MUUQAAL: Khudbad Xiiso badan oo R/wasaare Khayre u jeediyey Shacabka magaalada XUDUR iyo Siduu uga Qosliyey

Xudur  ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo, ayaa si wayn  loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Xudur ku ammaanay sida geesinimada iyo midnimada leh ee ay cadawga isaga xoreeyeen, magaaladana ay amni uga dhigeen, iyaga oo aan helin teegeero meel kale uga timid, ayaa ballan qaaday in dowladdu ay u sameyneyso mashaariic horumarineed oo ay qayb ka tahay casriyeynta Garoonka kubbadda Cagta Dr. Waaberi.

Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu la kulmayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka gobalka Bakool, si uu uga dhageysto xaaladda gobalka iyo talooyinkooda ku aaddan dib-u-kabashada deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. xaange says:

    Reer xudur waa inay iyana dhahaan goroonka kubadda ha naloo dhiso koley lacagtii boorsada lagu waday ee bilaa xisaabta ahayd Khayre wuu wataaye.
    Caalmaka lama arag PM boorso lacag isaga sita oo iyadoon wax nidaam ah marin la qaybinayo.KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  2. Mr BaHaL says:

    Talaabo ayaa hore loo qaaday.Waar caruurtii Somaliyeed ee waayay rag u taliya ayaa halkaa ka muuqda.

    10 sano ka hor halkan lama joogin.Hore ha loo socdo si lo gaadho guul la wada leeyahay.

    Dalmida

  3. Jabhad says:

    raisalwasare khayre guulayso mahadsanid mar hadad

    dowladii garsisay wajid lacagtii guryaha looga gadan

    Jirey Nairobi iyo turkey waatas dhalintii somaliyeed

    Lagu hor marinayo nabada naas la nuugo leh

  4. Kalsame says:

    Khayrre waa halyey yimid waqti loo baahnaa. Shaqa fiican buu hayaa, Allaha ku garab galee.

    Dalmida.#

  5. sOmalilander says:

    War bal kan BAHAL la baxay ee u niikinayaa meel aanu shaqo ku lahayn ee hadana Aanu canshuurta ka qaadno bal hada eega oo u fiirsada balanka alle.

    Adeer adigu malaha magacii SAMAROON AKA GUDEYBIIRSEY baad ku qadhaabaynsaaa ood ceebaysanaysaa waxani baroor ka badane.

    War hooy reerka ha ceebeeyn farmaajo & xulafadiisa villa wardhiigley wax ba u qaban kari mayaane!!

    Wake up and smell the damn Coffee ama dhaka jabiyihii!!

    God bless Somaliland

  6. sOmalilander says:

    Warar xiiso badan from berbera Port..

    At this time..2: 25 am.

    What a party at the seashore!

    God bless Somaliland

  7. sOmalilander says:

    From SLEEPLESS BATATAALE RESORTS IN BERBERA.🍷🍸🍹

    GOD BLESS Somaliland!

  8. Dabshid says:

    Hogaamiye Kheyre waxaa u dhiman Kismaayo oo uu ka saaro Kuukuuyo iyo Hargeysa oo uu ka dego Cafisna weydiiyo Shacabka Waqooyi.

    Waa Hogaamiye Koofureed ilaa uu ka takahayo Hargeysa.

    – Ama Tolkaa ku Tiirsanow ama tagoog kale ku Tiirsanow.

  9. Dabshid says:

    Somalilander

    Sxb maxaad ka rabtaa Mr BaHal

    Hargeysa waxaa joogo FIQISHINI oo ah HABAR-GIDIR WAQOOYI.

    Mr BaHal Waa isugu mid 3da Caasimadood ee Xortaa.




Deg deg : R/wasaarihii Hore ee Somalia oo ku Geeriyooday London
- Apr 1, 2020
London ( Kalshaale ) Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ...
QM oo Masiibo Dunida Soo martay ku tilmaamay Cudurka Corona, kadib dagaalkii Labaad
- Apr 1, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Antonia Guterres ...
Janaale : Ciidamada Xooga dalka oo Fashiliyey Qaraxyo la yaab leh oo Alshabaab u diyaarisay
- Apr 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War kasoo baxay Taliska Militariga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ...
SAWIRRO: Soomaaliya oo laga Cafiyey Lacag ka badan 1-Bilyan oo Dollar
- Apr 1, 2020
Garoowe ( Kalshaale ) Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ...
MUUQAAL: Somaliland oo sheegtay in Dad ku sugan Burco iyo Berbera laga helay Cudurka Karoonaha
- Mar 31, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Somaliland ayaa Xaqiijisay in Laba QOf laga helay Cudurka dilaaga ...