Xubno ka socday Jubbaland oo Sheegay inay Shuruud ku xidhay DF sii daynta Janan

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddi ka socday Maamulka Jubbaland oo dhowaan Muqdisho u yimid wada hadalo ku saabsan xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in shuruud lagu lagu xiray in la sii daayo.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar oo ay wehliyeen Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo, waxaana ay Muqdisho kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiisha sare ee Hey’adda NISA.

Axmed Maxamuud Cumar Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in laga dalbaday shuruud u muuqatay kuwo siyaasadeed oo la doonayo in la fuliyo, si loo sii daayo C/rashiid Janan.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxweynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka Amniga Jubbaland”ayuu yiri Axmed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qodobada la hordhigay ay yihiin kuwo ku saabsan kala qeybinta bulshada deegaanada Maamulka Jubbaland, kuwaasoo ay ka mid yihiin in meesha ka baxo Maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri.

31-dii bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay Garoonka Muqdisho ku xireen C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbaland, xilli uu Transit ku ahaa garoonka, kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Laalays says:

    Waa afduub CAD!

  2. C/Raxmaan says:

    Munaafaq Janan waxuu xasuuqay shacab Soomaaliyeed , Dawladdana waxay dooneysaa iney uga faa’iideysato arrimo siyaasadeed . Calaashaan haddii dawladda loofuliyo arrimaheeda siyaasadeed ee ku aadan Jubbaland waxay soo deyneysaa BASAAS Janan , si uu usiikordhiyo xasuuqidda shacabka !

    ” Dabin kale dhigo “

  3. Somalijecel says:

    Ninkan tusaalaa looga dhigayaa kuwo badan. Haddii xasuuq loo qabanaayo kuraasta labada gole iyo kuwo kale ba waa kuwii gamco iyo af ku dhiigyaaya ahaa ee madaxda u wada ahaa dagaaladii lagu gumaadaayay dagaaladii ka dhacaayey Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Alle baase la xusaab tabi maaha qiyaame dhiig Adane na cafis magalo.




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!