MUUQAAL: Xukuumadda Soomaliland iyo Dagaalka Ceel-Afwayn dadka ay ku eedaysay iyo khasaarihii oo kordhay

Hargeisa  ( Kalshaale ) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa  ayaa sheegay inay korodhay Khasaaraha ka dhashay  Rasaastii ay dabley Hubaysan ku Furtay  Dad ku sugnaa Gudaha deegaanka Ceel-Afwayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen in  dhimashada guud   ee Weerarkii ugu dambeeyay uu gaadhayo a 7-Ruux oo isugu jira 4 haween ah iyo 3 Dumar ah, Waxayna tacsi u direen Ehelada   ay dadkaasi ka geeriyoodeen.

Wasiiradda ayaa sheegay in Dadkii kasoo Horjeeday Xaaladii degdega ahayd ee lagu soo Rogay Ceel-Afwayn hada Tallo looga baahan yahay.

Qurbajoogta Somaliland iyo  Dad ku sugan gudaha    Deegaanka ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Colaada deegaanka ee soo Noq-noqotay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    Caqli ba’ay. Waa saansaantii burburka iyo halaagga.

    ILAAAAHEEEY ma duleeyo qof muslim ah, hadii aysan iyago is duleen.

    ILAAHOOWW KALA QABOOJE, ADAA WAX QABOOJIN KAREEE…

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. Idoor Liqe says:

    7-Ruux oo isugu jira 4 haween ah iyo 3 Dumar ah,???

    Website idoor ah oo mid Murqaansan qoray baad soo xigateen .

  3. Mr BaHaL says:

    Sidee nabad lagu heliyaa meel uu qof sameeyo wixii uu doono?

    Walee in aan nabad iyo nolol la helidoonin ilaa ay dadka Somaliyeed runta wajahaan.

    Inta uu qorigu gacanta u dhawyahay,nabadu way dheertay.

    Ma jiro dhaca bilaa sobob.

    Dawlad ayaa loo baahan yahay.
    Dad xanuunsanaya ayaa loo raacay wixii ay rabeen ee ahaa,dawlad qabiil ah,.

    Calan yar ayaa meel looga taagay,kaasi ayay caabudaan,laakiin nabad iyo nolol midna kuma haystaan kumana helidoonaan.

    Dalmida

    Dalmida

  4. Guntigaab says:

    Mr bahal nin ciilan o ad dareemayso inay cuqdad dishay

  5. sOmalilander says:

    Kolayba aduunyadan aynu joogno meel walba dhibku waa ka taaganyahay, Toronto ba habeen waliba dil baa ka dhaca, labadan week ee u danbeeyay ilaa 20 qof baa ku dhintay oo lagu dilay oo soomali ku jirto.

    Waxbana lagama qaban karo qof ajashiisii dhamaatay oo dhimanayaa, wuxuun baa wanaagsan ooy tahay in dedaal laga sameeyo inaan qof kale dhiman.

    Runtii dawlad iyo shacab na waa lagu dedaalay sidii mar walba loo joojin lahaa dhibkan soo noq noqday oo dedaal naguma yara.

    Hadeerna waxaan filayaa oon rajaynayaa in degdeg loo dhamayn doonoo mashaqayooyinkaa soo noq noqonayaa ee ka dhaxeeyaa dadka walalaha ah!!

    God bless Somaliland!

  6. Dusha says:

    Alla ha kala qaboojiyo dadkaas muslimiintaa….

    Runtii waa colaad xanuun badan….waa dad wada deggan magaalo iyo baadiye haddana cola….waa cabsi joogto ah ku nooloow…waxaa wanaagsan in colaadaas si islaanimo iyo soomaalinimo ah loo xalliyo…labadan beelood oo wada dega hadda muddo badan bay isdilayeen….waxay u egtahay in Soomaaliland dhowr isku day oo ay samaysay inay fashilmeen….waxaan soo jeedin lahaa in arrinta loo oggolaado in dhaqanka Soomaliyeed si guud u xalliyaan….oo aan Isaaq keliya laga sugin inay xalliyaan….tan kale arrintu sidan malaynayo siyaasad kama marna ee Soomaaliland arrinta xagga siyaasadda haka xalliso oo jabhadda Caarre halla heshiiso, waxaa laga yaabaa haddii siyaasadda la dajiyo in wax furfurmaan oo arrinta beelaha ay fure u noqoto…..yaan la sii fiirsan dhiiga baxaya ee si degdega wax ha looga qabto…..tan kale isku dhimashada dadka waxaan ka xanuunyarayn ciriiriga nololeed iyo cabsida joogtada ah ee ka dhalanaya deriska cilloobay…..war arrinta daacad hallaga noqdo hana loo hagar baxo xag siyaasad iyo xag dhaqanba…

    Waa qormo xaleed oday Soomaliyeed ….




Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...
MUUQAAL: Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka Xamar iyo Jigjiga
- Aug 24, 2019
Boorame ( Kalshaale ) Cawaale oo ka hadlay Wuxuu kala Kulmay Boorame, Safarka ...
MUUQAAL: Saarkiishii kasoo goostay Somaliland & Madax ka tirsan Puntland oo Warbaahinta la hadlay ! [Daawo]
- Aug 23, 2019
Badhan ( Kalshaale ) Taliyihii Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!