Hargeisa: Muxuu ka dhigan yahay Amarka Buuqa dhaliyey ee lagu Rogtay TV-yada Madaxa banaan [Daawo]

Hargeisa  ( Kalshaale )  Xukuumadda Somaliland ayaa TV-yada Gaarka loo leeyahay, ee Madaxa banaan  Waxay kusoo rogtay amar ah inay Wararka Dawladda Federaalka Soomaaliya ku daraan wararka arrimaha dibbeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa Arintan si adag uga horyimid Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland iyo Qaybaha kala duwan ee Telefshinada ay Howshan Qusayso, Iyadoona TV-yada madaxa banaan ay Xarumo ku leeyihiin  Dhamaan deegaanada Soomaalida iyo Daafaha caalamka.

Hadaba inuu go’aankani Wuxuu ka dhigan  yahay mid aan loo meel dayin, Iyadoo aynu ognahay in  Satalaytyada Tvyada Soomaalidu ku jiraa ee (Thiacom5 iyo Thaicom6) in ruqsada tvyada iyo shahaadada aqoonsigaba ay bixisay oo Dawladda Federalku masuul ka tahay.

Xusuus Hore : Telefishinka HCTV ayaa wuxuu baahiyey 2016 xasuuqii Liyuu Police-ku ka gaystay deegaanka Jamac-dubbed ee deegaanka Soomaali galbeed, Itoobiyadii Tikreegu waxay warqad u qortay maamulka Satalaytka Thiacom5 oo xiligaa ahaa godka keliya ee warbaahinta Soomaalidu ku jirto kana saacida baahinta Africa iyo Asia, maamulkii Thiacom-ku hawada ayuu ka saaray HCTV, Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa u gurmatay waxaana Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali degdeg u tagay Caasimada Muqdisho halkaasoo uu dawladda u dacwooday, Wasaaradda warfaafinta ayaana siisay warqadii cadaynaysay inuu yahay Tv Soomaaliya laga leeyahay sidoo kale lana xidhiidhay maamulkii Satalaytka; sidaasina HCTV wuxuu ku helay dawlad ka difaacda dawlad kale.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Somalijecel says:

    Waxaa saa qar iska tuur la yiraahdaa!!!. Meelna gaadhimaayan wax kasta oo ay ku haysatay magaca Dowlada iyo magac Soomaaliyeed na waxay doonayaan inay halaasi ugu saaraan aan dhamaad la hayn shacabka masaakiinta ah ee lagu dul jaqaayo dhiigooda Dawladd baan nahay Soomaalia nama metesho. Qodax mudayna iskama saari karaan.




MUUQAAL: Wasiir Goodax iyo Soo dhowayn loogu sameeyay magaalada London
- Jan 25, 2020
London ( Kalshaale ) Wasiir Goodax iyo Soo dhowayn loogu sameeyay magaalada London
Warar dheeraad ah oo kasoo baxay dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Sanaag [Warbixin]
- Jan 25, 2020
Ceerigaabo ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya degaanka Shidan oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ...
Warar dheeraad ah oo kasoo baxay Qarax ka dhacay Shabeelada dhexe
- Jan 25, 2020
Balcad ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya gobolka Shabeellda Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
WARAYSI: Xanuunka dalka Shiinaha ka dilaacay, Bandow lagu soo rogay Iyo Soomaali wax ka barta oo ka hadlay
- Jan 24, 2020
London ( Kalshaale ) Xanuunka dalka Shiinaha ka dilaacay, Bandow lasoo rogay Iyo Soomaali ...
MUUQAAL: Ciidamada Xooga dalka oo Xaliyey Dagaal Beeleedkii Caabudwaaq
- Jan 24, 2020
Gaalkacyo ( kalshaale ) Ciidamada Xooga dalka oo Xaliyey Dagaal Beeleedkii Caabudwaaq

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!