Mucaaridka kasoo Horjeeda Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay Xildhibaano Cusub iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

Kismaayo ( Kalshaale) Guddiga doorashooyinka ay magacaabeen Golaha la baxay Badbaadada Jubbaland ee ka soo horjeeda Maamulka Axmed Madoobe ayaa saakay soo saaray Liiskooda Xildhibaanada Jubbaland, kaasoo jawaab u ah Liiskii uu xalay soo saaray Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Liiskan ay soo saareen ee Xildhibaanada ah ayaa gaaraya 75 Xildhibaan, waxaana ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan, taasoo ka duwan liiskii xalay soo baxay oo kaliya ku qornaa magaca Xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha liiska cusub ee ay soo saareen Guddiga doorashada ee la baxay Golaha Badbaadada Jubbaland ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno dibada joog ah oo aan ku sugneyn Kismaayo iyo qaar muddo Axmed Madoobe ka mucaaradayay baraha bulshada.

Tallaabadan ayaa ka dhigan mid xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland meel aad u xasaasi ah ku sii siqeysa, isla markaana tallaabooyinka labada dhinac ay kala qaadayaan ay sii horseedeyso inuu ka dhasho Labo Baarlamaan, Guddoonkooda iyo Labo Madaxweyne.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 22)

  1. gaafaw says:

    aabo axmed marsadaxad soonoqo ,car yaa sharad dhiganaayo in axmed uuna soonoqoneyn

  2. Dabshid says:

    Gaaljecel ayaa hadda kahor soo weeraray Jowhar, caradii iyo dukaamaddii ayey ku dheeleen

    Waxaa arkey Odey Jareerweyne ah (Dhiblaawe Mudullood) wuxuu dhahey ABGAAL WAAS IMAAHAA – waase soo daahaa ( Yacni markuu Abgaal soo buneysto ayuu soo qalab qaadana)

    – Hadda WALAALAHA GALGADUUD WAA IMAANDOONAN, Waase soo daahayaa, Xamar iyo Ahlu-suna ayay ku mashquuleen.

    * Taangi Kuukuuyo waa tagaa, Taariikh xunse Tirmi meeh

  3. Dabshid says:

    Gaafaw

    Car yaa Sharad ila dhigto inuusan Axmed sii joogeyn, HADEY KEENYANKU BAXAAN.

  4. Ahmed says:

    Anaa sharad kuladhigan
    In uu soo noqon mar 3 am 4
    Anaa huba kenya waxba haku
    Meraysan kenya ammoson ayay
    Ushaqaysaa uganda kula joogta
    Aya isku mid yihiin uganda
    Adiga hooyadaa miyaa dhashay

  5. Garqaad says:

    Axmed madoobe. Waa roboow oo kale. Hadaan tolnimo lagu dhaafin waa in uu caanaha ku cabaa godka jilicoow.

    Farmaajo ayaa jilisan moyee mar horaa arintaas xal laga gaari lahaa.

    Kismaayo waa riman tahay.

  6. Shire cigaal says:

    Waaba yaabay meesha majeerteen iyo dhulbahante leelkase jidwaq habaskuul weyteen degmadee ku Heleen..waa in hiraaab lasiiya 2 xildhibaan si maamumlka loogu qurxiyaa inclusive u noqdaa.. Marexaan haddi eey qabaan waa abgaal iyo Hg 2 xildhibaan lasiiya si loogula dhuuqo xamar..

  7. Mr BaHaL says:

    Axmed Madoobe keen ama mid kale oo yimaada Kismaayo,midna guul ka keeni maayo.

    Ksimayo sidaa ayay iska ahaan oo Kolba Kenya qof keensan ama Ethopiya keensan qof kale.

    Saa Somalidii ayaa sidaa noqonatay.
    Waxaa la kari waayay in sida Aadmaha loo dhaqmo oo qof la doorto .Lama karo,saa waxaa la rabaa in lays xado,lays khaayimo oo lays dilo.

    Dad ka Somaliyeed way dhinteen dhaqan ahaan oo ma noola.

    Wax ka xaaran ah ma jirto.

    Waxay u baahan yihiin Cultural Revolution.
    Tulo aan laysku haysan ma jirto.

    Waa dad si dhib yar loo isticmaalo.

    Walee Somaliya halis ayay daaqaysaa.

    Hadii aanu dhicin kacaan xagga edaabta,dhaqanka suuban,Somalinimada,Islaamnimada,xaqdhawrka iyo dad nimada dhicin,hadii aanay Somalidu balidin sida ay u fikirto,halis ayay ku jirtaa.

    Dalmida

  8. Zaki says:

    Armaajo Amxaarkii uu ka baryay inay Axmed Madoobe meesha ka saaraan ma Sawaaxiligii baa arrimaha kala hadlay,una sheegay inaanu soo faro-gelin masaalixda Kenya ee jubbaland
    Kkk
    kkk
    Halkaana Guul-darro ayaa Villa-war-dhiiglay ka raacday.
    A.Madoobe lagu dhici waa

    Baydhabo meel kasta ha moodina ayaa lagu yidhi Villa-war-dhiiglay
    kkk
    kkk
    kkk

  9. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    taase waa shibarayo heesa.. hees macan heesa..

    MOORIYAANTII MAKROOFANKA SIDAN JIDHAY AAN SOO XASUUSTAY….

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  10. BARAWANI KING says:

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Ku qabso, ku wadi meeysideeee…..

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    KHAYRE iyo FARMAAJO, halkaan waxeey moodeen GALMUDUG oo ugu shaqaynaysaa CAREABEEEY IYO GACALEEEEEEEEEEEEY..

    XAAF BAA YAABAY… 5M uu ka qaatay ugana tegay dhibtii..

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. BARAWANI KING says:

    SALAMAU CALEEKUM

    Sida wararku sheegayaan, KISMAAYO waxaa ku soo fool leh, TALIYAHA AMISON oo ETHIOPIAN ah, sidii uu qaban lahaa AXMED MADOOWBE…

    AXMED MADOOBANA wuxuu diyaarsaday ilaa 5,000 KABLALAX AH. Dhamaan hubkii KENYA yeel KISMAAYO waxaa lagu wareejiyey CIIDAMADA AXMED MADOOWBE…

    Bal aragno wixii ka dhaca… tallow 500 ASKARI oo diyaarad lagu soo daabulay, ma qaban kartaa 5,000 oo ciidan ah..

    LET US WAIT AND SEE WHAT WILL HAPPEN IN THE NEXT FEW WEEKS UP TO 24 OF AUGUST 2019.

    WALEE KISMAAYO DHIIG BADAN BEEY QABTAAA..

  12. BARAWANI KING says:

    SHIRE CIQAAL

    HARTI, LEELKASE, JIDWAAQ,…..

    Dhigoodii baa yaal… waxeey ku heeleen kuraasta DHAXAL AABBEEEEE..

    Hadii shalay deganaa HAWIYE KISMAAYO, maantay ma deggana..

    Taase waa KABLALAX ugu badnaa MUQDISHU, maantay ma joogaan..

    nin waliba taagtiis iyo tamartiis…

    Markii laga soo baxo doorashadaa.. YOOLKU wuxuu saaaran yahay..

    BUAALEEE, JAMAAMEE, JELIB, MUDUL BARAAWEE….

    SHEEKHAASHAA ku habsatay JELIB, meel u diyaariyaa hadii aad tiheen HAWIYE..

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  13. Mr BaHaL says:

    Barwaani

    Galmudug waxay odhan jireen”annaga ma Baydhabo ayuu na moodayaa”,
    kkkkkk

    Waar meesha waa in dawlad yeelataa ama iska daba wareeg lagu jiraa.

    Wixii Kenya la safan waa la jecel yahay,laakiin wixii dawlada Somaliyeed la safan waa la neceb yahay.

    Waar bal aqliba Maryoolayda u fiirso,ileen aduu waxaad tahay nin Barawaani ah oo aqli iyo Diimbaad leedahay e.

    Ibna Baraawi
    Ibna Zeylici
    Ibna Maqdisha.

    Dalmida

  14. Ali Zubeer says:

    Jubbaland way foolanaysaa waxayna ku socotaa sida socota qaybkana ma ogi;

    1. In laba madaxwaye, laba baarlamaan iwm samaysmaan sida Cadaado iyo Dhuusamareeb.

    2 In Axmad Dhuxulayste xabbadda billaabo deetana Jubbaland oo dhan qaraxdo.

    3. Inuu Axmad Madoobe xasuuqo murashaxiinta deetna mugdi gasho Jubbaland iwm

    Si kastaba qaskan waxaa wada waa Axmad Geeda Naar oo doonaya in uu indha sarcaad iyo been ku qaato doorasha u yaal aanan jirin villa Kismaayo.

    Wuxuu cabsiiyay dhammaan oday dhaqameedyada kaddib markuu mid ama laba ka dilay.

    Kismaayo waa xabsi dusha ka furan oo aanan la hadli karin.

    Aragtidayda waxaa weeye in Axmad Geeda Naar la dhaafiyo meesha si Jubbaland hore ugu socoto.

    viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  15. Ahmed says:

    Ali zuber
    Waa sida aad jecesha
    Kismaayo hal barlamaan
    Iyo hal madaxweyne ayaa
    Ka shaqayn dhi ka aad
    Kismaayo larabto alaahu
    Mini jinaa dhab ilahay
    Haynaga hayo

  16. Ahmed says:

    Ali zuber
    Waa sida aad jecesha
    Kismaayo hal barlamaan
    Iyo hal madaxweyne ayaa
    Ka shaqayn dhib ka aad
    Kismaayo larabto alaahu
    Mini jinaa dhab ilahay
    Haynaga hayo

  17. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    Kan sida ALI ZUBER, tallow ma cawlyahan miyaa?????.

    Maxaa daba dhigay AXMED MADOWBE… AXMED MADOOWBE XAFIDULLAAH, Khayr iyo barwaaqo buu u horseeday JUBBALAND.

    SOOMAALI waa xaasideen. Xogaagaas horumarka iyo nabada ee JUBBALAND heshay aa loo diidan yahay.

    Bal eega NACASKAAN VILLA SOOMAALIYA ku xaraysan sidee ari la xareeyey, oo looga marin la’yahay JUBBALAND.

    FARMAAJO, daciif, daciif dhalay.. helbihiii SADE DAAROOD kuma yaaleen, ama dhow HAWIYE baa haaystaa…

    Waa nin dhoohan… waa nin dhoohan oo sixran..

    WALAASHIISH CANAB baa noo sheegi jidhay, waano la yaabi jirnay… walee hadaan runtii ogaanay.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. BARAWANI KING says:

    MR BAHAL

    Waa runtaa waa in dawlad la helaa. Dawlad hadii la rabo, waa;

    1. LA DHAMEESTIRAA DASTUURKA QABYADA
    2. WAA IN LAGU DHAQMAA DASTUURKA
    3. KHAYRAAKA WAA IN LA QAYBSADAA
    4. WIXII MACAANO AH OO MAGACA SOOMAALIYEED LAGU HELO, LA QAYBSADAA.
    5. KHAYRAADKA WAA LA QEEXAA SIDEE LOO QAYBSAN LAHAA.
    6.DOORASHADA ONE VOTE ONE MAN WAA IN LA GAADHAA.

    Waxaa iga yaabisay:

    FARMAAJO, maxuu ugu mashquulayaa, maamulgoboleedyada…

    Dawlada soo lagama rabbin in ay la dagaalanto ARGAGAXISADA…

    Lacagta laaluushka ee lagu bixinaayo, sida XAAF oo US5 million la siiyey, sida SHARIIF SAKIIN oo la siiyey USD3million, maxaa loo siinaa oo lagu maalin gelin waayey dadka baahan, cusbutaalo, tacliin..

    WAR BAHALOOOOW, meesha dawladi ma jirto, waa MOORIYAAN soo tafa xeelatay.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  19. Ali Zubeer says:

    Sitaha Axmad

    Ma Suldaan Ali Zubeer baad leedahay dhib baad la rabtaa Jubbaland?

    Iska hadlow ina Igarre.

    Waar haddii la naqdiyo ama la odoroso siday wax u socdaan ma Jubbaland baa la dumiyay?

    kkkkk. Miskiin..

    Axmad Geedana waa la naqdin oo weliba la sheegi daanyeerimada uu samaynayo. Bal adba

    Hangaadu iyo garaadkaadu jaalle ha koraan. Weligaa nin warlord ah meelna hawgu xidhnaan, hana difaacin.

    Barawaani.

    kkkkkk. Yaa ku yidhi Suldaan Ali Zubeer baa kala jecel Soomaali. Adeer diinta horta baro oo ka daa daanyeerkaa aad leedahay Xafidahu Allah. Waxaan ku leeyahay Axmad madoobe waa nin ka been sheegay diinta oo kutub xoor ah, degaankana waxba ka qaban.

    Qabyaaladda ku wadda waa mid ka fog caqliga iyo diinta saxda ah.

    Aniga oo ina adeerkiisa ah waxaan ka hadlayaa sida uu u dib ugu dhigay Kismaayo ilaa uu ka noqday dictator aanan doonayn wax horumar ah iska daa sugidda macnaha diinta. Adigana waa iska dhaantaynaysaa.

    Nin jeclaygisa iyo xigaalaysiga waa cudur xun oo halkaa dhigay Soomaaliwayn.

    Dib u dhaca fikradeed ee ay la socoto dhaqan xumida waa mid dilooday Soomaalida maanta.

    Ilaa laga gudbana Soomaalidu meelna gaadhi mayso.

    Ugu dambayn ogow in Beesha Calwahan majority ka tahay gobolka Jubba dhexe. Cawlahan miyaa kulahaa….Miskiin.

    Nin Jubbaland kala yaqaan ha kuu warramo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  20. Mr BaHaL says:

    10 Sano ka hor markii la dhoobdhoobayay waxan loogu yeedho Jubland sidaa ayaa laysku haystay.
    Hal talaabo ah hore looma qaadin.

    saa dadkii waxan hogaaminlahaa ayaan meesha joogin.

    Dad ay Kenya isticmaalayso ayaa meesha la keenaa.Wax kale oo loo socdaana maba jiro.

    Dalmida

  21. Ahmed says:

    Ali zuber anigu waxaan
    Kuu fahmay nin gabgab ah
    Nabi amaanka badan iska
    Dhaaf wixii majority ah
    Anigu hada kama shekeynayo
    Jubooyinka majority iyo minority
    We all know who is the majority

  22. Dusha says:

    Imtixaan ayeey Jubbaland maraysaa….

    Imtixaanku waa inay weli qaan gaartay iyo inkale…

    Hadday wada hadlaan, wada tashadaan, isqanciyaan, isu dulqaataan…kadibna doorosho macquul ah oo lagu qanco qabtaan, micnaheedu waxay noqonaysaa, in intii ay dhisnayd Jubbaland aysan curyaan ahayne ay maamul shaqaynaya, hay’adihii maamul dhisaya ay ahayd…taasoo tilmaan u ah maamul horusocod ah oo qaan gaar ah…..

    Laakiin hadday dooashada ku fashilmaan, rabshado iyo dagaalo dhacaan, arrimahooda maamul maarayn waayaan, inta la soo dhexgalo laga faa’iidaysto oo la isku diro si maamulka iyo horumarka loo fashiliyo…taas iyana Jubbaland waxay uga dhigmaysaa inuu ahaa maamul jilicsan, fadhiid ah oo aan hay’ado maamul dhisin…waxay ku keenaysaa sumcad xumo iyo tafaraaruq waxaa ka faaidaysanaya cadowga aan horumarkooda iyo sharaftooda jeclayn….marka bal aan eegno in Jubbaland imtixaanka ku foosto iyo inkale, inay qaangaarto iyo inkale….




DAAWO: Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay Boorame (Video)
- Aug 24, 2019
Boorame [ Kalshaale ] Fannaanka Cawaale aadan oo Bandhig Cajiib ah ku Qabtay ...
DF Soomaaliya oo Midowga Afrika ka diiday Inay kala hadlaan Kiiska Badda
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga ...
Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay Inay Jabuuti ku taageeri doonaan Kursiga ay isku hayaan Kenya
- Aug 24, 2019
Laascaanod ( Kalshaale ) Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu ...
Muuqaal: Cali Xaraare oo Waraysi uga hadlay Xaalada Jubbaland ! [Daawo]
- Aug 24, 2019
Kismaayo ( Kalshaale ) Wariye Cali Xaraare   ayaa Barnaamij ku lafa Guray Xaalada Siyaasadeed ee ...
R/Wasaare Khayre oo Khudbad Xiiso leh ka jeediyey Muqdisho [Daawo]
- Aug 24, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo soo xidhay ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!