Puntland “Waxaanu Qabanay Xubno Shabaab ah oo Xidhiidh la leh S.land”

Garoowe  ( Kalshaale ) Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xidhiidh la leh maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland, Wuxuuna  tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Alshabaab.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Alshabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag, Iyadoona Arintaasi ay si kulul uga Jawaabtay Somaliland oo sheegtay inaanu Jirin Xidhiidh kala dhexeeya Kooxaha Xagjirka ah.

Puntland iyo Somaliland  ayaa ku Muransan Gacan ku Haynta Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Jira Eedaymo kala duwan oo ay Warbaahinta isku Mariyaan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 16)

  1. Laalays says:

    Ka dar oo debi dhal. Oo Qarjab kanaaba koobkii beenta iyo calaacalka ka qadee!kk

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Dabshid says:

    Maamulkaan Puntland hadduu la midyahey Maamulada Kale waxaad arki laheydeen, Kheyre oo ciidamadaan u qudbadeyn

    Waxaad arkilaheydeen Kheyre oo shirka doorashada furaayo

    Waxaad arki laheydeen Kheyre oo magacaabi maareeyaha Dekedda Boosaaso

    – Marka Moore Guulwadow – inaad @ FOOXA JABHAD moodo Taageero Farmaajo asagoo diidan inuu Farmaajo tiriyo Canshuurta Boosaaso

    Waxey dhiirigalineysaa Reer Goofka ku doodo, reer Qurac kama ilbaxaan TABEELE SUD MAJEERTEN ( ee almiino ninka Tabeelaha loo qaado Kursi Maslaxo ha qaato).

    – Nin Villa deeqdo, nina Koofur iyo Waqooyibaa deeqo.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Garqaad adeer, muxuu yiri UGAAS Dabshid turjubaan baan u baahanahe. WBT

  4. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer R ku bedal DH,

    Gaartey = GAADHAY

    Ma jirto = Ma JIDHO

  5. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer waa adigii Xassan Shiikh kula dagaalamey muxuusan Khaatumo Administration u aqoonsan, hadda maxaa iska KAA BEDALAY

    Wali ma arkin su’aalo lagu weydiin Farmaajo WAXA UGA QORSHEYSAN Khaatumo Administration

    Wali ma arkin adigoo dhahayo muxuu u aqoonsan waayey Khaatumo

    Wali xitaa ma arkin XAFLAD LOO QABAN KHAATUMO

    Suaashu waxaa waaye?

    Khaatumo ma waxey aheyd NGO kagu Shaxaado Reer Muqdisho

    Mise Wixii loo dhisay ayaa Farmaajo laga Sugahayaa (Hashii Caano Macaan ee XHKS)

    * Fadlan hanagu soo celinina mashruucaas Farmaajo dabadiis.

    – Khaatumo becomes QAATUMO.

  6. Jabhad says:

    Dabshid

    Xaqiqdii adaa golahan kala dagalamay dowladii

    Xasan sheikh anagoo tagero la daba tagan wagas

    Waan kula yabana lakiin hada waxaan ogaday inad

    diidan tahay dalkan dowlad inuu yeesho oo aad

    Rabto 1991– in loo noqdo…. sarakishas aad durtay

    Waxay ka mid yihiin xooga dalka waxaana..xukuma

    Taliye odawaa iyo madaxwayne farmaajo

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    “Waxaanu Qabanay Xubno Shabaab ah oo Xidhiidh la leh S.land”, waxaa ku xigta; “hooyooyin keena dhaqaalihi laydinku difaacay”. °Halkaa waxaa ka soo baxay SHAQ-SHAQ, caqli wiil MJ iga dheh. °War ILAAHEEN SWT halaga baqo oo ilmaha caanahooda u daaya. °§*=°§*Jaahilnimo haddaad maqasho waa tan! BAL waa kaase Beeshi Dhulbahante meel ku sheega!!! Wax kale iska daaye Degaankoodi bay reero kale ku dagaalamaan. °WAR is duuga intaad is ximinaysaan oo Aad MJ & Isaaq kala hoos joogtaan oo aad diideysaan Khaatumo State iyo M/muud Sheekh Cumar dadnimo idinka foge. °Intaad ku jirtaan INYAW!!! hebela kuwaa ku jira! lagama yaabo inaad asaagiin iska celisaan. °WAR bal caqligaan arka; “Yaa halka ku dagaala? MJ iyo Isaaq oo yaa Dhulkaan dega? Dhulbahante aaway Dhubahante? lama tirsado”. °Markay jufo-jufo isu dagaalaan MAYDKU 50kor u dhaaf. °Waa shaki làaan inuu Dhulbahante u baahanyahay in QURÀAAN la saaro. °War Dhulbahantoow waxaan ku leeyahay MIDOOW oo deriskaa la tartan MJ iyo Isaaq-na nabad kula nooloow AAMIIN AAMIIN AAMIIN. WBT

  8. xaange says:

    Dabdhid
    Ninka aad kabo ka tolanayso kabihiisa ayaa la eegaa.Kahayre wuxuu wax u qaban lahaa odoyaasha adeeradiis ah ee iyagoo islaamnimada ku dhashay oo sano 60 ku jira deegaankii ay ku dhasheen ee Buq Aqable oo Baladweyne aan ka fogeyn inta isugu yeereen ay wiilal yar yaroo 15 jiraa ay bahdilayaan ay leeyihiin ashaata diinta ayaad ka baxdeene oo hadda dib u muslima haddii kale waan idin laynaynaa.
    Maanta waxaa joogsadey dismihii garooka kubadda cagta oo dib u habayn ku socdey ka dib markii shirkadii dhisaysey ay diiday lacagta zakawaatka ah ee shabaab qaado inay iska dhiibaan iyaga iyo shaqaaluhuba.Halkaa ka daawo
    https://www.youtube.com/watch?v=mCds0racc9I

  9. xaange says:

    Shabaab inta soo dhaafeen inay deked airaport meherado iyo shirkado waaweyn canshuur ka qaadaan ayay waxay kusii dareen inay dadka caadigaa ee shaqeeya ee xamar ku nool inay canshuur dul dhigaan. Cajiib

  10. Mr BaHaL says:

    30 sano ayuu lumay mustaqblkii caruurta Somaliyeed.Waxan la yidhaa Puntland ama Somaliland waxaa dhaama alshabaab.Waa xanuun ku habsaday gobolada Bari iyo Waqooyi galbeed.Kaaga darane way adag tahay sida looga bogsadaa.Dawadiisu waa qaran Somaliyeed ooo ka hana qaada koonfurta Somaliya.30 sano ayay ku jiraan iska bada wareeg.

    Dalmida

  11. Land of Punt says:

    Dabshid
    kkkkkk
    Khayre ciyaal NGO ma rag wax u sheegi karo ayaa jooga Puntland.
    Khayre wax qabsan karin oo lufluf u tuuro ayaa u sacbin….kkkkkk
    Waxaas dadka daanyeerta ayaa loola yimaadaa.
    Ninkaan Khayre haddii koofurtaan Cali Baysteenka ah nidaam u samaynayo cid kasta oo aqli leh oo Somali ah waa taageerin….
    Waana sababta madaxda Puntland u hadli karin waayo Garoowe dhagax looga saarin.
    Shacabka Puntland Somali mida oo dowlad qaran leh ayey rabaan
    Khayre hawshiisa ha wato… Somalia maamulada hadday sida Puntland wadajir ogol yihiin goboladooda amni ka dhigaan.. Somalia wadadii caddayd ayey cagta saartay.
    Vivo Dhulka Uduga..kkkkkkkk🤙

  12. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Mr. BaHaL, aqoonyahan, halkaas waan kaaga yara duwanahay. Argagixisda alshabaab ma dhaamaan Majeerteenka iyo Isaaqa is abaabulay. Inkastoo labadaan reer eey hogaamiyaan dad qaab darran, shacabkooda Somalida kale uunbeey lamidyahiin, hadiiba eeysan wax dhaamin, sida in eey is abaabuleen. Waxa eey argagixisada alshabaab u prosper gareeysay, waxeey tahay, maalinba dad cusub, iyo kooxo cusub ayaa si ula kac ah, iyo si aanan ula kac aheeyn u moodaya in eey iyaga dadka iyo kooxaha kale ka fiicanyahiin. Maya.

    Now, mowduucan, shaki la’aan in Isaaqu uu aad u taageero argagixisada alshbaab, iyaga oo si qaldan meel wax uga fiiriyay, oo is dhahay, qaraxa iyo baaba’a Somaliya, qaasatan Koonfurta Somaliya, waxeey soo daahin dowlad xoogan oo Somaliya kasoo baxda, sidaasna aqoonsi ayaad ku heleeysaan. Laakiin, waa very much far-fetched idea. Waa figrad meel qaldan laga raadiyay, oo aanan shaqeeyn doonin. Qabiil, waliba qabiiladii kale ee ku hareeraysan eeysan rabbin in eey la go’aan, oo dal noqdaan, sidee buu dal cusub oo aduunka kusoo biiray u noqon karaa. Daanyeernimo waa taas.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  13. Mr BaHaL says:

    Dr Cadaado waan ku salaamay.

    sxb,waxaan aaminsanahay in iyagu ay dhaleen Alshabaab.Alshabaab ka hor ayay wadanka Somaliya sii waseen oo ay ka dhigeen dhilo uu ninkastaa u soo galo.

    Wax ay dhamaan alshabaab iyo waxay kaga fiican yihiin ma jirto.

    Dalmida

  14. Cadaado says:

    Mr. BaHaL,
    I hear you brother. Wadankaan dad badan ayaa kusimmay oo soo gaarsiiyay argagixisda alshbaab, iyo qarax in dadka Somaliyeed lagu dillo. Raadka waa dheeryahay. Labadaan reer kaliyana uma maleeynayo in eey kulli mas’uul kayhiin dhibka dalka Somaliya heeysta.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  15. Mr BaHaL says:

    Dr Cadaado

    Haa.Waan runtaa qaybta ugu wayn ayay ka ahaayeen biurburka Somaliya,laakiin meelihii kale in la daweeyo ayay diyaar u yihiin,laakiin labadan Maamul ee Heerinka ah diyaar uma aha in ay dawada qaataan.

    Dalmida

  16. NuurkaNederland says:

    KKKKK WAXAASAA IIDHEH AH…..
    ALSHABAB,ISIS,iwm P/LAND SHAQO KUMA LEH.S/LAND SHAQO KUMA LEH LKN WAA KOOXO USHAQEEYA CIA,MI6,MOSSAD IWM.WAANA HOME WORK LOOGU TALO GALAY IN LAGU MASHQUULIYO SOMALIYA.
    MADAXDA SL,PL WAA OGYIHIIN MEELAHA LOOSOO MARIYO KOOXAHAAS FANKA,HUBKA,MACLUUMAADKA BALSE IYAGAABA LAGU AMRAA INAY FUDUDEEYAAN HAWLAHAAS..MARKAA TAN JANANKA WAXAAN KU LEEYAHAY SHAME ON YOU!!
    ALSHABAB+MI6+CIA=ONE.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    WE KNOWS….




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!