Ciidan Kenyaati ah oo lagu dilay Duleedka Mandheera iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Askar ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ayaa ku dhintay weerar ka dhacay degaanka lagu magacaabo CeelRaam ee duleedka Mandheera, waxaana sheegtay sheegtay mas’uuliyadda Alshabaab, oo xusay in weerarka ay ku dileen 9 ka mid ah Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegeen in afar ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Kenya ay ku gubteen weerarkaas.

Dhinaca dowladda Kenya wali kama hadlin weerarka Ceelraam iyada oo Ciidamada Kenya ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Sohdinta labada dal.

Alshabab ayaa kordhiyay weerarrada dhinaca Miinooyinka iyo kuwa jid galka ah ee ay la beegsadaan Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo kuwa AMISOM.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa noqday halka ugu badan ee ay weerarrada dhinaca Miinooyinka ah ka geystaan Al-shabaab, Iyadoo Todoabadkan dhowr  Qarax Miino ay ka dhaceen  inta u dhaxeysa Mahaddaay iyo Balcad.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!