Safiirka Cusub ee Maraykanka Soomaaliya u Fadhin doona oo Waraaqaha laga gudoomay

Muqdisho ( Kalshaale ) Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga, kaddib muddo bilo ah oo uu sugayay.

Danjire Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Kuxigeenka Madaxa Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Mary-Kate Fisher.

Amb. Cali Shariif ayaa laga soo bedelay dalka Itoobiya oo muddo lix bilood uu ka ahaa Safiir, sidoo kale waxaa uu Safiir ka soo ahaa Faransiiska oo sanadkii 2016 laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa tan iyo horaantii sanadkii 2018 aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Safiirkii hore Amb. Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

5-tii sano ee u dambeeyay Soomaaliya ayaa illaa saddex Safiir u magacawday  Maraykanka.

Safiirka Cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan la kulmo Madaxwaynaha Maraykanka oo si rasmi ah Waraaqaha uga Gudoomi doona.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. xaange says:

    Safiir Madaxweyne ayaa waraaqaha ka gudoomi jirey. Anuu garan maayo naagtani goortay madaxweyne ka noqotay Usa. Mise kii xumaa ee ciyaala suuqa ahaa ayaa diiday inuu qaabilo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Zaki says:

    Xaange

    Dee ha illaawin miisaanka Dawlad Ku sheegta Somalia.
    Ma jirto cid xushmad sidaa u weyn iyo Bartacol dal jira siinaysa dawlad Face ah oo magac ahaan uun u jirta.

  3. xaange says:

    Zaki
    Protocol ahaan ayaan ka hadlayaa. Ee waan ogahay inaan dowlad iyo haabkeed wax haya ama u dhow aysan soomaaliya maanta ka jirin

  4. Cadaado says:

    This is a joke!
    Daanyeerkaan iyo waxii soo diray waa iska ciyaarayaan. Caqli malahan. Oo waa is yeelyeelayaan. Mana xishoonayaan, oo waa ogyahiin in uu madaxweeyne Trump u yaqaano “shithole” in eey tahay Somaliya. Waana ku saxanyahay, sababtoo ah, bal fiiriya xaalada eey ku sugantahay Somaliya 30 sanno ee lasoo dhaafay iyo xataa kahor.
    Daanyeer. Safaaradaha kale ee aduunka ayuu tuugsan doonaa, oo uu albaabadooda gargaraaci doonaa. Intaas uun ayuu u imaaday meeshaan daanyeerkaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  5. Mr BaHaL says:

    Dawladani kkkkk
    waxay oo xidhay meelihii laga niikinjiray kkk

    Agoontii Maqale ayuu calaacal ka soo hadhay.

    Nairobi ayaa la iiga yeedhay kkkkkk

    Nacalaa ku yaala wasakhdii Maqale iyo Ragii ay qabtay ee u niikinjiray.

    Recorded History.

    Dalmida

  6. Mr BaHaL says:

    Gaboobihii uu ka dhintay Tegreegii ayaa calaacal iyo nacaybka dawlada halkan la soo fadhiyaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Melez ma dhimanain e muska ayuu ku jiraa.

    Dalmida

  7. Dabshid says:

    KUXIGEENKA Protocol AA.

    Dagaalkii Black Hawk Down ayey nagu colaadinhayaan.

    -Two Super Power ayey u taal waxa laga yeelidoono.

  8. Ahmed Somali says:

    ASC.
    BAL day kooxdi Xaage; Zaki, Cadaado Kuwi kalana wey soo socdaane. °War sow lagama yaabo inuu Askarigi Yahuudda Trump TENEG uu xanuunsan-yahay?. °Car waa kaase AAN aragno KIINNI hadla saa Yahuud iyo TENEGI baa la soo sheeg qaade. °War aamusa ama carara yaan warqadaha qaxooti-nimada laydinkala noqone. °War caawo waxaan helay waxaan Somali diidka ku guul-guulo. °Car waa kaase aan arko mid Madaxdda DHUL UDUG wax ka sheega. °HEEY HEEY. WBT

  9. Dabshid says:

    Adeer Ahmed Somali waxaad ka mid aheyd Regime xitaa fanaaniinta ku xabisay, HEES IYO MAJAAJILO.

    XORIYO MAAQA NIN AYAA KU QABTO, iyo Land cruise Guuxiisa mood GOB INAAD KU TAHEY.

    – Hadda waxaad ku xajiimoon dhalinta Cusub ee ku nool meel xitaa MASUULKA QARANKA LA TUURYEEYO.

    -Geed yaraan ku qaloocdey weyni kuma tooso.

    Isbar aqbalidda figradaha kale si adna laguu dhageysto. It’s philosophy theory

  10. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Dabshid adeer DAADAH, Qoraalka Af-Somaliga baro.
    Xoriyo=Xurriyo, Maaqa nin=Meeqa nin. °Oo yaa kuu sheegay in markaan dhallin yaraa lay dhihijiray Filosafo da marciapiede?. WBT




Sheikh Umal oo Kulan Balaadhan kula Hadlaya Shacabka Muqdiso iyo Dad kasoo Horjeestay !
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh  Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ...
MUUQAAL: Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii Gaalkacyo oo Xukun lagu riday
- Nov 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Waxaa Xukun lagu riday Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii ...
Daawo Muuqaal: Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
- Nov 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
MUUQAAL: Taliyaha ciidanka Booliska oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman [Daawo]
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maalintii shalay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay ...
Axmed Xuseen oo Mar kale kasoo Muuqday Golaha Wasiirada ee dalka Canada
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!