Muuqaal: Sida ay u socota Shaqada Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho iyo Warar beeen ah oo laga Baahiyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer ku tegay Garoonka  cayaaraha ee Muqdisho oo dhisma uu ka socdo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Feraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa sheeay in kormeer howleed ay ku tegeen garoonka caayaraha ee Muqdisho halkaasi oo ay ka socoto howlo dib u dhis ah, uuna rajaynayo in goor dhaw la soo gabo gabeyn doono.

“Xaruntii Qaranka ee isboortiga ayaan booqasho ku nimid, booqashadaas waxa ay la xiriirtaa, inaan ogaano meesha uu marayo iyo in isidoo kale la dar dargeliyo oo la dhameystiro, Howsha Stadium Muqdisho wey socotaa, cid joojin karta ma leh, Mashruucyada aan anaku wadno, dowladdu Waddo wax saameyn ah kuma lahan Shabaab iyo Argagixisadu mana joojin karaan”. ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta ayaa uga digay hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo shacabka Soomaaliyeed inay boroboagaan u sameeyaan argagixisada, isagoo intaa ku daray inay sameyn doonaan baadhitaan ku aadan haddii shirkadda dhismaha hakad gelisay iyo Warbaahinadii baahiyay in ay joogsatay shaqadii dib u dhiska garoonka cayaaraha ee Muqdisho.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 14)

  1. NuurkaNederland says:

    SALAAD WALBA WAQTIGEEDAA LA TUKADAA.
    MAANTA MAAHA MAALIN CIYAAR & GAROON.
    NIN BAAHAN BANOONI MADHEELO

  2. NuurkaNederland says:

    KKKKKK.
    WAXAAN LA YAABAA SOMALIDA CAQLIGEEDA,
    ALSHABAB ISIS,ALQACIDA,BAY KAGA DHEGTAY LKN ISMA WEYDIIYAAN ALSHABAB,ISIS,ALQACIDA,YAA FANGAREEYA,SAMAYSTAY,OO AYKA AMAR QAADATAA?
    DABCAN DFS & NISA WAA OGTAHAY LKN SHACABKU MA OGA.
    WAXAA KOOXAAS LEH OO SAMAYSTAY SIRDOONO CAALAMIYA SIDA:CIA,SIS-MI6,MOSSAD iwm.OK,
    WAX XAGJIR,ARGAGAXISO LA DHAHAA MA JIRTO LKN WAXAA JIRA KOOXO QANDARAASLAYAAL AH OO ISU SOO EKAYDSIIYA XAGJIR,ARGAGAXISO MACLUUMAADKANA KA QAATA CIA,MI6,MOSSAD IWM.
    OK,SOMALIYANA HADA KAMA SHAQAYN KAREEN KOOXAHAASI HADAYSAN DFS & NISA,XALANE,BALIDOOGLE,GACAN KA HELAYN..
    SOMALIDU WAABAY KA BAQDAA SHEEG SHEEGA KOOXAHAAS,AFBUUXAAN KU LEEYAHAY:CIA,MI6,MOSSAD are TERRORIST’s.
    CIA is FOUNDING ISIS.
    TRUMP SAYS:OBAMA IS THE FOUNDER OF ISIS.
    OSAMA BEN LADEN HE WAS CIA.WHY NOT?STILL HE IS ALIVE(BAHAMAS)OBAMA didn’t kill OSAMA!!true story!!.
    ISIS MADE IN ISRAEL.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK’s.
    ISRAEL DID 9/11 & IN SIDE JOB,(4000 JEWISH is ABSENT 11/9/2001).why not?WAY OGAAYEEN WAXA DHACAYA SUBAXAAS.
    WAXAAN ARKAA IN ALSHABAB,ISIS,DFS,NISA,HALMEEL DHAQAALAHA LAGA WADA SIIYO WAA GAME-ka LAGU CIYAARAYAANA WAA SHACABKA SOMALIYED EE MASAAKIINTA AH.WAX LA AQBALI KARANA MA AHA.

  3. Mohamuud says:

    maadaama burbur xooganu dhacay bulshadu waa u baahan tahay jihayn ,madadaalo si ay u iloowaan wixii soo maray oo ay arkaan ama ogaadaan sida aduunku ushaqeeyo, barnaamij beeraha lagu xoojinayo wuu socdaa ,baahida aad ka hadashay ,wasaarad walba shaqadeeda hoos bay kawadaa

  4. Xaange says:

    Sagaaradu saaladeeda oo loo jeedo ayay aastaa baan maqli jirey.
    Shabaab inay meel walba canshuur ka qaado miyaa ah wax qarsoon. Sirkada iyo shaqaalaha Garoonka dhisayana inay zakawaad waydiisteen shaki kuma jiro.
    Waxaan kaloo ognahay in 500 000 Qatar siisay Shabaab si loo dhiso Wadada Muqdisho – Afgooye si aanay u carqaladayn dhismaheeda.

  5. Dabshid says:

    Jabhad

    Aad iyo aad ayaan kaaga MAHADCELIYEY, INAAD BARXADDA KALSHAALE ka sheegtay – inaan sidaan u dhaliilijirey XASSAN SHIIKH

    -Waqtigaas Ragbaa igu dhihijirey, Waceysle nimo ayaad u mucaaradeysaa

    Rag uu kujiro @ Mustafe Daacad ayaa dhihijirey, hadaad xitaa mucaaridday Banaadir State, yaad taageeraan

    – waqtigaas @ Ahmed Somali iyo @ Khaatumo hanoolaato waa iga sii xag jireen oo ayagu waxey lahaayeen WAA MAAMUL HAWIYE.

  6. Dabshid says:

    Waxaan kaloo marqaati furahayaa

    Iney @ Mr BaHal, Mr Jabhad iyo Mr Ali Zubeer ahaayeen sidey haddaba ku yihiin Maamulka Banaadir State

    @ Shiikh C/Raraxmaan sidiisa ayuu ahaa oo lahaa – waa Xeelad cusub iyo Jilaafo loo naleegay ‘ Soomaali Maskiin.

    Mr Cadaado sidaas ayuu Habar-Gidir u karbaashagayey,

    @ Caruurta Faroole, sidaas ayey u ceytamahayeen.

    – Aniga asa @ Mr Dabshid
    sidaas ayaan u lahaa – Somaliland oo maqan Qaran buuxo ma jiro ee XASSAN Shiikhow KAAYEELIMEYNO INAAD CANSHUURTA EEDO BATUULO u qeybiso – DOOLI IYO DOORSHAAN

  7. Dabshid says:

    Waxaa Barxadda ku soo siyaasad

    @ Ahmed Somali iyo Khaatumo hanoolaato, oo moodey 8dii February iney la mid noqoneyso 21kii October ee XHKS.

    Waxaa kaloo Kalshaale ku soo biirey ayagoo WARMAHOODA WATO ‘ GUULWADE YAAL CUSUB oo aan ogeyn TAARIIKHDA BARXADDA KALSHAALE.

    @ Mr Jabhad

    Eebow anigu sidaan horey kuugu sheegay ninaan Hiraab aheyn dhib ima gaarsiin oo ayagaa diley Walaal iyo ilmo adeer.

    Laakiin marnaba yeelimagayo, 3 million oo Xamar degan, iyo intoo kale oo qax ku maqan haku laabteen system ay AQBALEEN AABOYAASHEEN AAQIRKIINA HORSEEDAY DHIBKII 1991.

    – Muqdisho waxey leedahay MAQAAMKA ay leeyahiin London, Paris etc.

    Jiimbaartaada Saxaraha dhigo, kugu heysto lkn kaama yeelin XAMAR WAA BADDAA INDIAN Ocean OO DOOLI IYO Doorshaan – KA SHAQE T STAAN.

  8. xaange says:

    Dabshid
    Amba haddaan laangaab ama gun gun dhebey ahay qoladayda ma sheegeen.Ee waligaa qolodaada ha sheegin.Laakiin afkaartaada ayaa ku sheegaysa waxaad tagay lol

  9. Mr BaHaL says:

    Mr Dabshid

    Kolay anuu mucaarid kuma ihi in Caasimadu yeelato maamul u gaar ah.Uma malayno in jiro qof kale oo diidan in Caasimadu noqoto mid maamulkeedu gaar u yahay.Laakiin waa goorma?
    Yaa samaynaya maamulkaasi?
    Waxaan door bidayaa in horta magaalada laga xoreeyo Alshabaab.Wadankua yara xasilo.

    Waxaa muuqda in kooxdan qaylada badan ee raadiya maqaamka Muqdisho ay leeyihin ujeedo gaar ah.

    Maqaamka Caasimada waxaa dhisidoona dawlada – maaha mid khuseeya Oday-dhaqameed iyo dawlad-diid isbarkan.

    Kooxdaasi waa Alshaab iyo dawladiid isbarkan.

    Deeda kale,dee maqaanka Muqdisho uma yaalo Hawiye oo kaliya.Wuxuu u yaalaa dadka degan magaalada Muqdisho oo dhan.

    Teeda kale,dee waxay kooxdani rabaan in magaalada Hawiyeeyaan oo u samaystaan maamul Hawiye.Kaasi oo kasii ah dawladiid.Iyo in lagu xalaashado guryihii la dhacay.

    Marka Muqdisho yeelato nidaam iyo kala dambayn ee maxkaduhu shaqeeyaan ayaa loo dhaqqaaqidoonaa Banaadir State.

    Xasan Daahir Aaways ayaaba iga qoslay.Kulahaa,80 ka soo jeeda Beesha Caydh ayaa guri dhacay ilaa haatan ku nool oo diiday inuu ka baxo.Waxaa dhicikarta inuu qayb ka yahay dad u ololaynaya Maqaamka Muqdisho.

    dee hadii kale Caasimada hala geeyo Baydhabo.

    Dalmida

  10. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Waqtigii laga shaqeyn lahaa MAQAAMKA Xamar waala jooga, ninka hor istaagey wuxuu ahaa Xassan Shiikh oo aaminsanaa inuu asagu yahey Governor Banaadir State

    Qoladaan Qurbo-joogta ee hadda Villa joogto waa qolo u dhaqmeyso sida Nin Transit ku ah free Supermarket oo bac wato.

    Maqaam Xamar, wadahadal Waqooyi midna qorsha uguma jiro, xitaa iney ka doodaan dacwo Bad Dhulka xortaa meysan rabin.

    Mr BaHal

    Nin Villa deeqdo, nin Koofur iyo Waqooyi baa deeqdo.

  11. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Waligaa ha isku qasin Muqdisho as Caasimadda

    Iyo Muqdisho as Deegaan

    Wax waad ka dhihikartaa, waad ka shaqeysan jartaa, waad ku noolaankartaa, lkn lagaa yeelimahayo sidii BADDAA INDIAN Ocean hala DHEX DABAASHO

    -sxb caadi iska 3da Caasimadood marba mid seexo oo ka shaqeyso, Jabuuti, Hargeysa iyo Xamar.

  12. Kalsame says:

    Qarandiidka iyo mucaarad hungurigu iyana isma oggola ummadda kalena ma oggola. Bal eeg maalin waa sxb maalinna waa col.

    Halkaa waxaad ka garanaysaa inay yihiin dad baadhil wada doonaya iyo in Soomaaliya jilbaha dhulka loogu hayo aanayna abid dawlad helin.

    Qaar baa la nool wali taariikh duugowday oo bushimaha ruugaya iyo gaws danbeedada. Qaar baa masayr wada muraara-dillaac ah.

    Waa dad wax kasta oo wanaag iyo horumar ah oo ay Dawladdu ku tallaabsato ku xajiimooda. Adeerrayaaloow dalkani dib u noqon mayee tareenku yaanu idinka tegin.

    Fir awoowe waa waxaan Ilaah kugu alhuumayne, aagaanba aagaankuu dhaluu aanadii yahaye, ibnu jabhad waa ibnu waa ibnu jabhad, bahasha waa la iska dhaxlaa.

    Taariikhda Soomaaliya haddaad dib u eegto waligeed xoogagga qaran doonka iyo kuwa qolo doonku waa is hayeen, mar walbana kuwa qaran doonka ayaa guusha la carraabi jiray. Marka laga lug meersado ayay dabada cadawga dabada la gali jireen, waa tabinkii maanatana.

    Haddaad tiraahdo war dadka dhinac ka raac, oo haanta gadaanka wax ka qabo, ma anaa guulwadayn kara cimrigaan weeye marmarsiiyuhu. Wa rabbanaa yahdiikum.

    VIVA N & N.

    DALMIDA.

  13. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Anuu waxan ahay muwaadin Somaliyeed oo degan caasimadiisii Muqdisho.Xaqbaan u yeelanayaa in aan noqdo Duqa Muqdisho.

    Hadayna sidaa ahayn,dee adna Caasimad Reeraysan lagaa yeelimaayo.
    Somali – waa Somali.
    Dhulkii Awoowyaashay.Wacbuudhan igama xigaan Muqdisho marka ay Somalinimo timadaado.

    Dalmida

  14. Dabshid says:

    Mr BaHal

    Taas ayaa xaqiiq ah, maamulka Banaadir waa iney u simanyahiin dhamaan muwaadiyiinta DEGAN DEGMOOYINKA XAMAR ( not 4.5 hotel jiifo).

    Qofkasto oo degan degmooyinka Xamar waa la dooran karaa, waxna waa dooran karaa.

    – is adkee dib loo laaban mahayee.




MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]
- Oct 14, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday ...
Madaxwayne Farmaajo oo Bulshada la Wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku ...
Maraykanka oo Ciidamo Cusub usoo Diraya Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Oct 14, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay ...
Boorame: Sheikh Xasan Daheeye oo Si kulul uga hadlay Xafladii Kismaayo, Siciid DENI iyo Xaalada Somalia [Muuqaal]
- Oct 14, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ...
DAAWO VIDEO: Baarlamanka Puntland “Kismaayo Caleemo Saar kama dhicin, Waxay ahayd Af-lagaado Madaxda DF”
- Oct 14, 2019
Boosaaso ( Kalshaale ) XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!