Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya

Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya.

War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku jirin.

Kenya ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.

Hase ahaatee Jabuuti ayaa sheegtay in aysan ka rajo dhigin ololaha ay kursigaas uga jirto, isla markaana ay taageero ka raadsan doonto dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Dalalka ka midka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 57 dowladood, waxayna taas ay ka saacidi kartaa in dowladda Jabuuti ay ku guuleysato Kursigan, marka la gaaro codeynta Qaramada Midoobey oo dhammaan dalalka xubinta ka ah ay si kama dambeys ah ay ugu codeyn doonaan kursiga ay ku tartamayaan Jabuuti iyo Kenya.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-06-15 12:33:49Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com
Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Cadaado says:

    Waryaada agoonta kacaanka Kalshaale, joojiya beenta. Wax urur islaam ah oo shaqeeya, oo karti leh majirraan.

    Waxaan waa magac u yaal, eey iskugu yimaadeen wadammo hooyadood wasooyin ah oo aanan runta isku sheegi karrin.

    Somaliya iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ururkaan kuwada jirra. Afgaanistaan iyo Pakistaan oo wasta Afgaanistaan oo uga darran Hindida ayaa kuwada jirra ururkaan. Qatar iyo Sacuudiga ayaa kuwada jirra ururkaan.

    Dhamaan daanyeertaan waa dad aanan caqli laheeyn oo xataa mudaaharaad ahaan u dhihi karrin annaga iyo daanyeerta so on and so on, iskulla mid jirri karnno ururukana beenta ah, ee xataa aanan awoodin in uu noo kala garqaado.
    Daanyeero.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Sheikh Umal oo Kulan Balaadhan kula Hadlaya Shacabka Muqdiso iyo Dad kasoo Horjeestay !
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Sheekh  Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ...
MUUQAAL: Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii Gaalkacyo oo Xukun lagu riday
- Nov 21, 2019
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Waxaa Xukun lagu riday Mid kamid ah Raggii Fuliyey Qaraxii ...
Daawo Muuqaal: Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
- Nov 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale ) Gabadh Caqli badan oo Jawaab siisay Boqor Buur-madow
MUUQAAL: Taliyaha ciidanka Booliska oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman [Daawo]
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maalintii shalay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay ...
Axmed Xuseen oo Mar kale kasoo Muuqday Golaha Wasiirada ee dalka Canada
- Nov 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!