Ciidanka DF Somalia oo Gobolka Gedo ku dilay Xubno ka tirsan Alshabaab

Cadaado ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dabley ka tirsan Alshabaab uu ka dhacay saldhig ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaas.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigga, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal muddo socday.

Ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku dilay illaa labo dagaalame, halka ay ku furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu ahaa qoriga loo yaqaano Baasukaha garbaha laga rido.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Alshabaab, ayna ka war hayeen markii hore dagaalka ay soo qaadayeen.

Ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Garabahaarey, iyagoo ku daba jira raadka kooxdii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!