Xubno ka socday Jubbaland oo Sheegay inay Shuruud ku xidhay DF sii daynta Janan

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddi ka socday Maamulka Jubbaland oo dhowaan Muqdisho u yimid wada hadalo ku saabsan xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in shuruud lagu lagu xiray in la sii daayo.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar oo ay wehliyeen Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo, waxaana ay Muqdisho kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiisha sare ee Hey’adda NISA.

Axmed Maxamuud Cumar Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in laga dalbaday shuruud u muuqatay kuwo siyaasadeed oo la doonayo in la fuliyo, si loo sii daayo C/rashiid Janan.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxweynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka Amniga Jubbaland”ayuu yiri Axmed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qodobada la hordhigay ay yihiin kuwo ku saabsan kala qeybinta bulshada deegaanada Maamulka Jubbaland, kuwaasoo ay ka mid yihiin in meesha ka baxo Maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri.

31-dii bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay Garoonka Muqdisho ku xireen C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbaland, xilli uu Transit ku ahaa garoonka, kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Laalays says:

    Waa afduub CAD!

  2. C/Raxmaan says:

    Munaafaq Janan waxuu xasuuqay shacab Soomaaliyeed , Dawladdana waxay dooneysaa iney uga faa’iideysato arrimo siyaasadeed . Calaashaan haddii dawladda loofuliyo arrimaheeda siyaasadeed ee ku aadan Jubbaland waxay soo deyneysaa BASAAS Janan , si uu usiikordhiyo xasuuqidda shacabka !

    ” Dabin kale dhigo “

  3. Somalijecel says:

    Ninkan tusaalaa looga dhigayaa kuwo badan. Haddii xasuuq loo qabanaayo kuraasta labada gole iyo kuwo kale ba waa kuwii gamco iyo af ku dhiigyaaya ahaa ee madaxda u wada ahaa dagaaladii lagu gumaadaayay dagaaladii ka dhacaayey Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Alle baase la xusaab tabi maaha qiyaame dhiig Adane na cafis magalo.




SAWIRRO: Laascaanood oo Marti gelisay Bandhiga Caalamiga ah ee Buuggaagta
- Dec 10, 2019
Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxay ...
Garoowe: Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii
- Dec 10, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis ...
Puntland oo war kasoo Saartay dagaalka Khasaaraha gaystay ee Gobolka Mudug
- Dec 10, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale)  War Saxaafadeed ay baahisay Madaxtooyadda Puntland ayaa loogu hadlay Colaada khasaaraha badan gaysatay ...
KENYA : Weerarkii lagu dilay 11 Qof ee Wajeer iyo Ninkii Hogaaminayey oo la shaaciyey
- Dec 10, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaacisay magaca Ninkii hoggaaminayay Weerar Jimcihii la soo ...
Muuqaal: Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo Wixii dhacay
- Dec 10, 2019
Minneapolis ( Kalshaale ) Warbixin Murugo Xaalada Soomaalidii Dabku ku Qabsaday Minnesota iyo ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!