Ugaadhsi ka Bilwoday Kismaayo iyo Gudoomiyihii Isbedal doonka oo Weerar lagu qaaday iyo Xaaladiisa

Kismaayo ( Kalshaale ) Guddoomiyaha guddigii  badbaada Jubbaland Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla badhtamaha magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan xildhibaanada garabka madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig ayaa xaqiijiyay in dhowr xabad lagu dhuftay, islamarkaana dhaawac daran uu kasoo gaadhay rasaasta ay ku fureen kooxdii weerarka ku qaaday.

Dhaawaca Nabadoonka oo sida la sheegay aad u daran ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood oo ka mid ah rasaastii lagu furay ay madaxa kaga dhacday.

Dableydii dhaawaca u gaysatay Nabadoon Axmed Jaamac ayaa goobta iskaga baxsatay, walina wax war ah oo ku aaday arintaan kama soobixin hey’adaha ammaanka maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaan hadda wax jago ah ka heyn garabka is-badel doonka ee madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig, balse waxa uu guddoomiye ka soo noqday guddigii ay sida wadajirka ah u magacaabeen musharaxiintii is baheystay ee  is-badal doonka Jubbaland.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Xaange says:

    Nabigu CSW wuxuu yiri Fitnadu way hurudaa ee qofka kiciya allaha nacalado.
    Axmed Jaamac waa tuugii Xiddig af hayeeka u ahaa. Waana nin reer waamo ah ab ka ab lkn Majeerteen ah. Fitnadii iyo qalalaasihii ay magaalada ka abuureen isaga iyo kuwa caada qaatayaasha ah ee la midka ah ayaa caawa isagii ku dhacday.
    Qofkasta oo fitno iyo dhibaato abuura meeshaa xun ayaa u dambaynaysa

  2. Dabshid says:

    Xaange

    Ninka Kenya amar iyo cad ka qaato

    Iyo

    Ninka Dowladda Soomaaliya amar iyo cad ka qaato.

    – KEEBAA CAADO QAATE AH

    Waa suaal caadiya, ee fadlan jawaab caadiya.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Xaange Madaxi Zaki iyo wuxuu yiri; “Fitnadii iyo qalalaasihii ay magaalada ka abuureen isaga iyo kuwa caada qaatayaasha ah ee la midka ah ayaa caawa isagii ku dhacday.
    Qofkasta oo fitno iyo dhibaato abuura meeshaa xun ayaa u dambaynaysa..
    °§*=°§*ISLAAMEY bal u fiirsada Xange; “…isaga iyo kuwa caada qaatayaasha ah ee la midka ah.”. °Ninka intaa yiri ma dhexdhexaad Baa? ANIGU waxaan leeyahay MAYA waa mid raba inuu Kismaayo dhiig badani ku daato. °Waxaan fila inay taageera-yaashisi AAN naqiin Z/C IYYAGUNA isyaqiin ay la qabaan xinjiro warkaa (daadin). WBT

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Xaange Madaxi Zaki iyo===Xaange madaxi Zaki iyo Cadaado. ALLAA WEYN.

  5. xaange says:

    Ahmed Somali
    Fitnada dadka inay abuuraan loo soo diray haddana in qaar ka mida la dilo si fidmo hor leh iyo tuhun beelaha meesha degen loo kala geliyo. Axmed Madoobana eedda dusha looga saaro. Waa caado lagu yiqiin munaafiqiintii Kacaanka u shaqayn jirey.Waana hubaa dilka odaygan nacaskaa iyo odaygii ka horeeyey ee Gaaljecel iyo Qarixii inay ka dambeeyaan dadka dhaqankaa lagu yaqaan ee Farmaajo kow ka yahay.Annagu cawaan maahin waanu naqaan meesha laga soo abaabulay dhagaraha soomaaliya oodhan ka socda

  6. xaange says:

    Dabshid
    Libaax nin ganay iyo nin galaday kala og.
    Waan ku dhaaran karaa odaygan in shirqool loo dhigay si eed dusha looga saaro Axmed Islam. Laakiin waanu ognahayn Axmed magaaladaa fidmo inay ka dhacdo iyo qof in lagu dilo inaanu raali ka ahayn.Laakiin qolada doonaya inay qalalaasaha iyo dhiiga inay ku faa iidaan inay joogaan Vila Wardhiigley

  7. Garqaad says:

    Nabadoonka alla how naxariisto.

    Wixii dilay ilaaheybaa og xisaabkiisana Aaqiro ayuu ku sugayaa hadaan aduunka lagu xisaabin.

    Axmed madoobe wuxuu dhahay baahashu waa dhaafi doontaa afkahadal. marka nabadoonku. Ma wuxuu ka mid ahaa kuwii kasoo hor jeeday.

  8. khalil says:

    Xaange

    Ugas waran,

    Waa xaqiiq in nijaas qaswada yaal ah ey dadaal badan oogu jiran sidey fitna u hurin la haayeen lkn i ayagaa ku guban aakhirka inshaa Allah




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!