Khilaaf ka dhashay Halka lagu Aasayo Robert Mugabe iyo Dadka isku haysta

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa jimcihii ku geeriyooday dalka Singapore oo caafimaad ahaan loo geeyay, waxaana hada soo baxaya in uu khilaaf ka jiro halka lagu aasayo iyo cida maamuleysa aaskiisa.

Qoyska Robert Mugabe iyo Madaxda hogaamisa dowlada Zimbabwe ayaa la sheegay in ay isku khilaafsan yihiin goobta lagu aasayo Madaxweynaha iyo hab maamuuska dowlada u diyaarisay.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa la sheegay inuu ka codsaday qoyskiisa hadii uu dhinto in dowlada aysan aaskiisa faraha lasoo gelin laguna aaso deegaankii uu kasoo jeeday ee Zvimba.

Dowlada ayaa dhankeeda wada qaban qaabada aas qaran ay dooneyso in loo sameeyo Robert Mugabe, waxaana dowlada la sheegay in ay dooneyso in Mugabe lagu aaso Qabuuraha Qaranka ee kuyaala Harare halka qoyska Mugabe kasoo horjeedaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa talada dalkaasi hayay mudo 37-sano ah kahor inta aan xilka xoog looga tuurin , waxaana talada dalkaasi la wareegay kuxigeenkiisa hore oo la sheegay in ay isku xumaadeen aadan u kala fogaadeen.

Aaska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe ayaa la filayaa in uu dhaco Axada soo socota, mana shaacin dowlada goobta rasmiga ah ee lagu aasi doono Madaxweynaha iyo dadka kasoo qeyb gali doona aaska Qaran ee Mugabe loo sameenayo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




DAAWO MD. Farmaajo oo ka hadlay Muhiimada Shirkii Dh/mareeb iyo FIQI oo Dhaliilay War-murtiyeedka [Akhriso]
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii beelaha wada degga Gal-mudug, ee ka Qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ...
MUUQAAL: Ilhaan Cumar oo Bixisay Waraysi aan Farxad gelin Natanyahu iyo Codsi ay u dirtay Shacabka Israel
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ...
DAAWO: Madaxda Ruushka, Iiraan, iyo Turkiga oo Heshiis ka gaadhay Arimaha Suuriya
- Sep 17, 2019
Ankara  ( Kalshaale ) Madaxeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Isniintii shalay kulan sadex-geesood ...
Jubbaland yaa ku matali doona Shirwaynaha Muqdisho ka dhacaya ?
- Sep 17, 2019
Muqdisho  ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa lagu wadaa in billowga Bisha October ...
Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Balcad ee Khasaaraha ba’an dhaliyey
- Sep 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa ka hadlay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!