Ciidamada Kenya oo dilay Nin ay sheegeen inuu la dashay Ninkii Fuliyey Weerarkii Hotel Dusit

Nairobi ( Kalshaale ) Booliska Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay dhawaan dileen Nin la dhashay Ninkii sanadkii hore isku qarxiyay Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay ogaadeen in  Mohamed Rashid Mwatsumiro, oo ay 30kii Bishan ku dileen Gobolka Kwale ayaa sheegay in uu la dhashay Ninkii billaabay weerarkii Dusit D2, kaas oo lagu magacaabayay Mahir Khalid Riziki.

Labada Nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay ku tababarteen gudaha Soomaaliya markii horena u safreen Tanzania kaddibna dib ugu laabteen dalka Kenya.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay rumeysanyihiin in qoyskaasi dhamaantood ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Modi, ayaa 30kii August Ciidamada Kenya kula dagaallamay Guri uu ka degganaa degaanka Kwale halkaas oo ay rasaas isku dhaafsadeen islamarkaana sababtay in uu geeriyoodo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo soo Muuqday
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Isbadelka iyo Nabadda ka Hirgashay Muqdisho iyo Doorka Dhalinyaradda oo ...
Daawo: Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey “Muqdisho 2019 Guryo lagu kala haysan maayo”
- Nov 17, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Guri dadkii lagaa lagu Wareejiyey "Muqdisho 2019 Guryo lagu kala ...
DHEGAYSO: Puntland oo War Cusub kasoo saartay Ciidankii Galay Boosaaso iyo Sida looga saaray [Waraysi]
- Nov 17, 2019
Garoowe  ( Kalshaale )  Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay ciidamadii soo galay magaaladda Boosaso ...
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si adag uga Hadlay Hadalkii Sheikh Shariif iyo Xaalada Soomaaliya
- Nov 17, 2019
Qaahira ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay sida ...
MUUQAAL: Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan
- Nov 17, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Riwaayada Dhib iyo Dhalaan Qaybtii Saddexaad oo Xiiso badan

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!