Dalka Rwanda oo la Wareegaya Tahriibayaasha Soomaalidu ku Jirto ee Liibiya ku Rafaadsan

Kigali ( Kalshaale ) Dowladda Rwanda iyo Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ay dowladda Kigali la wareegto Maxaabiista Tahriibayaasha ah ee ku jira Xabsiyada dalka Liibiya.

Heshiis ay kala saxiixdeen Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga iyo Dowladda Rwanda ayaa waxaa ay isku raaceen in todobaadyada soo socda 500 Qof oo ku jira Xabsiyada Liibiya la dejiyo dalka Rwanda.

Tarhiibayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Eritrea iyo  Sudan,waxaana ay u badanyihiin dadka nugul sida Carruurta,Haweenka iyo dhallinyarada.

Germaine Kamayirese,oo ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Qaxootiga ee dowladda Rwanda ayaa beenisay in qaabilaadda Qaxootiga ay lacag kaga heleen Qaramada Midoobey.

Wasiiradda waxaa ay sheegtay in ficilka Rwanda uu yahay kaliya mid bani’adamnimo iyo Afrikaannimo waxaana ay meesha ka saartay in ay lacag ku heshay dowladdeeda.

Qaramada Midoobey ayaa Bishii july ee sanadkan ku dhawaaqday in la xiro dhamaan Xabsiyada Liibiya oo  ay sheegtay in aysan u qalmin meel bani’adam ku noolaado.

Sidoo kale waxaa jirtay isla xilligaas in dhinacyada ku dagaallamaya Liibiya ay beegsadeen Xabsiyo ay ku jireen Tahriibayaasha halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Madaxda Soomaaliya, Eleteriya iyo Itoobiya oo Kulamo Xasaasi ah u socdaan [Sawirro]
- Jan 27, 2020
Asmara ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...
Daahir Gelle oo Waraysi uga hadlay “Khilaafkii uu ku baxay, Iyo Arimo kale “
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar kale ...
MUUQAAL: Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota “Uunsigii Muxuu ka yidhi”
- Jan 27, 2020
Minneapolis ( Kalshaale) Aadan Barre Ducaalle oo Khudbad ka jeediyey Minnesota "Uunsigii ...
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Safarka uu Dalka Eleteriya ugu baxay maanta
- Jan 27, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ...
Safarka Mahdi Guuleed ee dalka Jabuuti iyo Warbixin ku saabsan
- Jan 27, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!