Muqdisho : Sarkaal Qarax loogu xidhay Gadhigiisa iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekadda  ka dhacay Qarax gaadhi  Noociisu yahay SURF  loogu xidhay  sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana sargaalka la sheegay in qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaadhay.

Sida wararku sheegayaan Jeneraalka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhoore, waxaana qaraxa gaadhiga loogu xidhay uu dhacay Xili uu ku sugnaa Xarun shidaal uu ka qaadanayay, oo ku taal degmada Xamar Jajab.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay inuu  ilaalo u ahaa sarkaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baadhitaano ku aadan qaraxan haleelay gaariga sarkaalka booliiska,  waxaana dab xoogan uu qabsaday Kaalinta Shidaalka ee Qaraxu ka dhacay.

Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ah falalka qorsheysan ee Alshabaab wax ku disho, kuna ugaadhsato Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha iyo saraakiisha Ciidamada ee ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!