Faallo: Muxuu ka dhigan yahay Kulanka madaxda DF Soomaliya iyo Somaliland

Laascaanood ( Kalshaale ) Barigii SNM-tu Burco ku soo noqotay 1991 ayaa waxaa la mamnuucay in diinta, nabiga iyo ilaahay la aflagaadeeyo, waxaana la soo saaray sharci qofkii lagu qabto isagoo waxaa samaynaya in la xidhayo.

Maalintii danbe ayaa mid la soo qabtay isagoo suuqa jooga oo af-lagaadadii la diiday ku kacay, markii jeelka dhexe la keenay oo Oobigii laga qorayo ayaa waxaa soo baxay sarkaalkii Jeelka haystay markaasuu yidhi muxuu sameeyey markaasaa la yidhi diintuu aflagaadeeyey.

Intuu ku soo jeestay ayuu ku yidhi aarmadaa diinta caayey, ilaahaaga waxaa ku sameeye.

Waa lagu kala cararay, afkaa la kala qaaday waxay noqotay in taliyihii isna la xidho iyo in ninkii la sii daayo, waxaa xaal ku soo ururay in ninkiina la sii daayo taliyihiina hawshiisa wato.

Hadda Muuse Biixi, Maxamad Kaahin iyo Warancade waxay taagan yihiin kaalintii taliyihii saldhiga, kol haday sameeyeen waxay shacabka ka hortaagnaayeen ama waa in Muuse liinta Mandheera ku cabaa ama waa in arrintan kor loolaalaa, maxay ku kula duwan yihiin Makka oo Muuse Biixi ku qaabilay Bayle iyo Bidhaan oo reer waqooyi ah isla markaana ka tirsan Federaalka iyo in uu Madaxtooyada Hargeysa kula kulmo, ilayn qofka kulan samaynayaa waa Muusee.

Arrintan la jiifiyaana banaan ayey ku noqotay Muuse, waana gool Muuse iska dhaliyey sababtoo ah Abdilmalik Musa Coldoon oo Muqdisho Farmaajo kula kulmay isagoon cabidmaalik xil hayn waa lagu xidhay, waxaa ugu danbeeyey wiilkii xabsiga lagu dhigay calanka Soomaaliya , maantana Muuse Biixi wuxuu la sawiran yahay Beyle oo reer waqooyi ah oo calankii Soomaaliya luqunta u sudhan yahay, kulankan ninkii Muuse kula taliyey kuna qarciyey in sawirkan layska qaado god ayuu Muuse ku riday marka lagu eego aragtida xagjirnimada ee Muuse taagnaa iyo taageerayaasha gooni isu taaga.

Waliba xisbiga Wadani waxay u tahay fursad aanay hore u helin, maadaama uu Kulmiye in badan ku eedeeyey in Wadani u nugul yahay Soomaaliweyn oo waxa kaliya ee ay ku haysteen ahayd siyaasadda Wadani ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya, iyo kulamo ay ku eedeeyeen in ay madaxda federaalka la qaateen oo aan cadeyn loo hayn, laakiin halkan waxaa saaka muuqada odaygii Kulmiye iyo madaxweynihii Somaliland oo la kulmay wasiiradii ugu cuslaa reer waqooyiga iyo Federaalka Soomaaliya.

Haddaba marka lagu aragtida bisil waa kulan mudan in la soo dhaweeyo, wuxuuna ka dhacay goob barakaysan, waxaana muhiim ah in la garowsado in wadahadalku ka fiican yahay kala fogaanshaha, waliba in laysla meel dhigo in la galo wadahadal aan shuruud lahayn, laguna wadahadalo Soomaaliya gudaheeda, madaxda labada dhinacna ku kulmaan Hargeysa iyo Muqdisho iyada oo dhinac waliba doodiisa wato, isla markaana soo bandhigayo badheehihiisa, waxaana qabaa in Muuse Biixi madaxda Federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo in Hargeysa lagu casuumo, ama wasiirada Federalka, dhinaca kale iyagu markasta waa diyaar.

Waxa kale oo muhiim ah in laysla garowsado 29 sano ka dib in la yaqiinsado in aanu gooni isu taagu suura gal ahayn ee siyaasado kale iyo shuruuda kale loo diga rogto.

Waxaa Qoray  : Asad Cadaani Ibraahim

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 26)

  1. Aarka hargaysa says:

    Waa been abuur inakashin gacmihiisu cadcadaa carab ayay madixii inakaahin dul dhigeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Idoor liqe says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Colka wadhaf ma lugu dayey ,
    man of the match ,Ahmed Ciise Cawad . Gini baa yaabtay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Jabhad says:

    Xaaji muuse meeshii ugu mudnayd ayuu isku soo
    Dhiibay waana geesi gartay halka gartu taal xabashi
    Xaramkaa ka roon

  4. Garqaad says:

    Jabhad.
    Kkkķkk.

    Muxuu yahay isdhiibowga aad sheegeysid?

    Muuse biixi haduu xitaa aqbalo in sawir lala galo miyuu isdhiibay.

    Hadal jilicsan miyuu rag kaa celiyo.

    Caadi Iska dhig muuse biixi. Haduu aqbalo Wadahadal isaga laysu dhiibay.

    War ninka ka taliyo tukaraq ilaa labada xuduud ee jabuuti iyo itoobiya. Isagaa maanta somali u sareeyo. Hadeeysan kaa hadashiineyn cadiifadii yareyd.

  5. Mr BaHaL says:

    3 qof way qoslayaan halka ay 3-da kale afka isku qabteen ee ay u muuqdaan dad bilaa farxad ah.

    Bal ii kala sheega.

    Anuu waxaan gartay,Bayle,Biixi iyo Ina Kaahin.Inta kale ma garanayo.

    Mr Biixi iyo Kaahin way aamusan yihiin oo afka ayay buurayaan,waxaa ku xiga Mr Bayle oo aad faraxsan,waxaa ku xiga mid gafuurka taagaya oo talo ku ciirtay.Waxaa ku xiga lab qof oo kale oo faraxsan.

    Waxaan u qaatay – ma hubo,laakiin aaan u maleeyay in sadexdaa faraxsani ay yihiin Somaliwayn.

    Waayo,Biixi oo aamusan,Ina Kaahin oo aamusa,kan kale ee sadexaad ee aamusani wuxuu noqonayaa – Xerta uu Biixi wato.

    Anyway,meesha waxaa ka muuqda dad faraxsan iyo dad murugysan.

    Dalmida

  6. Jabhad says:

    Kkkk

    Garqaad

    Isdhibidu doqonimo maaha kol haday siyasada kugu

    Qalocdo dhanka kala looga warega siduu mr buuba

    Kula dardarmay xaji muuse arintani SAWIR ka wayn

    Siduu MR BEYLE noo shegay waxaa soo afjarmay

    caradii iyo coladii muuse uu u qabay federalka iyo

    Dowlada somaliyeed

  7. Zaki says:

    Muwaadiniinta Somalilanderka ah ee ka shaqaysta Somalia ayaa Madaxweynohooda Salaan ugu yimi,inta kalena waxay fayl usoo galeen Salaantiisa
    kkk
    kkk

    Cawadkii Wasaarada Khaarajiga Villa-war-dhiiglay mooday Jiiddii Tukaraq ee xataa Somaliland Ku Cambaareeyay Sii daynta Maxaabiistii Hargeysa Ku xidhnayd ayaa ka muuqda Sawirka.

    Wada-hadalkii ayaanu kala soo hadalnay Farmaajooy weftiga Somaliland ee Xajka gudanayay
    kkk

    Villa-war-dhiiglay cidina wada-hadal lama furayso ee qarowga hayska daayaan.

  8. Garqaad says:

    Mr bahal.
    Kkkķkk.

    Anigu waxaan u fahmay. Qolyaha banaadir state. Ka socdo. In ay ku faraxsan yihiin in ay la kulmaan. Madaxdii reer woqooyi Somaliland ugu sareeyay. Taas ay ugu wacan tahay in ay farxad la qoslaan.

    Nin walbo siduu isagu jecel yahay waa uga hadli karaa. Sawirka. Laakiin waxaa xaqiiq ah. Qolada reer Somaliland in ay dad wakiil leeyihiin oo lasoo dirsaday. Laakiin qolyaha ka socdo banaadir state. Cid soo wakiilatay soo dirsataahi majirto.

    Waxaan sidaas u leeyahay. Wasiir cawad wuxuu kasoo jedaa pudland. Kuma dhoco in uu shirka wasiirada ku qabto. Garoowe. Wasiir beyle wuxuu kasoo jeedaa borame. Kuma dhoco in uu hooyadii oo xanuun kusoo booqdo. Hadaadan dadkaaga wakiil ka aheyn soo booqan karin. Mexeey kuu sheegeysaa marada aduunka laga aqoonsan yahay in aad sidato.

  9. Mr BaHaL says:

    Sorry

    Mr Cawadna waan gartay.

    Waar Mr Cawad mar dambe ayaan gartay.

    Dalmida

  10. Khaatumo haanoolaatoo says:

    Culimada waxan kamaqlay xashku maqbuula maaha hadaan laysa saamixin
    Kolay jabhada SNM cadha ka muuqata ilahay hasohadeyo o tolow boqorku ma qaabilay
    Dadkan is gudub ordaya malaha tartanba meesha kasocda WBT

  11. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Aduu haysku dayin inaad Beesha Hawiye ka dhigto kuwo isku fikir ah.

    Kooxda ku qadhaabta qabyaalada ee ku qadhaabta Maqaamka Muqdisho waa dhashii Moortaanta oo xaraan ku waynaaday oo u baahan inay laga xoreeyo Muqdisho iyo Beesha Hawiye qudhooda.

    Somaliya,Degmo kasta ama Beel kastaa waxay leedahay Mooryaan,waana kuwa wadanka waalaya ee u baahan in wadanka laga xoreeyo.

    Madaxwayne Formaajo waa reer Muqdisho.Muqdisho ayuu ku dhashay oo barbaaray oo Aaabihii ayaa ku dhashay ama ku barbaaray.

    Kama xigaan Muqdisho iyo maqaamkeeda.Taasi ogaada hadaad tihiin Kooxdaasi la soo afjarayo.

    Kooxda ku qadhaabta Maqaamka Muqdisho waa koox xaraan ah,waana la soo afjaraya.

    Gobolkasta waxaa jooga koox Tuug ah.Waa laga guulaysandonaa.

    Muuse Biixi wuu ogyahay inuu dhamaaday wakhtigii Mooryaanimadu.

    Waa la soo qabayaa isaga iyo Zeycliga hoos fadhiya.

    Gu’gii guusha Somaliyeed wuu curtay.

    Dalmida

  12. Kalsame says:

    Alle wuu awoodaa inuu qalbiyada Soomaalida maxabba dhex dhigo qilaafka is tuhunkana ka dhex saaroo mideeyo.

    Sawirkani fasir kale uma baahna, waa bilawgii isu soo hilawga iyo midnimada.

    Alaa inna nasrallaahi qariib..

  13. Khaatumo haanoolaatooo says:

    Horta sucuudiga ma waxa lotegay in lagaso xajiyo mise siyaasadba lotegay
    Mar labaad halaso xajiyo sidan diintu ma ogola e Mr biixi waa in maxkamad lasotago
    Marhadu lakulmay wasiiro kasocda jamhuriyada barakaysan e somaliya
    Mise awel maxkamadaba isaga iskalahaa o sharcigu maqabanayo maxa lo xidhxidhay
    Masaakinta tagtay xamar hadu muuse isaguba la shekaysanayo wasiirada dowlada
    Federaalka muxu jeelka ugu jira coldon WBT

  14. Jabhad says:

    Khatomo hanolato

    Xaaji muuse meeshii ugu habonayd ee uu siyaasi

    Somalilander ah ku DIGA ROGAN lahaa ayu helay

    Waana xajka dowlada sucudiga oo fududaysay

    Kulanka way mahadsan tahay waxaan sugnaaba

    Waa kulan la isku laabxarto waxay u muuqata

    Sucudiga inuu ciqabayo UAE ka iiraan isu dhiibay

    Iyo CADAN jabkii ka dhacay UAE ka huleel arlada

    Somali

  15. Barwaaqo says:

    Muse iyo waftigiisu passport ka qarankoodda ayey wataan , waa caadi In qaran walaalkood ah ay sawir la galaan.

  16. Zaki says:

    Jabhad

    Waar Riyada iska daa

    Yeman waxay u eegtahay inay Ku noqonayso siday ahaayeen Somaliland iyo Somalia ka hor midowgii.
    Yemantii Koonfureed iyo tii Woqooyi waxay midoobeen 1990,waxase hadda ay noqonayaan labadii dal ee ay ahaan jireen.

    Carabtiina dal aanu isku qadiyad nahay baa kasoo baxay.

    Saudi&Uae waxay taageersan yihiin qaybta Cadan caasimada u tahay ee Woqooyi,waxana loo aqoonsanayaa dal ka gaara Yamanta Sanca ee Xuutiyiintu ka taliyaan,ee Iiraan taageerto
    lolz
    kkk
    kk

  17. Zaki says:

    Khaatumo

    Biixi isagaa metela ayna doorteen Shacabka Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland,kuna hadli kara afkooda ee kuwa Somalia yay metelaan?

    -Ma waxa jira Shacab doortay,oo codkooda ay Ku fadhiyaan kuraasta?
    -Waxan Ku qoslaa markay yidhaahdaan Golaha Shacabka!!!!

    Shacabkee,ma Nimanka Odayaasha 135 ahi soo doorteen ayaa noqday Gole Shacab?

    Se xagay ka taliyaan,soo maaha nimankaa Godka Ku jira sidii jiirka ee waraaq aan meel gaadhayn soo saaraya marba,kuna riyoonaya inay godkaa lagu waardiyaynayo ka maamulaan Soomaali?!

  18. warda says:

    Muuse xaq ayuu u leeyahay inu raadiyo ragi u fududeeyay inu So xajiyo waxay u egtahay kulan mahadcelin ah

  19. Mr BaHaL says:

    Waar bal sawir eega.

    Macne waynbaa ku jira qosolka iyo afka xidhan ee ragan sawirka wada galay.

    Body laguageka warbaa ku dhan.

    Waxaa la moodaa dad guulaystay iyo dad guuldaraystay.

    Dalmida

  20. Ali Zubeer says:

    Sawirkan micno wayn kuma fadhiya waayo Somali way kulantaa weligeedna ishaydaartaa. Waxaase dhab ah in Mooryaantii SNM albaabadii oo dhan ka soo xidhmeen.

    Haddii ay diidaanna DFS ayan hostage ama la hayste u noqonayn beenta jeegaanta.

    Maalmaha jeegaantu way sii idlaanayaan

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  21. Dabshid says:

    Warda

    Kkkkkk

    Warkii ugu kaftan fiicnaa @ Ms Warda ayaa dhahdey, waan hubaa iney ku dhalatey WAABERI.

    Inta kale warkiinu waa Faan iyo hadal maryooley

    – Warda ***

  22. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Waa runtaa kkkk

    Warda,waa gabadh akhyaar ah.

    Dalmida

  23. Garqaad says:

    Qof walbo si. U arag.

  24. Somalijecel says:

    Kkkk Waar ninkii Muuse handaraab aka gadho la oohiye waa uu shiiday malaha Farmaajo ayuu yiri fariin iga gaarsii waa la isku soo noqonee ninkii jooga addunyadan dulqaadka badiya.Aad bay u qurux badan tahay in shaaha la wada cabaa,la kaftamaa jiilaal markuu yimaado si hoose loo wada hadlaa waa wax wanaagsan.Soomaalidu waa dad garasho yar waxa ugu fudud oo siyaasad ah bay isku nacaan iskuna dilaan.

  25. sOmalilander says:

    Masha Allah..waa sawir qurux badan, wuxuunaa ka tarjumayaa Islaam nimada, Soomalinimada iyo jaarnimada.

    Maadaamaa meesha laysku arkay tahay XARRAMKII ALLAH ee ugu qaalisanaa aduunayada meel la booqdo.

    Halakala Saaro Siyaasada Iyo Cibaadada Allah.

    God bless Somaliland!

  26. sOmalilander says:

    Cibaada Allah saaxiib baynu ku nahay iyo walaalo laakiin siyaasada waan ku kala duwanahay..

    Masjidkaba soow wadi gali maynoo oo ku wada tukan mayno.

    YAA WADUUUUD!

    God bless Somaliland!




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!