Waraysi Kulul : Maxaa kala Qabsaday Cali Xaraare iyo Cabdinaasir Seeraar Madaxwaynaha Jubbaland ? [Daawo]

Kismaayo ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa  Waraysi uu Wariye Cali Xaraare la yeeshay Cabdinaasir Seeraar Maax  oo kamid ah Madaxwayneyaashii Jubbaland  ee dhowaan Kismaayo lagu doortay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Seeraar ayaa ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo, Wuxuuna sheegay inay tahay xaaladu mid degan hada, Iyadoo uu soo dhamaadya Ololihii Doorashada, 

Waxaa la waydiiyey Inuu yahay Madaxwaynaha Jubbaland iyo inuu kamid yahay Golahihii badbaadada ee Jubbaland .?

“Anigu waxaan ahay Madaxwaynaha Jubbaland ee SHarciga ah,  Kama mid ahi golihii Badbaabada iyo Musharixiinta” Ayuu yidhi Seeraar.

Waxaa ayaa mar kale la waydiiyey inuu Aqoonsan yahay  Madaxwayneyaasha Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig ?

“Qofkasta waxa uu sheegtay kama hadlayo, Balse waxaan aaminsanahay inaan ahay Madaxwaynihii Sharciga ahaa,  Jubbaland Saddex madaxwayne ma qaado, Balse intaasi ay dhacdo waxaa Sabab u ahaa  Axmed Madoobe iyo Kooxdii la shaqaynaysay.” Ayuu yidhi seeraar.

Cali Xaraare ayaa  waydiiyey inta uu Kismaayo ka taliyo,  Hadiiba uu sheegtay Madaxwaynaha Jubbaland ?, Wuxuuna sheegay inuu Kismaayo ku leeyahay Taageerayaal badan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. mingistume soo Dag says:

    JUBBLANDSTATE”: Shirqoolada Loo Maleegayo Jirtaanka Gobollada jubbland?…
    —————————————————————————–
    Waxaa maalmahan dambe soo badanaya dareen ka dhex aloosan golaha wasiirada Jubaland oo lagu maaggan yahay in golaha wasiirada la mariyo lagana ansixiyo qorshe lagu laalayo, laguna tirtirayo sadexda gobol ee Jubaland ka koobantahay sida Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo. Qorshan ayaa qeexaya in degmo kastaayi goonideeda u madaxbanaanaato oo mid midda kale hoos tagtaayi aysan jirayn isla mar ahaantaana daaqadda lagaga saarayo gudoomiyeyaasha gobolada iyo waliba ahmiyadda uu gobolka ku fadhiyo.?…
    ———————————————————————————–
    1) Ujeedka waxaa wata dad kooban oo is qarinaya oo raba iney abuuraan awood degmo laga yaabo iney reer ahaan degan yihiin balse hadda laga xukumo gobol.
    ———————————————————————————–
    Farmaajo”: ISKA GOWRAC MOOYEE GUUL KU FAAN MA LEH!

  2. Dabshid says:

    Mingistume

    Arimaha Kismaayo waa kala horeeyaan,

    Maka hore in Kuukuuyo meesha laga saaro

    Marka,labaad in dib loogu celiyo Somaligalbeed, dadkaan ku soo baro-qaxey Kismaayo

    Marka sedexaad in shir guud loo qabto dadka Caanaha iyo Cowska keeno Kismaayo, maamul loo wada dhanyaheyna halkaas lagu dhiso.

    -Qub moos ceel waaku geliyaa, kaamase bixiyo (Kuukuuyana waa sidaas).

  3. RAAMALEEY says:

    Dabshidoow jubaland ragii usodhintay BAA KU doobyaya EE hakuxiiqin biyo wasakh badan OO AAD ka DHEX kaluumaysato Jubaland geelaha wada degan NABAD iyo MIDNIMO UUN BAA lagula TALIN karaa EE Dab LAGA dhex diido looma baahna EE ogoow

  4. Dabshid says:

    Raamaleey

    Tanaago laguma gaaro Kismaayo, ee intaadan Hiilin horta MUUSE BIIXI meel saar.

    Dagoodi WAJEER joogo oo SACAD GALKACYO u HIILIN UGA DHEH.

    Dagoodi Hawiye kama Quusto
    Dhulbahante Daarood kama Quusto

    Nin qaawan oo nin kale dhar u tolaa ma aragteen.

  5. Ali Zubeer says:

    Seeraar sida Axmad madoobe unbuu u hadlay .Caqli xumada Soomaalida unbaa mediyaha ku soo celceliyaan.

    Dabshid

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Wallee oday Dabshid kama daalo cuqdad qabiil iyo marin habaabin joogta

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  6. leopon says:

    Somalia
    Hadii rajo lagarabo gobol kasta state hanoqdo 18 state oo kalamadax banaan oo fedaral ah oo dawlad dhexe oo xoogan kadhaxayso gobolkasta haku tartamo Suu bulshada harumar ugaarsiin lahaa.sida beeraha tacliinta.caafimaadka. hindiya waa (29)state mid gobol kale cunto kasoo iibsada majiro dibadana cunto kama soo iibsadaan state kasta isku filaansho ayuu gaaray ayagaaba dhoofiya cuntada iyo agab kaloo badan.

  7. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Page hoose

    Dabshidoow Hargeisa maaha caasimad.Hala simin Jibuuti iyo Muqdihso.

    Hargeisa waxay la mid tahay Garoowe,Kismaayo,Borame,Badlwayne,Bosaso ama Baydhabo.

    Waliba way ka xuntahay ama meesha ugu xun xagga qabyaalada.

    Xaafadaha hargeisa waxaa ku bada loo ciyaaraa qabiil,qabiil kkk

    Xaafad,xaafad looma ciyaaro.

    Taa waxaa dheer biyaha lama wada cabo e qabyaalad ayaa loo kala cabaa.

    Waligeedna caasimad ma noqndoonto,mana noqonin intii la soo jiray.

    Beenta iyo wax aan jirin oo suuqa la galiyay waa jiraan.

    Waar Hargeisa waa magaalo uu Isaaq degan yahya.Caasimad maaha.Waa Garoowe oo kale,Kismaayo.

    Sidaa u baro.

    Dalmida

  8. mingistume soo Dag says:

    Jubblandstate”:Farmaajo”-Haybta nimaad ka siman tihiin maxaa hoosta kaa mariya?..
    —————————————–
    1)Haybta nimaad ka siman tihiin maxaa hoosta kaa mariya?..

    2)Mareexaan”; Ma hayaan hankii laga rabiyo horumarkoodiiye(Kismaayo)?
    ————————————
    4)kismaayo:
    ————
    Ha guulaysteen kuwii nala fahmay hogol tusaalaynta
    Ha guulaysto ka hareerta kaga soo dhacee hawsha nala riixay
    Ha guulaysto ka hindisaha uu qabo hadal ku soo dhiibtay
    Ha guulaysto midka aan hagranin shillinka loo baahdo

  9. Guntigaab says:

    Mr bahal indho xafajo isaaq ba i wasayna wa laga maqli cuqdada ku haysa marka ufta qarso adeee




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!