Soomaaliya oo ka hadhay Koobka Adduunka iyo Ciyaar Adag oo dhexmartay Zimbabwe

Laascaanod  ( Kalshaale ) Magaalada Harare ee Caasimadda Zimbabwe waxaa galabta ka dhacday lugtii labaad ee ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka oo Soomaaliya ay markii hore kusoo adkaatay 1-0, ciyaartaas ayaa ka dhacday Dalka Jabuuti, waxaa Goalka guusha u dhaliyay Soomaaliya Xidiga Anwar.

Xulka Soomaaliya ayaa ka haray isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Soomaaliya ayaa ka hartay isku aadka Koobka Adduunka iyadoo madaxooda uu sareeyo madaama ay durbaba dhigeen taariikh iyagoo guushii ugu horeysay abid ka gaaray isreebreebka Koobka Adduunka halka ay sidoo kale iska caabiyeen xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ka qeyb qaadanaya is araga hore ee isreebreebka ee wadamada Afrika.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 21)

  1. Cadaado says:

    Sad to say, markii horeba joke ayeey ahaayeen kuwaan.

    Ma’idinla tahay, wadankaaga oo aad ku baabi’iso qabiil iyo qurun, in aad Sharaf yeelaneeyso, in aad kubad iyo sport aad ku guuleeysaneeyso? Uma maleeynayo.

    Dal dhisan, oo nidaam leh, oo dad caqli leh hogaamiyaan, ayaa soo saara bulsho dhisan, maskax ahaan, iyo jir ahaan.
    Daanyeero. Baxa, kunoqda, noloshii aad qaxootiga ku aheeydeen aduunka.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. xaange says:

    Meesha ciyaar kumay hayn ciyaalka xamar ka yimi ee magaca soomaaliya ku ciyaarayey. 6 daqiiqo gudahood 2 gool by chance kuma dhalan.Niman digir iyo muufa kasoo dhergey oon is qaadi karin ayay meesha keeneen.

  3. Cadaado says:

    kkkk, Xaange, waaba fiicnaan laheeyd hadii eey digir iyo muufo cunni lahaayeen ciyaartooydeena Somaliya. Laakiin, maya, anniga waxeey iila ekaayeen dad aanan la daryeelin. Kuligood shaqooyin kale, sida baabuur sida loo wadda mid ka barra UK, iyo dhamaan shaqooyin kale dad ka shaqeeya oo lasoo aruuriyay ayeey ahaayeen.

    Dadkaan Somalida wax weeyn oo weeyn ayaa ka qaldan. Ma fahamsanna xariirka ka dhaxeeya iyo systems theory ahaan, in eey isku xirran yahiin dal sugan, oo Dagan, oo dowlad wanaagsan leh, iyo heerka eey ka gaari karraan sport ga, arts, fanka iyo wax walba.

    Dhulkii daanyeerada. They don’t get it.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  4. Mr BaHaL says:

    Waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan arko koox Somaliyeed oo u safan qaran Somaliyeed.Farxad waynbay ii hayd.
    Maan filyan in Somaliya meeshaba imandoonto,wayse timid.Waxan ahaa qof ku waynaaday jabhado iyo Mooryaan qoryo sita.Ismaan lahaynba heerkan ayay imandoonaan kooxda qaranka Somaliyeed.
    Si aan la dareemayn ayaan ula qabsaday beentii ahayd;qaranka Somaliland,dawlada puntland iyo qaraxo ka dhacaya Muqdisho.

    Waxaaban u qaatay in sidan loo nool yahay ay tahay sida dhabta ah.Jamhuuriyada baraysankan kk,misana ku arkimaysid meel ka baxsan Somaliya.Mana tagikaraan tagi kararaan fagaarayaasha caalamka.

    Waxaasi ayaaban iska qabsaday kkkkkk

    Waa cusub ayaaba ii baryay markaan arkay kooxdan.

    Marka la eego heerka ay Somaliya ka joogto aduunka,waxaaba i cajabiyay in ay tartankii ka soo qayb galeen.

    Hambalyo ayaan u dirayaa kooxda Kubada cagta ee qaranka Somaliyeed.

    Maxaan been soo dhegaysta.Wayba i qaldeen.

    Dalmida

  5. mingistume soo Dag says:

    zimbabwe Vs Somalia”…. ciyaar waa galin danbe?…
    —————————————————–
    Somalia”: The football players showed a very high level of excellence and even the attendees were attracted?…
    ————————————————————————————
    the second-leg-( aad iyo aad ayaan uga xunahay?

  6. xaange says:

    Cadaado
    kkkkkkkkkkkkkkkk
    Waa iska kaftan sxb lakiin waxaa xaqiiqa ah inay dadaaleen ee waa loo awood sheegtay.
    Xul qaran waa la samayn karaa laakiin waxay u baahantahay in lasoo ururiyo dhalinyaro talent u leh kubadda cagta oo dibad iyo dalba laga soo ururiyo. Dabadeedna tababar fiican la siiyo.Dhalinyarada meesha la keenay markaan eegay waxyaabo badan aasaas u ah ciyaarta ayaa ka maqnaa sida in kubada la dejisato oo aanay kaaga boodin jiho kale oo ah midii aad la doonaysey.Halkaa waxaa ka cad inaanay helin tababar wanaagsan ee ay indha adayg ku socdeen goolkii horana nasiib uu isaga dhashay ee aanay xirfad, tabara iyo toona ku dhalin

  7. xaange says:

    Cadaado
    kkkkkkkkkkkkkkkk
    Waa iska kaftan sxb lakiin waxaa xaqiiqa ah inay dadaaleen ee waa loo awood sheegtay.
    Xul qaran waa la samayn karaa laakiin waxay u baahantahay in lasoo ururiyo dhalinyaro talent u leh kubadda cagta oo dibad iyo dalba laga soo ururiyo. Dabadeedna tababar fiican la siiyo.Dhalinyarada meesha la keenay markaan eegay waxyaabo badan aasaas u ah ciyaarta ayaa ka maqnaa sida in kubada la dejisato oo aanay kaaga boodin jiho kale oo ah middii aad la doonaysey mid aan ahayn .Halkaa waxaa ka cad inaanay helin tababar wanaagsan ee ay indha adayg ku socdeen goolkii horana nasiib uu isaga dhashay ee aanay xirfad, tabara iyo aqoon toona ku dhalin

  8. Laalays says:

    DAlka Kosovo oo caawa la ciyaaraya Ingiriiska dhawr sano kahor dawlad malahayn, dagaalo xuna waa ka dhaceen. Hada waxay qarka u saaran yihiin in ay u gudbaan koobka Yurub 2020. Waxayn heleen daryeel iyo dawlad ku tacabta.

    Jiifayaasha Villa Wardhiigley ee lacag uruursiga ku jira ma iyagaa dan ka leh ciyaartow! Dhalinta hada ciyaaraysa waxaa laga yaabaa in ay iyagu tikidha iska bixiyeen!

  9. Maxamud says:

    Aas aaskii nolosha dhan ayeeynan heyn nin degan ayaa ciyaar kafekera xataa jawi dalkeena lagu ciyaari karo majiro umad keeblayuurar isuwada ah ayaan nahay qaranimo iyo dowladnimo xaal haqaadato

  10. C/Raxmaan says:

    Intaasba noogu qora taariikhda , waayo CAWAALAA ka dhex BABADAY carri uu muddo ka caaganaa .

  11. C/Raxmaan says:

    Ciyaartoy Isr’ili ah ayaa waxuu arkay heeskii calankooda oo ka dhex SHALOON-SHALOON leh UAE , waaba kiiyo la aamusinwaayey farxad awgeed . Hada, haba lagasoobadiya ee CAWAALE ma kasoo BABIYEEN Mogabeland aka Rhodesia .

  12. Garqaad says:

    Wiilasha somaliyeed wey dadaleen. In loo mahad celiyo. Qalbiga loo dhiso ayey u baahan yihiin. Uma baahno ku digasho.

    Umaddu hadeey dhinac walbo ka jabto waa nocaan oo kale.

    Kubadda ayaa cad iyo madoow ah. Kulankii hore wey badiyeen. Kanna waa laga badiyay.

    Waxaan u rejeynayaa marka xigto in ay meshaan meel kasii fiican yimadaan.

  13. Dabshid says:

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahey horumarka iyo CALANKA SOOMAALI EE AY GAARSIIYEEN HALYEEYADA SOOMAALIYEED

    Waxkasto aas aas iyo bilow ayey leeyihiin,

    Good job boys.

  14. Garqaad says:

    Ciyaartu markeey soo geleysay. Shaqo ayaan ku jiray. Shaqada dhexdeeda telfoon lama ogolo marka laga xiliga nasiinada. Laakiin maanta Waxaan weydiistay telfoonkeyga si.aan ula socdo ciyaarta. Zambaabi iyo somaliya. Natiijadu MA noqon sidaan jeclaa laakiin waan waa wax ka caadi ah kubadda cagta.

    Hambalyo ayaan leeyahay. Wiilasha somaliyeed.

  15. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Mr BaHaL iyo Mudane Jabhad, bacda salaan kal gacal GOONI inoo baxsha (bixiya) AAN ràyi wadaagne. °Ràyigu waa mid aniga igu taagan BAL ka warrama HADDAY midoobaan xisbiyada, Khaatumo State of Somalia & Waddani. °Sùaashu waa maxaa iska bedeli geyyiga Somali. WBT

  16. Mr BaHaL says:

    Axmed Somalil

    Waan ku salaamay Adeer.

    U malayn maayo inay midoobikaraan labadaa magac ee aad maqashay

    Wadani Isaaqnimo ayuu dabada ku hayaa,khaatumana faqash ayay ka qoran tahay xagga Isaaqa.Hadii uu wadani la midoobo Kaatumo,cod ka helimaayo Isaaqa.Wadani waa inuu iska ilaaliyaa Khaautmo si aan loogu shaabadayn Somaliwayn iyo faqash.

    Midda kale Isaaqu ma jecla in lala dhuuqo Somaliland.Waxay ka jecelyihiin in dadkaasi curyaamaan,dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba,iyagyna ay noqdaan kuwa wax ka iibiya ee dadkaasi ku shaqaystaan.

    Dalmida

  17. Garqaad says:

    Jabuuti ayaa u gudubtay wareega xigo. Marka weli somalidu wey nooshahay.

  18. Jabhad says:

    Adeer axmed

    Adeer sln la mida haa way midobi karan lakiin kuma

    midobi karan xisbi ee waxay ku midobi karan dowlad

    Goboled wada hadalo hoose oo socda lakiin uu si

    Hoose u shegay faysal cali warabe ayaa waxay lee

    Yihiin waxaa jira gorgortan u dhexeyey calamka iyo

    Federalka qaybna uu ka yahay muuse in la dhiso

    3 dowlad goboleed

    1 awdal + salal + gobolka gebiley

    2 hargaysa +burco + berbera

    3 sool + sanaag + cayn

    qorshahan waa socda waxaana og xukumada muse

    villa somalia iyo villa jabuuti

  19. Jabhad says:

    adeer axmed waxan ilobey lifaqii hadalka feysal waa

    Kan https://youtu.be/SFApKHVg2No

  20. Garqaad says:

    Imaam dabshid. Aqoon yahan. Mr bahal.

    Caawa tanoo kale ayaa lagu nastaa.

    ninba dahab dhumay si u Doon Doon.

    https://youtu.be/7ewQ_Eisvu8

  21. Jabhad says:

    war barbartay raali ahaada dowlad dhisidii ayaa ila

    Tagtay kooxda QARANKA waan u hambalyeynayaa

    Guusha ay gaareen dhankastoo la eegaba waxaa

    Socda guulo wa illah mahadii mar hadan ka baxnay

    Qabiilo u dirirkii somalay is cafiya oo khayrkiin la

    Jaanqada….. somaliyo… dhankeeday .. dhawaaq

    Faraxleh mooyee dhiilo kama filaayee..xasan edan




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!