Baladwayne iyo Jowhar oo Jidka Isku Xidha la isku Furayo [Warbixin]

Baladwayne ( Kalshaale) Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qaar kamid ah xildhibaanada iyo golaha wasiirada Hirshabelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa hadlay  muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka  kala xiran ee go’doonka ugu jira  Al Shabaab.  “Soomaaliya oo hagaagta waa iyadoo guud ahaan ammaanka geeska afrika oo hagaaga.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu  carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Mo says:

    Ma ugaandheys baa waddo kuu furi?!! dad tabar iyo talo beelay, rag lacag meesha u yimid bay ka sugayaan in ay waddo u furaan, waa caqli lixsaacnimo!!

  2. Cadaado says:

    Daanyeerkaan feeraha weeyn ee madaxweeynaha isku sheegaya fiiriya! Waa dad caqli xun oo daanyeero ah. Rag kale, iyo dad kale ayeey rabaan in eey shaqadooda u qabtaan. Daanyeero.

    Waxeey ku qaadan daanyeertaan in eey fahmaan waxyaabahaan 30 sanno kabacdi.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Mr BaHaL says:

    Yaab kom.Iyagu maxay qabanayaan marka ay leeyihiin Ciidanka Amisom dariiqa ha noo furo kkkk

    Reer Hiiraan maiyay hubka qaataan oo ku dareeraan Alshabaab.

    Reer Hiiraan waa meelaha had iyo jeer uu ka dhaco dagaalka qabiilku.Iyagu sawta ay islaayaan oo dadka badan iska dilaan kkk

    Hubka ay isku haystaan may kula dagaalamaan alshabaab oo iska celiyaan.

    May iska codsadaan in cunatada afka looogu guro.Waa dad maxgaxdii laga dilay oo laga soo qaaday dad aan waxba iska celinkarin,dad aan waxba qabsan karin.Dad wax uun barya.

    Masgax ahaan ayay u dhinteen.

    Dalmida

  4. Cadaado says:

    Mr. BaHaL, aad baan kuu salaamay aqoonyahan.

    Haa sow yaab maahan, in eey iyagu rabbin Somalida in eey wax qabsadaan, Hiiraan amaba meel kale, oo eey rabaan in dad kale, Yugaandhe, Kenya, Turkey, Imaaraad Qatar etc eey wax u qabtaan.

    kaba fiicane, ragga Somalida meey dhahaan naagaha noo wassa nimankaan Afrikaanta ah? Daanyeer. Fiiriya midkaan feeraha weeyn ee leh madaxweeyne Ayaan ahay!
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  5. Mr BaHaL says:

    Mr Cadaado

    Ma shaki ayaa kaaga jira in raga Somaliyeed naagaha loo waso?

    Mar hadii aanad dicaafan karin caarkaaga,ninka aad hor socoto ma diidi kartid.Horta Tegreegii waa la sheegay inay raga Somaliyeed waxay doonaan ka yeelijireen.

    Walee rag badan oo u soo joogay ayaan arimahaa ka maqlay.Bahdil.

    Somalida qaarkood waaba u dhaqan inay raga shisheeyaha ku casuumaan dumarkooda,laakiin meel badan oo Somaliyeed Tegreega ayaa ka adeegtay.

    Dalmida




MUUQAAL: Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo soo Muuqday
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo ...
Daawo: Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey “Muqdisho 2019 Guryo lagu kala haysan maayo”
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey "Muqdisho 2019 Guryo lagu kala ...
DHEGAYSO: Puntland oo War Cusub kasoo saartay Ciidankii Galay Boosaaso iyo Sida looga saaray [Waraysi]
- Nov 17, 2019
Garoowe  ( Kalshaale )  Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso ...
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si adag uga Hadlay Hadalkii Sheikh Shariif iyo Xaalada Soomaaliya
- Nov 17, 2019
Qaahira ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay sida ...
MUUQAAL: Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan
- Nov 17, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!