CIidamada Dawladda oo Weerar ku Qaaday Saldhigii Alshabaab ee Jilib-Marka iyo Wararkii u dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Guutada 14aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay la wareegeen goobo fariisimo u ahaa oo ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Jilib ee duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeelada Hoose.

Dagaalkan ayaa daba socda hawlgalo ay bilihii lasoo dhaafay ciidamada Dowlada Federaalka ka wadeen dhulka Shabeelada Hoose oo ay qeybo badan oo kamid ah ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab.

Hawlgalkan ugu danbeeyey ayaa lagu soo beegay xili la filayo inuu magaalada Marka booqasho ku tago Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo maalmihii lasoo dhaafay safaro ku marayey deegaano ka tirsan maamulka koonfur Galbeed.

Ciidamada SNA, kamandooska iyo kuwa kale ee dowlada ayaa horey xoogaga Al Shabaab uga qabsaday deegaano dhulkaasi hoos taga sida Awdhiigle oo ay saldhig weyn ku lahaayeen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Dabshid says:

    Kheyre waa inuu tago Jilib iyo Jamaame intuusan kulaaban Xaruntiisa Galmudug




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!