mo says:

      Ali Zubeer

      Axmed madoobe wax badan buu u qabtay jubbaland, laakiin waxaan aaminsanahay meesha hadda ay taagantahay in uusan dhaafin karin oo ay fiicnaan lahayd in nin aqoon leh oo meesha ka sii ambaqaada la doorto, laakiin su’aashu waxaa weeye nin aqoon iyo karti lihi ma isa soo sharraxay? aniga jawaabteydu waa maya, waxa meesha yaacayey waa, xidig oo basaas tigree ahaa, seeraar oo lacag ka soo qaatay farmaajo, ciilmooge oo doqon cowka cuna ah, 3daas nin oo uu Farmaajo dhabarka ka soo taabtay oo yiri orda oo jubbaland dab ku shida, midna laguma doorsan karo madoobe.

      marka inta nin u qalma hoggaanka jubbaland laga heleyo, axmed madoobaa madaxweyne ah.

  4. farxiyo says:

    Akhyaarta reer kalshaale waad salaaman yihiin dhamaantiin.
    Allow sahal amuuraha.

  5. Garqaad says:

    Farxiyo gobeey.

    Waa lagaa qaaday.

    War heedhe wadaadkii miyaa gacmaha kaa xiray farxiyooy waxaani wax ka badane hhh

    Soo laabasho wacan.

  6. Mr BaHaL says:

    Horta runti waxan xasuustay hadalkii Axmed Madoobe ayaan dhawyd,kaasi oo ahaa’talaabo ayaan qaadayaa.Waliba calacaal iyo cadho ka muuqtay.

    Dilkan wuxu badan yahay inuu isagu fuliyay.

    Dalmida

  7. Land of Punt says:

    Kismaayo waxaa bilaabmay in shacabka la isku diro.
    Waana la ogyahay.
    https://www.puntlandi.com/?p=14536

  8. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Aniga LOP waa kusoo dhaweeyey.

  9. Kalsame says:

    Car yaa isoo eega oon dhiman bay maraysaa. Xiddigoow lafahaaga meesha kala carar, wayga talo, is-beddellayne.

  10. Xaange says:

    Danta laga lahaa in odaygaa la toogo ayaa ahaa in Axmed Madoobe lala xiriiriyo falkaa iyo hadal uu dhawaan jeediyey.Laakiin waxaa hubaal ah in falkan,dilal ka horeeyey iyo qarixii in hal meel laga soo maleegay. Shabaab ha ku shegaan ama iyagu toos ha uga dambeeyeene falalkan waxaa laga soo agaasimaa Vila Wardhiigley.Danta laha leeyahay waa in bulshada halkaa ku nool iyo maamulka la iska horkeeno.

  11. Land of Punt says:

    Cali Zubeer
    War nin yahow xishood, Ahmed Madoobe haddii la doortay waa in aqbasho hadaad xiraa cadaalad daro in lagu doortay u aragto.
    Ka shaqee sidii marka kale u soo noqon Ahmed Madoobe, laakiin colaad in la abaabulo oo la isku dayo in xoog lagu maquuniyo, qiyaas waxa ku xiga, sow asagana dagaalami maayo.
    In reer Kismaayo tahay ayaad sheegataa, hadana in Kismaayo dunto oo dhiig daato ayaad ka shaqaynaysaa.
    Miyaadan qof muslim ah ahayn, Maxaad colaad u hurinaysaa.
    Ahmed Madoobe waa bixin sooner or later with in 5 years laakiin civil war takes long time to recover and many dead bodies.
    Dadka qaar aqliga ma futada ayuu uga jiraa, kollay madaxa ugama jiro.
    Yaab…

  12. Xaange says:

    Farxiyo Garaadadii shankaroonta ahayd haddaad tahay waan ku salaamayaa.Soo dhawoow ina adeer

  13. Land of Punt says:

    Kismaayo marar badan ayaa qoloba Mareexaan kusoo duushay oo dad badan maalaayacni loo laayey.
    Markaan in lagu kala adkaaday u egtahay oo Ahmed Madoobe nidaam kusoo celin rabo.
    Kismaayo in lagu wada noolaado maxaa diidayo oo noqoto Metro politan, macnaha Magaalo la isku dhex jiro, sida Mombassa oo deris la ah.
    Hal qabiil meel uu degen yahay ma magaalaa haddii xitaa looga tago?
    Allow dadkaaga aqli sii.🙄
    Maryooley daanyeer.

  14. Mr BaHaL says:

    Waa yaab in la yidhaa Kismaayo ayuu maamul ka jiraa.

    Degaanka waxaa ka jira fawdo.Alshabaab,Ciidanka Kenya,Ciidanka Ethopiya,Axmed Madoobe,Qabiilo isku maqan,Mareexaan iyo Ogaadeen isdiidan iyo qawlasato kala dano ah.

    Qofka ku doodaya Axmed Madoobe ayaa laga soo horjeedaa,waa mid isaga u taala.

    Jubaland ama Kismayo maaha hanti uu qof iska leeyahay.waxaa xaraan inuu qof xoog ku noqdo horjooge Tulo ama magaalo.

    Qofkii xoog wax ku raadiya ee raba inuu xoog Madaxwayne ku noqdo waa Dambiile.

    Inta la helayo dawlad Somaliyeed sidaa ayay dadka Somaliyeed u dhimandoonaan.

    Dalmida

  15. Land of Punt says:

    I mean
    Kismaayo marar badan ayaa qoloba mar kusoo duushay oo dad badan maalaayacni loo laayey.
    Walaalaha Galguduud..Mareexaan&Habargir.
    SPM&USC (Ina Cumar Jees, Caydiid)
    Morgan&Madoobe.
    Alshabaab and company muddo haysteen.
    Haddana daanyeer 5 nin wada Ogaden ah in xoog isku maquuniyaan rabaan…fucking idiots.

  16. xaange says:

    Shalay 13/09/19 abbaarihii 15:00 galabnimo Suuqa bakaara xafiiska ku dhex yaal ee Wilaayada Banaadir ninka madaxda u ah ee Muuse Cadi Carraale wuxuu ku qaybiyey lacag dhan 750 000 US Dolar la siiyey 150 qoys oo ay ku sheegeen Zako.Way lacagtaa u qaybiyeen si waadax ah oo dadkii suuqaa iyo meelaha ka ag dhow oo dhan indhahooda ku arkayeen iyagoo aan cidna ka baqayn oo waliba muuqaalo iyo video ka duubay oo khadka soo galiyey.
    Waxay kale oo ay dib usoo celiyeen hoobiyayaashii la tuurayey.
    Qolada Vila wardhiigley waxaa wax walba iyaga uga mihiimsan inay maamulada dumiyaan oo ninn maddiidaysab ay halkaa gaystaan si ay doorashada dambe cod uga helaan.

  17. Kalsame says:

    Jubbaland diktatoornimo iyo dilaannimo laguma xukumi karo, gobolkan waxaa uu u baahan nidaam xalaal ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka degaanka iyo ka guud ee Soomaaliyeed. Nin is doortay oo horay ugu fashilmay midaynta iyo horumarka gobolka ciduna cid kama gadi karto.

    Waxba yaan Villa Soomaaliya lagu andacoon iyo keer iyo kan, simply meeshan Kenya iyo Kaanbooni baa xoog ku haysta, macquulna ma aha in ay sidaa sii ahaato.

    Qloyahii ku eedaami jiray diktatoor baan ridnay oo la dagaallannay ayaa maanta isla diktatooriyaddii u ola-olaynaya, la jiifiyaana bannaan soo ma aha?.




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!